Qoraa Sare A/qadir Oromo iyo Proff. Samantar |
Qurba-joog ambadayoo, af-qalaad la wacan yahay
Aayadaha Qur’aankiyo, Axaadiista
Nabigiyo
Dhaqankii awoowiyo, hiddihii ab laga
gaar
Midaan hoos u eegine, idilkood la
liitaan
Odayada mid quursada, aqoontooda aan
rabin
Ummaddaan muxuu taray, aqoonyahanna
ugu yahay?
In ogaal aqoon yahay, aqoonina ogaal
tahay
Kan ogina abwaan yahay, kaan aqoon
engegan yahay
Inan-yahow ma moog tahay, mise waad
ogsoon tahay?
Nin sabool ah oo aan Alle
ugu deeqin afarta maal adduunyo midna, ayaa beer-falashada ka doorbiday
ugaarsi, ayaandarro wax-daaca oo digooda gurigiisa uma soo hoydaan.
Nolol-maalmeed qoyskiisu wuxuu ku tiirsanaa ugaarsi iyo qaraabka miraha
dabeeciga ah. Foof tagga hiirta waabari wuxuu dhigi jirey dabino wuxuuna teedin
jirey geedaha manka iyo ubaxa leh ee ugaadhu aroorta hore sanka la soo raacdo.
Dabinada maalin waxaa ugu dhici jiray sagaar, maalinna cowl, maalinna waxba
kuma dhici jirin oo waa ku hungoobi jirey. Si uu usoo kormeero dabinadii saakay
la dhigay, goor duhurkii ah ayuu dhalandhoolay:
dabinkii kowaad waa ku
hungoobey oo ugaadh sooma ag joogsan, dabinkii labaadna ugaadhii waa ka sastay
o siriqda aasan bey dareentay, dabinkii seddaxaadna tafaasha laanta oo tooxa
laga badiyey darteed xarigii waa fakaday oo geedka ayuu sare ugu shareermey.
Waa maalin madow waxay ahayd arbaca bil u dambeys fool adag oo gabraartii waa
ku hungoobey, xaaskii oo dabka sii shiday iyo carruurtii oo gaajo la ildaran
wuxuu ula laabtay gacmo maran iyo niyad-jab.
Maalintii xigtay dabinkii
kowaad waxaa ugu dhacay xayawaan uusan weligi hore u arkin, waa xayawaan aad u
yar balse qurxoon isla markaana so’ iyo saan midna aan lahayn. Ugaarsadihii
wuxuu go’aansaday inuu magaalada u iib geeyo xayawaankaan qurxoon. Afarta addin
ayuu ka xiray wuxuuna u qaaday dhanka magaalada, intii uu sii socday qofkii ka
horyimaadba wuxuu weydiinaayey magaca xayawaankan. Qof baa ka horyimid oo wuxuu
ku yiri, waxaa la yiraahdaa MUKULAAL, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah
BISAD, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah YAANYUUR, qof kale ayaa ku yiri
waxaa la yiraah DINAD, qof kale ayaa ku yiri BASHO, qof kale ayaa ku yiri waxaa
la yiraah CURRE, qof kale ayaa ku yiri waxaa la yiraah SHAAMBI, qof kale ayaa
ku yiri waxaa la yiraah DURMAD, ilaa magacyo toban gaarey ayaa loogu sheegay.
Ugaarsadihii aad buu u farxay wuxuuna is yiri maanta waxaad heshay xayawaankii
adduunka ugu qaalisanaa oo toban magac leh, maanta ayaad faqri baxday oo
gorofta cayrta tuurtay.
Markuu tegay suuuqii
magaalada dadkii ayaa soo wada eegay, taasina si weyn bey u farxad gelisay oo
wuxuu is-yiri dadka kusoo wada eegay macnaheedu waxaa weeye qiimaha iyo
wanaagga xayawaankaani leeyahay. Mar labaad ayaa farxadi qalbigiisa buuxisay,
is hadal hoosena wuxuu naftiisa kula sheekeystay maanta ayaa Guulle ku gargaaray
oo aad gaawaha u culatay: horweyn geel ah, giir lo’aad, ari goohaya iyo ido
gorod madow. Ayaandarro Soomaalidu war ma qarisee, runtii ayaa loo sheegay oo
iyadoo la qoslayo waxaa lagu yiri “war bahalka aad suuqa keentay lama iibiyo
waayo harag iyo hilib toona maleh ee miyaad waallan tahay maxaad mukulaal beec
ah suuqa u keentay. Ugaarsadihii oo aad u niyadxun ayaa mukulaashii meel ku
tuuray wuxuuna yiri waa bahal magacyo badan oo aan manaafacaad lahayn. Meel xun
ka bax, intii aan suuqa u soo siday jaaqdeedii iyo cidiyaheedii ayaa wax walba
iiga daran.
