Search This Blog

Monday, December 17, 2012

Somaliland: US Government to Act after Final IEO Report






"Somaliland should be commended for holding electionson a regular basis but with as much experience as it has had with elections since 1991, I would have thought it could do better by this time" Amb David Shinn


By: Yusuf M Hasan

HARGEISA (Somalilandsun) - The United States normally attaches considerable importance to the views of neutral international election observers.

The US government is awaiting the final report of the International Election Observer-IOE Mission which observes the local council elections held in 28th November before it makes comments.

Add caption
This was revealed by Ambassador David Shinn during an interview with the Horn newspaper in which he also opinioned that the national police force needs international training

Below are the verbatim excerpts of the interview

How do you see the local elections held in Somaliland on 28 November and the report by the international observers?

Somaliland should be commended for holding elections on a regular basis. As you know, some countries in Africa and elsewhere around the world do not have scheduled elections or any elections. There were, however, some reports of violence and apparently no voting took place in some districts in eastern Somaliland. Voter turnout in the rest of Somaliland was reportedly high. Representatives of The Bartlett Development Planning Unit (DPU) organized a 51-member team of international observers to observe the elections. This is a relatively small number of observers for an area as large as Somaliland. They only observed about 20 percent of the polling stations. That means they were unable to observe the situation in most of Somaliland.

The DPU observers reported that the voting process was mainly free, relatively peaceful and marked by great public enthusiasm. On the other hand, they witnessed widespread evidence of attempts at multiple voting exacerbated by the lack of a voter registration system. With as much experience as Somaliland has had with elections since 1991, I would have thought it could do better by this time.

What impact will the final report on local council elections by international observers have on the government of the United States?

The United States normally attaches considerable importance to the views of neutral international election observers. As the DPU was the only international group to observe the elections, I assume that the United States will pay close attention to its final report. The United States will also look into allegations by groups such as XAQSOOR that have strongly criticized the election process.

Do you think the international community is ready to pay for the expenses of voter registration prior to future elections in Somaliland?

If the government of Somaliland can present a credible voter representation plan that is not excessively expensive, I believe elements of the international community could be persuaded to provide the funding. It is clear that voter registration is needed to improve the process.

How do you interpret the use of live bullets by Somaliland police against protesters armed with stones?
Since I was not present in Somaliland during the election, I am not in a position to judge if live bullets were used against stone-throwing protestors. If that happened, it was a mistake and the government needs to be sure it does not happen again. Personally, I favor international training for Somaliland police. Realistically, it probably will not happen. Because of bad experiences in other countries in the past with the training of police personnel, there is a reluctance to provide police training by many nations. A few countries, such as Turkey, do provide police training. Unquote

Addendum

Amb David Shinn who is a renowned pundit on Horn Africa issues, who is currently an adjunct professor of international affairs at The George Washington University.
David Shinn, who received his B.A., M.A., and Ph.D. from GW, is a former U.S. ambassador to Ethiopia (1996-99) and to Burkina Faso (1987-90).

Wiil Siilaanyo Dhalay Oo La Rabo in Laga Iibiyo Huteelkii Dawlada Ee(hargeysa Club),balse Lagu Qoraya Nin Ganacsade Ah Magaciisa Oo Mateleya Wiilka Siilaanyo Dhalay.








Warar ay si hoose u heshay Shabakadan Somalilandcitizen ayaa cadeynaya in Bishan oo dhan ay socotay sidii Huteelka Dawlada ee (Hargeisa Club)  iibin lahaa Wiil Madaxweyne Siilanyo dhalay oo degan Cariga Ingiriiska(UK)london warar hor dhac oo shabakadu heshay Sanadkan horaantiisa ayaa si fiican i soo taray oo hada xaqiiqada ku dhow.


Wasiirka Hawlaha Guud Xaabsade oo mashruucan iibka qayb ka ah ayaa amray in la baneeyo oo laga baxo Huteelkaasi Hargeisa Club isagoo u sii gogol xaadhaya Iibka Huteelkaas.Wararku waxay intaasi ku darayaan in huteelka Qandaraas maqaar saar ah oo indho iska jeedin ah loo sameynayn doono balse uu calaamadsan yahay nin ganacsade ah oo wiilka Siilanyo wakiil ka ah si indhaha dadka looga jeediyo.

Hore ayaa Xukuumada Siilanyo Dhismayaal dawladeed u iibisey ayna qandaraas beenbeen ah oo sharciga qandaraasyada lidi ku ah ama waafaqsanayn ku bixisey iyadoo qandaraasyadaasi la siiyey dad dawlada ay ehelyihiin gacan saar dhawna leeyihiin.

