Khaliif Raage |
Maalinta Haweenka Adduunka maalmo la weyneeyo oo ka mid
ah maalmalaha kalle Haweenweynaha caallamku sannad walba munnaasabado ku
xussaan. Waxa kalle oo haweenka u soo raaca maalmo kalle oo ay weyneeyaan
maalmahaas waxa ka mid ah: Maalinta ka Hortegga Gudniinka Fircooniga Gabdhaha 6
bisha Feebarwari sannad walba Maalinta Dheddiga Adduunka oo ku beegan bisha 11
Aktoobar walba. Maalinta Afka Hooyo oo maggac mamma laggu dhallay, taas oo
dhulka Soomaalida sannad walba ka qabsoonta 20 bisha Feebarwari.
Taariikhda munnaasibada maalinta haweenka adduunweynaha
ummaan soo diyaargaroobin in aan ku faahfaahiyo, waayo, waxa shallay qorraal
dhaxalgal ah ugga hadlay qorraaga iyo suxufi sare: Cali Cabdi Coomay. Mr.
Coomay waxa uu maqaalkiisa uggu wanqallay:- Taariikhda Dhabta Ah Ee Sideeda
Maarij (08, March),
Culimadda waaweyn ee geyiga Soomaalida ku nool waxay ka
diggeen maalmaha aan diinta Allaah iyo Rasuulkiisa (CSW) ku xusin ee waddamada
gaallada lagga soo xawilay. Munnaasibada Maalinta Haweenka Adduun oo qaar ka
tirsan dumar Soomaalidu xusto waxay assalkeedii hore ka soo jeeddaa New York
dalka Marraykanka. Xuska haween waxay dalkaasi si aan rasmi aheyn ugga
billaabantay 08, Maarij, 1857, kadib markii hawlwadeeno haween u badnaa
Warshadda Farsamadda Dharka New York bannaanbax sameeyeen. Murruqmaalkii
haweenku waxay ka dhiidhiyeen mushahar yari isku roggay mudaharaad rabshaddo
wata oo ciiddamada booliiska iyo dumarkaas isku farosaareen waddooyinka
halbowlaha u ah magaaladaasi.
Cabasho dumar Marraykan ahi sameeyeen waxay ku faaftay
Qaaraddaha Waqooyiga Marraykanka illaa Yurrub, Aasiya, Afrika iyo Ustareeliya.
Maqal iyo muuqaalka munnaasibada haweenka adduunka waxa ka soomaali ahaan inna
soo gaadhsiiyey qallabka casriga ah ee warbaahinta reer galbeedka, sidda BBC,
CNN, Reuters, VOA IWM. Maanta oo xuska laggu weyneenayo maalmahaas haweenka loo
callaamadiyey waxay saameyn ku yeellatay dumar oo ay duufsatay.
Culimadda sebenkan nooli iyo kuwii hore waxay dhammaan
lagga soo minguuriyey in xaaraan tahay islamarkaana gaar u tahay haweenka aan
Diinta Islaamka aamminsaneyn. Marka lagga reebo dadka jaahilka ah kuwa garanaya
inay xaaraan tahayna waxay culimaddu ku sheeggeen innay (Bidco) ku dhaceen.
Culimadda Islaamka waxay muslimiinta uggu baaqeen in
maalmaha ka fayow xumaanta ee sannadka Hijradda ku jirra kolkooliyeen oo ay
weyneeyaan. Maalmaha weyneenteeda la xuso waxa ka mid ah saddexda munaasabadood
ee diinteenna Islaamku jiddeeysay oo kalla ah: Ciiddal Fidriga, Ciiddal Adxaha,
iyo Maalmaha Jimcaha ee toddobaad walba ku jira.
Waddamada gaaladu saddexdaa munnaasabadood ee Islaamku
innoo oggolyahay xus iska daayee, miyey nalla weyneeyaan (ciiddaan)? Hadday
jawaabtu tahay MAYA. Maxaynu ka Soomaali ahaan munnaasabadahooda xaarraanta ah
ugulla dabaaldegnaa? Maxaynu maalgelin faraha baddan uggu bixinayaa
koolkoolinta xafladdaha laggu naax-naaxinayo maalintan oo kalle? Bulshadu waxay
ka kooban tahay lab oo raga ah iyo dheddig oo dumarka ah, maxaa dumarka ka
soocay bulshadda raggiina bulshada ku reebay? Haddaanay Gaaladu Dan kalle ka
laheyn munnaasibadan, maxaa Maalinta Haweenka oo kaliya loo xusaa Maalintii
Raggana looga teggey? Sow maaha timir laf baa ku jirta.