Manaafacaad la’aanta iyo
magacyada badan ee bisadda waxaa la mid ah aqoonyahan isku sheegga aaminsan
afkaarta shisheeyaha iyo siyaasi beeleedka sebenka fowdada soo ifbaxay. Waxaad
maqli: Prof hebel, Dr hebel, wuxuu bare-sare ka yahay jaamacad hebel, wuxuu
haystaa shahaado sare “PHD”, waa aqoonyahan, waa indheergarad wax walba odorosi
kara.
Ha-yeeshee markey arrintu
ficil iyo wax-qabad gaarto waa magac qurxoon iyo muunad la’aan, waa hungo iyo
haan-maran, waa aqoon la’aan ku wajahan baaxaadegga siyaasadda, waa faham
la’aan dhaqan dhaqaalaha bulshada iyo ku hagista hillinka toosan. Waxaan
aaminsanahay haddiiba Soomaalidu aqoonyahan leedahay waa suugaanleyda Eebbe
hibada u siiyey hal-abuurka maansada. Tusaale heesta “af qalaad aqoonta miyaa”
ee Cali Sugulle allifey iyo heesta “dadweynaha hanuuninaa hasaawinaa danta u
hagnaa” ee Xasan Sh. Muumin allifey, filimaayo aqoonyahan kasoo qalinjebiyey “Harvard University” inuu curin
karo erayadaas oo habkaas bulshada u abaabuli karo.
Derbiyada gudaha Madxafka
Qaranka waxaa lagu xardhay magacyada indheergaratadii alliftey qoraalka farta
Somaalida, waxay ka koobnaayeen (17 nin iyo Xaliimo Maxamed Cali), waxay kala
ahaayeen 3 soo bandhigtay xuruuf Laatiin ah, 4 soo bandhigtay xuruuf Carabi ah
iyo 11 soo bandhigtay xuruuf Hebrew ah. 18kaas indheergarad ama aqoonyahan
filimaayo midkoodna inuu kasoo qalinjebiyey jaamacadaha reer Galbeedka, waxayse
ahaayeen maskax-maal iyo suugaanley hibo u leh wax curinta.
QURBA-JOOGTA QAFIIFTAY
Dalku waa isu furan yahay,
shacabkana colaad ba’ani ma dhextaal, walow ay weli jiraan, jirina doonaan
dagaalladii reer miyiga ee ka dhalan jirey ku hardanka: biyaha iyo baadka,
barta iyo beerta iyo wixii soo raaca. Ayaandarro dagaal siyaasadeed aan dhammaad
lahayn ayaa dalka ka oogan, waxaa daadihiya qurba-joog mar lebbisan shaati
aqoonyahan, marna lebbisan shaati siyaasi beeleed, marna lebbisan shaati
FEDERAL iyo Soomaali kala geyn. Dagaallada sokeeye waxaa dabkooda huriya oo
Soomaalida waalay waa koox isku magacaawday “Diaspora” balse lagu suntay
“dayuusbaro”.
Siday ila tahay Prof Axmed
Samatar waa horyaalka qurba-joogta qafiiftay, waxaa asiibay qulub iyo jago
jacayl. Muddo dheer kadib Prof Samatar oo caafimaad doon ah waxaa Xamar loogu
sheegay dhaqtar ku xeeldheer daweynta cudurka qulubka iyo hoggaan u qafiifka.
Dhoolatus siyaasadeed qurbaha lagu soo bandhigay sida: durbaanka
xisbiga Hiil-qaran oo la dananiyey, aftahamnimo fagaareyaasha wacdaro iyo
indhasarcaad laga dhigay kadib, Prof Samatar wuxuu garaacay albaabka dhaqtarka
rugta caafimaadka ku leh “Villa Somalia”. Durbadiiba wuxuu u diray “Sheybaarka
dhexe” dhiigga Profasoorka waxaa laga helay (saar-qabiil, kursi-u-qooq,
hoggaamin jacayl, isla-weyni, af Ingiriis ku faan, Gaalo jacayl iyo cudurro kale
oo halis ah).