Guryahaasi dawlada ee xukuumada Siilaanyo hore u iibisey ayaan ilaa hada la ogeyn lacagtii iibkaasi ka soo baxday meel ay ku danbeysey,waxaase hubaala in hantidaasi lacageed ee Ummadu lahayd la lunsaday.

Hanti-dhawraha Guud ee qarankuna weligii ma daba gelin hantidaasi ummada ka maqan waayo hanti-dhawruhu waa magac u yaal ku shaqeeya Amarka Qasriga Madaxtooyada.

Wixii wara ee arrintani ka soo kordha waanu idinla socodsiin doonaa.Insha Allah.

QISO YAAB LEH: INAGANA KITAABKA GURIGA YAAL MA AKHRINO!!!!

rss


Dhalin yaro arday ah oo wax ka baran jirtay dalka Ruushka isla marakana u dhashay dalka Kuwait ayaa waxaa ay sheegeen in iyaga oo ku guda jiray fasaxodii dabayaaqada asbuuca ee ayku aadi jireen tuulo loo dalxiistago

Waxaa si kediso ah ku soo baxday haweenay da’ah waxayna waydiisay qolomaad tihiin xageena ka timaadeen?

Waxay dhalin yaradii ugu jawaabtay dalka Kuwait.

Waxay haweenaydii ku tiri ma dawlad islaam ah baa? waxaa dhalin yaradi ku jawaabtay haa waa dal islaam ah

Waxay dabadeed waydiisay idinku muslimiin miyaad tihiin?

dhalinyaradii ayaa waxaa ayku jawaabeen haa Alle ayaa mahadleh

Dabadeed haweenaydii waxa ayku adkaysatay in ay u raacan gurigeeda oo ay la soo qadeeyaan ,dhalinyaradina way ajiibeen codsigeeda

Dabadeed haweenaydi waxa ay geystay beer yar oo gurigeeda ku agtaal waxayna si dhaqso ah u diyaarisay qado sharaf balaaran oo ayku maamuusaysay booqashadooda

waxayn dabadeed u keentay sanduuq dahab ka buuxo waxayna tiri; sanduuqan dahabka ah idinka ayaa qaadanaya hadii aad ii keentan kitaabka quraanka kariimka ah

Nasiib wanaag mid kamid ah dhalin yarada ayaa waxaa boorsadisa ku jiray kitaab jaamac ah dabadeed inta kitaabki soo bixiyay ayuu waxa uu yiri Kitaabkan qaado mana doonayo inaa wax nagu siiso waxaa nagu filan sida wanaagsan ee aad noo karaaamaysay

Haweenadyii kitaabki ayay qaadatay iyada oo farxad badani ayka muuqato waxayna kitaabki saadhay laabteeda ,dabadeedna way dhunkatay waxayna ku masaxday wajigeeda iyada oo waxa ay leedahay Eebow adiga ayaa mahad leh ,adiga ayaa mahad leh ,waad inimcaysay waxaad ii fududaysay inaan gacanta ku dhigo quraankaga kariimka ah ka hor inta aanan dhiman.

dabadeednawaxa ay sanduuqi dahabka ahaa mar kale soo hordhigtay dhalin yaradii ,laakin waa ay diideen .
haweenaydi waxa ay dhaar ku martay in ay qaadanayaan sanduuqa dahabka ah waxayna tiri waxaan Eebe nadar u maray in hadii gacan tayda uu soo galo kibaabka quraanka kariimk ah aan nidar ahaan u bixin doono sanduuq dahab ah dabadeed dhalin yaradi waxa ay qaateen sanduuqii .

Haweenaydii ayaa waxa ay tiri waxaan ka soo jeeda fir culumo ah awoowayaashay waxa ay culumo ka haan jireen degaankan

aniga Islaanimada waxaa iiga haray oo keliya magaca iyo qalbigayga oo ayku hadhay islaamnimo jacaylka
Hadaba dhalin yaradani waxa ay la yaabeen haweenaydani hal xaraf kama kicin kari kitaabka ,jacaylka ay u qabtay kitaabkuna waxa uu ahaa mid aan la qiyaasi karin.