Hadh iyo habeen Culimadda Rabaaniyiintu waxay masaajid
iyo madddal walba oo bulshaddu ku kullanto ka sheegaan in maalmahaas
dabaaldegooda dumarka iyo ragga qaar lagga wacyigeliyo.
Warbaahinta waddamada reer galbeedka ee afsoomaaliga
afduubay sidda laamaha afsoomaaliga ee BBC-da iyo VOA-da maanta oo kalle waxay
aheyd in ay dhabaha taariikhda maalinta haweenku xambaarsan tahay ka warramaan
balse siyaasadooda gurracan warbaahintoodu ku fadhido ummay suurtogelin.
Bulshaddii saaka iddaacadahaasi dhaggeystay waxay u ammaaneen xuska gabdhaha oo
ay sheegeen in haweenka adduunweynuhu waxtar u leeyihiin. Akhriste, tabaha taariikhdu sida ay
muujinnayso maanta oo kalle waxay ku sheeggeen in dumar Marraykan ahaa oo
jidhkooda laamiyadda ku gaddi jirray la dulmiyey, kaddibna xus lagu xussuusto
loo saameeyey, ayey BBC-du & VOA-du qarinayaaan in ummadda dhacdadaas u soo
gudbiyaan.
Bulshadda Soomaalidu waxay ka kooban tahay reer guuraa
iyo beerallay 73% waa dad caamo ah (waxna qorin, waxna akhriyin), haddanna
dumar baa uggu jaahilsan oo la tilmaamaa, saasoo ay tahay waxay dumarka
Soomaaliyeed moodayaan in dabaaldeg kasta oo maalin ku suntanni sidda Maalinta
Haweenka Adduunka iyagga lagga hiddo-raacay?.
Dumarka amma haweenka waxbartay waxay ogyihiin in
maalintan magacooda laggu ladhay in aannay raad iyo assaltoona ku laheyn oo ay
u gaar tahay Haweenka gaallada lagga minguuriyey. Haweenka aqoonta casriga ah
xambaarsani, waxaad arkaysaa dumarka gaalada oo ay la dabbaaldegayaan. Dumarka
waxbartay ee ku haddaaqaya maalintan oo kalle leh halloo dabaaldeggo iyo
dhiggooda reer galbeedku waxa kumma kalla duwanna, waayo maxaa sacabka
habeenkii loo tumaa haddaanay xeeladi ku jirin.
Dumarku innay dameer dhaan raacday noqdaan waa lagga
wacan yahay balse waxa ka wannaagsan in ay noqdaan dumar diin iyo dhaqan Islaam
raacday, waanna sababta iiggu kaliftay innaan guud ahaan dumarka Muslimiinta
gaar ahaan kuwa Soomaaliyeed ee uu qorraalkaygu ku socdo ugga diggo
hiirtaanyada maalintaas maddow ee Haweenka Adduunku innoo soo walwaallayso.
Culimadda Rabaaniyiintu waxay ka diggeen xuska iyo
dabaaldegga haweenka dheddiga ahi, innay tahay gumeysi-maskaxeed oo ay
waddamada gaalladu Muslimiinta u malleegayaan. Waxay kalle oo ay fahmeen in
uddub-dhexaadka qoyska Islaamku uu yahay dumarka iyo carruurta Musliimiinta oo
haggaagta, si taas looga horteggo waa in tiirarka Qoyska Islaamku ku taagan
yahay karkaarka la waydaarsho. Waxay yaqyeelleen munnaasabado loogu
dabaaddegayo, taageeranna loogu muujinayo haween ay sheegeen in xaqoodii cirka
uu kagga laallan yahay, inna ragna uu ka duudsiyey.
Khaliif Raage
Hargeysa, Somaliland.
Amiirkhaliif@hotmail.com
447 35 32