Monday, December 17, 2012

Digniin Waa iga Digniin Waa iga Digniiin Waa iga Digniin

Dugsi farsamo oo aad u qiimo badan kuna yaalla tuulo ku dhaw magaalada Hargeysa ayaa waxa laga soo sheegay war sheegaya, in macallin ka mid ah kuwa ajnabiga ah ee dugsigaa wax ka dhigaa uu fidiyo diinta Kiristanka. warkan oo markii ugu horreysey ku soo baxay saxaafadaha qaar ayaa sidan u qornaa.


Dugsiga Abaarso Tech Oo Noqday Goob Dadka Lagu Kiristameeyo Isla Markaana Lagu Calmaaniyeeyo, Mid Ka Mid ah Macalimiinta Dugsigaasi Stefan Vor Oo Ku Dhiiri-gelinaya Hablaha Iskuulka Dhigta Inay Xijaabka Iska Dhigaan Daawo Caddaymaha Halbeegnews Soo Bandhigayso ».

Warka noocan ah ayaa u eg sheekooyinkii Al-shabaab ay ku baabi’iyeen gobollada koonfurta Somaliya. Sidoo kale waxa ay lama filaan ku noqotay maamulka dugsigaa iyo dadka aqoonta leh, isla markaana daneeya horumarinta waxbarashada Somaliland. Illaa iyo imika  dawladda Ahmed Siilaanyo kama ay hadlin arrintan khatarta ah


Laakiin waxa aad uga cadhooday maamulka dugsigaasi, waxana ka soo yeedhay warkani; Maamulka Sare ee Dugsiga Abaarso Tech Oo Si Adag U Beeniyay war sheegayay inay gaaleynayaan Ardayda.



No comments: