Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya
in madaafiic xoogan
Gaalkacyo - Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya
in madaafiic xoogan saaka laga maqlayo gudaha magaalada Gaalkacyo kaasi oo
sitoos ah ugu dhacaya garoonka magaalada Gaalkacyo.
Dagaalkaan u dhaxeeya
maamulka Puntland iyo kan Galmudug ayaa ka dambeysay kadib markii nin ka soo
jeeda maamulka Galmudug ay shalay dil ugeysteen rag ka tirsan maamulka Puntland
iyadoona dagaalka saaka ka socda ay qaadeen ciidamo ka soo jeeda dhanka
Galmudug.
Goob joogayaal ku
sugan magaalada Gaalkacyo ayaa soo sheegaya in maleeshiyaad ka
tirsan maamulka
Galmudug ay weerar madaafiic iyo hoobiyayal ah ku qaadeen Garoonak magaalada
Gaalkacyo oo ay gacan ku heynteeda leeyihiin maamul goboleedka Puntland.,
Ma jirto ilaa iyo
hada wax war ah oo ka soo baxay in dagaalka sida tooska ah ugu socda Waqooyiga
iyo Koonfurta Gaalkacyo uu geystay wax Khasaaro ah.
Faahfaahin: Wararkii ugu Dambeeyay Dagaalkii Koobnaa ee Kismaayo Iyo Khasaaraha Ka Dhashay
Wararka ugu dambeeya ee caawa naga soo gaaraya magaalada
Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in uu joogsaday dagaal
kooban oo socdsay ku dhawaad hal saac oo maanta ka dhacay agagaarka saldhiga
Booliiska Kismaayo.
Sidee wax u Dhaceen.
Dagaalka ayaa waxaa soo qaaday maleeshiyaad dooneysay in
ay xoog kula baxdo sarkaal iyo askar kawada tirsnaa ciidamada wax ka qabtay
kismaayo oo lagu soo qabqabtay hawlgalo ay ciidamada AMISOM, iyo kuwa Soomaalida
ah ee kasaaray Al Shabaab ay ka fuluyeen gudaha Magaalada Kismaayo.
Sida dadkii aan la hadalnay noo sheegeen dagaalka ayaa
xilli barqanimadii maanta ah ka qarxay saldhiga booliska ee Kismaayo oo ku
yaalla xaafada Calanley halkaasoo rag shalay la soo qabtay lagu soo xiray. Dagaalka ayaa bilawday markii Maleeshiyaad
ay isku heyb yihiin raga la xiray ay weerar ku soo qaadeen saldhiga halkaasoo
ay ooda uga qaadeen dhammaan dadkii ku xirnaa saldhiga.
Waxaa goobtaasi lagu dilay taliyihii saldhiga booliska oo
ka tirsanaa Raskambooni kaasoo lagu magacaabi jiray Labo Gadhle iyo sarkaalkii
hawlgalka lagu soo qabtay.
Ugu yaraan sagaal (9) ruux ayaa la xaqiijiyey inay ku
dhinteen dagaalka maanta ka dhacay magaalada Kismaayo kaasoo hubka fudud la
isku weydaarsaday. si weyna looga maqlayay
magaalada Kismaayo. Waxaa jira
illaa 5 ruux oo isugu jira dhinacyada dagaalamay iyo dad rayid ah oo guryahooda
rasaasta ugu tagtay oo ku dhaawacmay dagaalkii maanta.
Isgaarsiinta ayaa maanta go’nayd ka dib markii ay amreen
maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya Kismaayo in hawada laga saaro dhammaan
isgaarsiinta, taasoo adkeysay in markaas wax badan laga ogaado sida ay wax u
dheceen maanta.
Hase yeeshee caawa ayay isgaarsiinta qeyb ka mid ah ay
dib ugu soo laabatay, iyadoo Raxanreeb ay u suurtagashay inay la hadasho dad ku
sugan Kismaayo.
Dhammaan dhaqdhaqaaqii magaalada ayaa joogsaday markii
dagaalku uu qarxay, waxaana la xiray ganacsiga iyadoo jawiga uu isu rogay mid
colaadeed.
Xaalada magaalada Kismaayo ayaa tan iyo casarkii ahayd
mid degan ka dib markii ciidamada Kenya ee ka tirsan AMISOM ay soo kala
dhexgaleen dhinacyadii dagaalamayay.
Saldhiga degmada ayaa hada ku sugan ciidamada Kenya, markii hore ay
gacanta ku hayeen ciidamada hoos taga maamulka kumeel gaarka ah ee ka arimiya
Kismaayo.
Dawlada oo ka hadashay dagaalka
Raysul wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid
oo war saxaafadeed ka soo saaray dagaalka Kismaayo ayaa ku baaqay in dagaalka
la joojiyo.
“Waxaa dhawaan isoo gaartay in dagaal ka dhacay magaalada
Kismaayo. Waxaana aad uga xunnahay in dhiig dad walaalo ah oo Somaliyeed si
micno darro ah u daato waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in ay
maamul sameystaan” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Saacid
Dhanka kale wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka
Cabdikariin Xuseen Guuleed oo u waramay idaacadda VOA ayaa sheegay in dagaalka
Kismaayo uu u dhexeeyo labo maleeshiyo beeleed kuwaasoo ku wada sugan
magaalada.
Wasiirka oo la weydiiyey dib u dhaca shir maanta ka furmi
lahaa Kismaayo ayaa sheegay inuusan wax war ah ka heyn shir Kismaayo ka dhacaya
isla markaana aan dawlada guud ahaan lagu martiqaadin shirkaasi.