Hadaba waxaa cajiib ah in Kitaabki Eebe aragtidisa ay dad ku bixinayaan sanaadiq dahab ah iyada oo dad badani oo muslimiin ah uu guriga uga buuxa lagana yaabo in aysan markeliy aysan furayn si ay u akhriyaan kitaabka Eebe

ILLAHEY HANA SO HADEYO OO HA INAGA DHIGO KUWI KITABKA ALLEH JECLADA KUNA DHAQMA AKHRIYANA MARWALBA ILLAHEY HA INAGA DHIGO KUWI U JIIDKIS ATOOSNA KU TOOSIYO AMIIN AMIIIN AMIIIN
WABILLAHI ALTOWFIIIQ

Digniin Waa iga Digniin Waa iga Digniiin Waa iga Digniin

Dugsi farsamo oo aad u qiimo badan kuna yaalla tuulo ku dhaw magaalada Hargeysa ayaa waxa laga soo sheegay war sheegaya, in macallin ka mid ah kuwa ajnabiga ah ee dugsigaa wax ka dhigaa uu fidiyo diinta Kiristanka. warkan oo markii ugu horreysey ku soo baxay saxaafadaha qaar ayaa sidan u qornaa.


Dugsiga Abaarso Tech Oo Noqday Goob Dadka Lagu Kiristameeyo Isla Markaana Lagu Calmaaniyeeyo, Mid Ka Mid ah Macalimiinta Dugsigaasi Stefan Vor Oo Ku Dhiiri-gelinaya Hablaha Iskuulka Dhigta Inay Xijaabka Iska Dhigaan Daawo Caddaymaha Halbeegnews Soo Bandhigayso Ă‚».

Warka noocan ah ayaa u eg sheekooyinkii Al-shabaab ay ku baabi’iyeen gobollada koonfurta Somaliya. Sidoo kale waxa ay lama filaan ku noqotay maamulka dugsigaa iyo dadka aqoonta leh, isla markaana daneeya horumarinta waxbarashada Somaliland. Illaa iyo imika  dawladda Ahmed Siilaanyo kama ay hadlin arrintan khatarta ah


Laakiin waxa aad uga cadhooday maamulka dugsigaasi, waxana ka soo yeedhay warkani; Maamulka Sare ee Dugsiga Abaarso Tech Oo Si Adag U Beeniyay war sheegayay inay gaaleynayaan Ardayda.



Maxkamadda Sare oo lagu daadiyay Waraaqo Digniin ah




Hargeysa(Waaheen) ilo wareedyo u dhuun daloola Hay’addaha Garsoorka ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Hargeysa lagu daadiyay qoraalo loogu hanjabayo Garsoorayaasha ka hawl-gala, kuwaasoo looga dan lahaa in lagu cabsi galiyo si aanay ugu dhawaaqin Natiijadda Doorashada la filayo in dhawaan loo soo gudbiyo.

Arrintan ayaa la sheegay in ay dhacday khamiistii aynu soo dhaafnay, waxaana lagu war helay nuqulo ka mid ah qoraalkaas oo laga helay gudaha xaruntaasi, kuwaasoo markii la eegay ay ku qornaayeen weedho muujinaya inay soo qoreen dad ka soo horjeeda Natiijadda Doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Dalka ka dhacday, taasoo abuurtay muran siyaasadeed oo aafaysay Komishanka Doorashooyinka iyo hawlihii kale ee Qaranku lahaaba.

Inkasta oo aanu wargeyska Waaheen helin Nuqul ka mid ah qoraaladaasi Hanjabaada ah ee lagu daadiyay Maxkamadda Sare, hadana sida ay sheegeen ilo wareedka aanu warkan ka helnay waxa gacanta ku haya Maamulka Maxkamadaasi iyo Garsoorayaasha kuwaasoo loo gacan geliyay markii la arkayba.
Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Somaliland Garyaqaan Yuusuf Ismaaciil oo aanu isku daynay inaanu ka hubino arrintan ayaanay noo suurto-gelin Telefoonkiisa oo xidhnaa Darteed, sidoo kalena shaqaalaha ka hawlgala qaarkood ayaanay noo suurto gelin inaanu Telefoonkooda ku helno maadaama ay shalay Jimce ahayd.

Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa qaaday dacwado siyaasdeed oo u dhaxeeyay khilaafaad ka dhasahy Ururarada iyo Axsaabta Siyaasadda Dhexdooda, sidoo kale waxa ay ka gar-naqeen Dacwadii u dhaxaysay Guddida Diiwaangelinta Ururadda Siayaasadda iyo Ururadii ku hadhay kala saarista Tartankii ugu horeeyay ee loo qabtay Axsaabta iyo Ururadda Siyaasadda, dhamaantoodna Go’aamadii ay ka soo saareen wax dhibaato ah oo ka dhashay may jirin.