Dhaqtarka Xamar oo ah
Kaadirka Carabta, waaba iskala sarreeyaa ku hadalka Af-Ingiriiska wuxuuna
aaminsan yahay Af-Carabigu inuu yahay “afdalu luqa, axsanu luqa” maadama Alle
kusoo dejiyey Qur’aanka Kariimka ah. Teeda kale haybta Profasoorka ee ah
Maxamed Case dhaqtarku waa garanwaayey oo “Mesegada” ka baxda Koofurta ayaa loo
kala saaraa “Shamuurey iyo cascase ama cadood”. Cascase waa magac aan Koofurta
ku lahayn miisaan siyaasadeed, maalqabeen iyo muruq milateri midna.
Prof Samatar dulqaad iyo
samir midna ma muujin, afka labadiisa ayuu furtay, uma hadlin asluubkii laga
rejeynaayey oday aqoon leh iyo anshax siyaasi. Wuxuu fagaare kasta ka yiri
“Xamar waa qurun iyo qashin, waa qaxooti iyo qowleysato, waa meel maamulkeedu u
xiran yahay Hawiye & Daarood kaliya ‘dual-monopoly’. Anigoo Soomaali ah
ayaan Xamar tegay, anigoo Samaroon ah ayaan kasoo laabtay. Shalay midnimo ayaan
doonayey, maantase Somalilander baan ahay oo Boorame ayaan tegayaa si aan u
noqdo caaqilka Samaroon. Aflagaadada lagu dheehay erayada Ingiriiska ah ee Prof
Samatar ku hadlo, anfariir iyo amakaag ayey ku riday qaxootiga ku nool qashinka
Xamar, waxayse ku qanceen seddax arrimood:
Heestii Sulfa ee ahayd
“lama miiraa lay mudaa oo waa laygu maasadaa”.
Nin lamaan oo magaalo ka
duday siigo yaraa. Takartii maroodiga fuushay
ee markey ka duushay ku tiri “i cafi maroodi ilaa saakay dushaadaan dangiigay”
maroodigiina ku yiri “maba dareemin culayskaaga”.
Waa yaabka yaabkiisee,
weligaa ma is weydiisay:
Prof Samatar muxuu Soomaali hore ugu qabtay? Muxuuse ku
muteystay madaxtinimada uu ku qafiifay? Muxuuse maanta qaban karaa?
06/09/1967 ayaa Prof
Samatar Soomaaliya kasoo tegay. Waa maalin taariikhi ah oo Soomaalidu wada
taqaan, waa maalintii la xiray Wasiirkii Arrimaha dibedda Axmed Yuusuf Ducaale
oo lagu eedeeyey inuu gatay qaddiyadda xoreynta Jabuuti. Axmed Ismacil Samatar
wuxuu ahaa weriyihii maalintaas warka duhurnimo Radio Muqdisho ka tebiyey, sida
aan weli xusuusto wuxuu warka ka billaabay “Wasiirkii Arrimaha Dibedda oo
gacmaha laga duubay, xabsigana loo dhaadhiciyey”.
Durbadiiba Axmed Samatar BBC ayuu shaqo ka
helay wuxuuna uga sii gudbay Ameerika, 06/09/1967 ilaa 10/09/2012 doorashadii
Madaxweynaha JFS, 45-taas sano hal maalin dalka dib uguma soo noqon. Xooluhu
waa xaab daaq, dadkuna waa xan daaq, sida aan maqlay Axmed Samatar laguma
sheegin halyey lagu hirto oo dadka kaalmeeya. Filimaayo hal arday oo jufadiisa
ah inuu jaamacad u qalqaaliyey. Filimaayo xataa boqol dollar inuu horumarinta
dalka ku taageeray. Filimaayo inuu weligi hal dugsi dayactiray. Waxaan maqlay
1993 kulan ka dhacay “Ottowa University” oo Axmed Samatar xiriiriye ka ahaa
inuu halkaas kaga tookhay anigu Soomaaliya uma socdo oo xataa bogcadii laygu
aasi lahaa waan sii iibsaday. Haddaba weydiintu waxay tahay, Soomaaliya ma
qashin qubkii qurba-joogtaa? Soomaaliya ma hoygii hawlgabkaa?
Axmed Samatar oo sida
muuqata 70 sano sare u dhaafay muxuu maanta Soomaaliya u qaban karaa? Axmed
Samatar oo habdhaqanka reer Galbeed niyadsami u aaminsan laga rejeynmaayo xataa
inuu maanta oori yar arooso oo carruur dhalo oo gurigiisa ay ku koraan dhowr
qof oo qaraabo ah, taasi waa inta ugu yar ee uu Soomaali maanta u qaban karo.
Murtida laga dhaxlay
awooweyaashii hore waxay tahay “wax la tacbo dad baa ugu fiican — irsaq waayi-meysid aroosoo ubad kordhi –
qofkii kaa dad badan kaa deeq badan – dhashaada iyo dhul baa magan loo yahay”
waa hidde dhaqan soo jireen ah, ha-yeeshee aqoonyahannada Axmed Samatar
hormoodka u yahay waxay aaminsan yihiin “ubad ilbax waa laba uun ama la noolow
islaan cad oon ubad dhalayn”. Dagaalkii 2aad kadib rag Soomaaliyeed ayaa degay
Yurub. Raggaas oo ahaa dhallinyaro awood jinsi leh, sida ayax doog helay oo
kale waxay ku daateen haweenkii caddaanka ah, wiil helay haweenay gole-joogsi
wacan leh, timo sugul ah iyo indha cawlan oo eegmo caashaq leh “blonde hair and
blue eyes” balse minka iska xirtay iskana tallaashay ubad dhalis ayaa aabbihi u
soo diray farriin leh “maandhow maxaad dad iyo duunyo haysaa?” Wiilkii wuxuu su’aashaas kaga jawaabay aabbe
waxaan la noolahay haweeney caddaan ah oo joog iyo jamaal leh, laakiin inay
ubadh dhasho laga rejeynmaayo. Odaygii wuxuu wiilkiisa u soo diray murti
xambaarsan waano dhalxalgal ah, wuxuuna kula dardaarmay:
Mar haddaaney awlaad ku
dhalayn loo abtirinaayo
Amaaney adduun ku dhaqayn
ari iyo geel toona
Layskama abaahiyo islaan
abasaxoo weyne
Maandhow ka ag fogow eey
la nool ubadka diidaysa
Ajnebi ka dooro INDHAYAR
waa inkaar waalid iyo ilduuf geyaan. Wiil ciyaar ka booday ayaa ku heesay “waxa
Mijir-ka-hoos magaalada yaal Maryaney maxaa mara-meydka ku xiiray”. Prof Axmed
Samatar oo sida guuxa dadweynaha lagu sheegay ka mid ah qurba-joogta gabayga
sare khuseeyo, himiladiisa hoggaan jacaylka ma riyaa mise waa hidde-raac? Soomaaliya waxaa ka jira boqortooyo silloon
oo si dadban u shaqeysa.
Halkudhegga iyo halbeegga boqortooyadu waa: aabahay, awoowgey, adeerkey, abtigey, eedadey iyo ina-adeerkey baa madax ahaan jirey ee anna waa inaan madax noqdaa oo hoggaamintu waa hibo dhaxaltooyo. Raggii kartida yaraa ee hanan waayey kaalintii kaga toosnayd hawlihii miyiga (xoolo dhaqasho iyo beero falasho) ayaa hoos cararay Maamulladii Gumeysiga, waxayna ka heleen fursadihii shaqo ee waagaas jirey. Oday baa arkay nin gacanyare u ah Gaalkii geyiga xukumay balse markuu miyiga joogay aan soo hoyn jirin waxar jaban, dabadeed wuxuu tiriyey afarreydaan:
Halkudhegga iyo halbeegga boqortooyadu waa: aabahay, awoowgey, adeerkey, abtigey, eedadey iyo ina-adeerkey baa madax ahaan jirey ee anna waa inaan madax noqdaa oo hoggaamintu waa hibo dhaxaltooyo. Raggii kartida yaraa ee hanan waayey kaalintii kaga toosnayd hawlihii miyiga (xoolo dhaqasho iyo beero falasho) ayaa hoos cararay Maamulladii Gumeysiga, waxayna ka heleen fursadihii shaqo ee waagaas jirey. Oday baa arkay nin gacanyare u ah Gaalkii geyiga xukumay balse markuu miyiga joogay aan soo hoyn jirin waxar jaban, dabadeed wuxuu tiriyey afarreydaan:
Allahayow Faranjigii muxuu
doqon fariideeyey
Muxuu feydo laawiyo nin
raggah faylka wada joojay
Muxuu nimaan aabbihi fuuli
jirin faras u heenseeyey
Turjubaannadii, ilaaladii,
adeegeyaashii, kookeyaashii iyo wixii soo raaca ee Gaalada u shaqeyn jirtay
carruurtii ay dhaleen waxay u dallaceen Gaal-yare ama “house niger” xukunkii
dalka iyaga ayaa kala wareegay Gumeysteyaashii tegay. Carruurtii ka farcantay
kooxdii guryaha Gaalada ka shaqeyn jirtey waxay noqdeen kooxda ina-K
(ina-kooke, ina-kaabul, ina-kormeere, ina-karaani, ina-warkeene, ina-kidbeeye,
ina-kirishboy, ina-kalkaaliye, ina-kadindhowre, ina-kaabaqabiil, ina-kayd-haye,
ina-kaabe-waardiye, ina-kabraale)
Guud ahaan Soomaaliya
waxaa maamula kooxda ina-K, gaar ahaan Koofurtu waa budo gaar u tuman iyo
boqortooyo silloon, halkudhegu waa “ballan aabbe iyo hoggaan beeleed”.