Hase yeeshee Natiijadda la filayo imika waxa ka taagan cabashooyin badan oo ay ka tirsnayaana Musharaxiintii tartamaysay iyo Ururada Siyaasaduba Komishanka Doorashooyinka oo intii ay ku guda jireen Tirinta Codadkii doorashadu ay dhaceen qaladaad ay sameeyeen oo dhiig ku daatay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Data-dii Degmadda Axmed Dhagax oo masaxantay iyo Natiijadii Degmadda Hargeysa oo goobaha qaarkood la laba jibaaray, taasoo keentay in ay is dhaafaan xildhibaano ku soo baxay Doorashadu.
Si kasta ha ahaatee, inkasta oo ay Ururada Siyaasadda qaarkood sheegeen inay ku qancayaan natiijadda Doorashada marka ay Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ahi ku dhawaaqdo, hadana waxa jira Musharixiin iyo Ururo aan ku qanacsanayn Natiijadaasi oo loo baahan yahay in la dhagaysto Cabashooyinkooda, gaar ahaana waxa ay dhibaatadu ka taagan tahay iyaga oo aan ku wacyi gashanayn dariiqa ay u marayaan cabashadooda sida Xeer No: 20 Tilmaamayo, maadaama aanay helin wacyigelin ku filan.

URL: http://waaheen.com/?p=55606

Hay’addaha Amniga Somaliland oo ku Fashilmay inay qabtaan Umu Shabaab oo Somaliland lagu sheegay, baadhista Qoyskii Reer Boramana ku Hungoobay




Saturday, December 15th, 2012 

RRU-da, SPU, Interpol, CIA iyo FPI-da oo ku Guul-daraystay Dabagalkii iyo qabashadii Hooyadda Shabaabka


Hargeysa(Waaheen) Hay’addaha Amniga Somaliland oo toddobaadkan ku qaday magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal ayaa ku fashilmay Hawl-gal ay ku beegsanayeen Haweenay lagu magacaabo Umu Shabaab(Hooyadda Al-shabaab), taasoo ay raadinayeen Ciidamadda Sirdoonka maraykanka iyo Ingiriisku FBI iyo CIA oo ay weheliyaan Booliiska Caalamiga ah ee Interpol , kuwaasoo sitay Waaran qabasho ah oo Caalami ah, waxaanay Hawl-gal ay ku sameeyeen Guri ku yaala Magaaladda Boorama oo ay u filayeen inay ku jirto ku soo qab qabteen Saq-dhexe oo ay u daateen Dumar kale iyo Carruur.

Hawl-galka ay kooxdani ku Guul-daraysatay oo dhacay horaantii toddobaadkan ayay badhistiisii wali ka socotaa Hargeysa, waxaana ka qayb qaadanaya Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee Somaliland iyo Kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska, hase yeeshee xogo Waaheen heshay ayaa sheegaya qaar ka mid ah qoyskii ay Ciidamadaasi Boorama ka soo kaxeeyeen in la sii daayay kadib markii ay waxba ka cadaan waayeen, balse waxa ay wali ku hawlan yihiin Haweenaydii Gurigaas deganayd oo ah Hooyo da’ ah oo waliba xanuunsanaysa, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho muddo badana daganayd Boorama.

Gabadhan ay haystaan ee ay baadhayaan ayaa wakhti hore ka soo guurtay Dalka Maraykanka waxaanay degtay magaaladaasi kadib markii ay Amaanka Muqdisho u badheedhi kari weyday, balse Ciidamadda Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku waxay u haystaan inay tahay Haweenaydan ay doon doonayaan ee la yidhaahdo Umu shabaab, taasoo la sheegay inay sidato baasaabooro Ingiriis iyo kanadiyaan ah oo ay ku socdaasho.

Warkan waxa uu Wargeyka Waaheen ku daba joogay tan iyo intii ay Ciidamadda Amniga Somaliland ku soo qabteen Qoyskaasi, hase yeeshee Xogo dheeraad ah waxa uu ka helay kadib markii uu Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyadda CID-da Daahir Muuse Abraar uu Tafatiraha Wargeyska Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac ugu yeedhay Xarunta danbi baadhista, isagoo Waaran Qabasho ah oo uu Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka soo qaatay u hayay.

Tafatiraha Waaheen oo booqday Xarunta Baadhista Danbiyadda ee CID-da aroornimadii ayaa kula kulmay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo ku guda jira baadhista Dacwada gabadahaasi loo haysto inay tahay Umu shabaab, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Taliyaha CID-da iyo Saraakiil kale, balse wakhtigaasi waxa uu Tafatiruhu fursad u waayay inuu la kulmo Taliyaha CID-da ee u yeedhay.

Afartii galabnimo ee isla maalintaasi oo Khamiistii ahayd ayuu hadana Mar kale Taliyaha CID-du u yeedhay Tafatiraha Waaheen iyadoo ay isla wakhtigaasi xarunta ku sugnaayeen Ciidamadii Sirdoonka ee Ingiriiska iyo Maraykanku, waxaanu la kulmay Taliyaha kaasoo ku Amray in uu ka jawaabo Dacwad uu Qaranku dhibane ka yahay oo loo haysto, wakhtigaasi oo ahayd Salaadii Casar kadib ilaa iyo Maqribkii isagoo intaasna la socday Hawl-galka Kooxdaasi kale ee Maraanmaraysa Haweenaydaasi.

Ilaa hada ma cada Baadhista Kooxdaasi halka ay ku danbaysay, hase yeeshee xogo dheeraad ah oo Waaheen ka helay arrintaasi kadib markii aanu dabagal kale ku samaynay ayaanu ku helnay in ay baadhistii Gabadhaas lagu waday dhamaatay isla xalayba kadibna ay waji Gabax kala kulmeen balse wax Natiijo ah oo ay ka soo saareen ma jirto.

Hawl-galkani maaha kii koowaad ee Somaliland iyo Ciidamadda Sirdoonka ee la shaqeeya ee maraykanka iyo Ingiriiska ee ay ku fashilmaan Hay’adaha Amniga Somaliland, balse inta la ogyahay waxa dhacay hawl-galo sidan oo kale la yidhi waxa lagu baadi goobayaa kooxo Argagixiso ah, kuwaasoo ay dhamaantoodba hagayeen Ciidamo shisheeye ahi, isla markaana ay kuwa Somaliland fuliyayaal ka ahaayeen, balse waxay dhamaantoodba ku danbeeyeen fashil.

Hawl-galadaas waxa ka mid ah mid lagu galalafay Guriga Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Aadan dhagax, kuwo kala danbeeyay oo lagu qab qabtay dhawr xaafadood oo ku yaala Axmed Dhagax, iyo mid xafadda New Hargeysa ay ku soo qab qabteen Macalimiin wax ka dhiga Madarasado ku yaala Hargeysa iyo kii ugu danbeeyay ee ay ku qabteen nin Dhago cuslaa oo ay ku sheegeen inuu ahaa Ibraahim Af-gaanistaan.

Dhaman Hawl-galadaasi la qaaday waxay ahaayeen kuwo laga badbadayay oo lagu qaaday Guluf Ciidan, waxaanay sababeen khasaare ay siyaabo kala gedqaaday toona wax Mag-dhaw ama raali-gelin ah midna kamay bixin.

Ururka Suxufiyiinta Solja oo Cambaareeyay Maxkamaddii Amartay Xadhigii Tifatiraha Waaheen




 “Maxkamadaha Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland”  SOLJA

Hargeysa(Waaheen) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa shalay oo Jimce ahayd soo saaray qoraal ay ku Canbaaraynayaan Maxkamadda Amartay Xadhigii Tafatiraha Wargeysa Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac ee ay kula kaceen Ciidanka Baadhista Danbiyadda CID-da, kuwaasoo khamiistii ku xidhay Xaruntooda, iyagoo ku xidhay Waaran uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan soo siiyay.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu Canbaaraynayaa xadhiga noocaas ah oo aan noociisa hore loo arag, iyagoo sheegay in ay qalad tahay War masuulkii ama qofkii baahiyay uu Cad yahay in Suxufi lagu xidhaa.

Warsaxaafadeedka Solja waxa uu u dhignaa:-

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka  maanta  salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac (xuuto) xarunta c.i.d  ee magaalada hargeisa ,

Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraa’id oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay  maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa  sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha CID-du markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,

Inkastoo taliyaha CID-du beeniyay inuu tafatiraha xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu  yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida  ayaan ku idhi igu soo noqo

Si kastaba ha ahaatee ururka solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay  dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen  ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu

Ugu danbayntii  maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland

ALLAA MAHAD LEH
M.RASHIID MUXUMED FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE URARKA SOLJA