Sannadihii fowdada hoggaamiye kooxeed kastoo dhintay waxaa beddelay wiilkiisa
ama hadduusan wiil dhalin xaaskiisa iyo inantiisa, Jeneraal Caydiid waxaa
hoggaankii ka dhaxlay wiilkiisa ilaa Qareen Raajis oo ay xilkii ka dhaxashay
xaakiisa. 14/11/2001 goortii Jaamac Cali Jaamac loo doortay madaxweynaha
Puntland waxaa diiday Cabdullaahi Yusuf oo 3dii sano ee xilka loo igmaday ay ka
dhammaatay. Dagaalkii qarxay kadib waxaa lagu heshiiyey in doorasho cusub la
qabto, sida dastuurka Puntland ku qoran waxay ahayd xilliga kala guurka inuu
madaxweyne ku meel gaar ah sii ahaado Maxamed Cabdi Xaashi, mase dhacin oo
xilkii waxaa qabtay Yuusuf Xaaji Nuur oo ahaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.
Xuruuf yaryar oo qof aragti gorgor leh kaliya
akhrin karo dastuurka Puntland waxaa ku qoran jagada madaxweynaha
Puntland waxaa qaban kara qof Maxamuud
Suleymaan ah kaliya. Koofurta beddelkeeda, boqortooyadaas silloon Isaaq waa ka
badbaaday oo Cigaal wiilkiisu jagada kama dhaxlin, C/maan Tuurna xaaskiisu
xilka kama dhaxlin, nasiibwanaag Isaaq wuxuu fahmay laba eray siyaasadeed oo
Soomaalida kale aysan weli fahmin, dulqaad iyo is-afgarasho “tolerance and
compromise”. Si looga fogaado dagaal mindhicireed dhexmara beelaha Isaaq waxay
madaxweyne u doorteen Daahir Riyaale Kaahin oo sarkaal sare ka ahaan jirey
NSS-tii Siyaad Barre “Notorious Gestapo Officer” waxay ahayd tallaabo ku
dayasho mudan oo Isaaq ka dhaxlay aayatiin wacan iyo haybad siyaasadeed, balse
dhanka kale waxay jahawareer iyo waalli ku riday beesha Gudabiirsay oo qof
walba wuxuu u xusulduubay inuu madaxweyne noqdo, xataa haweenka miyiga Boorame
jooga waxay ku werdinayaan oo la riimayaan haddii Riyaale Madaxweyne noqday
anna waa inaan noqdaa. Damacaas safmarka ugu dhacay guud ahaan beesha Samaroon
ayaa dhiigga iyo dhuuxa kaga milmay Prof Samatar, wuxuuse u eg-yahay damacaan
sinnaba ku hirgeli karin, waana riyo maalmeed iyo rejo meehanow, maxaa yeelay
nin suldaan u suuban ayaa madaxiisa taaj la saaraa. Prof Samatar hadalladiisa
faanka iyo tookha u badan kuma jiraan: oorideyda heblaayo, inankeyga hebel iyo
inanteyda heblaayo, waxaa la fahmi karaa inuu yahay faras leedo ah oon koore
lahayn. Dhaqan guud oo aadamigu isla ogol yahay ka sokow, waddanka Prof Samatar
ku nool yahay, nimaan xaas iyo carruur lahayn hoggaamiye looma doorto.
Aan qoraalka ku gunaanado
su’aal muhiim ah oo mudan in si taxadar leh oo cilmi ku saleysan looga jawaabo.
Prof Samatar safarkiisa “From Soomaali to Samaroon” Ma siyaasad cusub baa? Ma saldano jacayl baa?
Ma suluqsaaluq socodkii sebenkaa? Prof
Samatar maanta safarkiisu waa Muqdisho to Hargeysa, berrito waa Jabuuti to Adis
Ababa, saad-dambe waa Tel Aviv to Washington ee saakuun safarka Prof Samatar
xagee ku wajahan yahay?
Akhriste fadlan maskaxdaada ka shaqaysii oo jawaab
hufan soo gudbi. Wa Billaahi Towfiiq
Abdulkadir Osman “Aroma”
Shirwac55@hotmail.com