Search This Blog

Friday, December 20, 2013

Ethiopia's 'Festival of a Thousand Stars' Celebrates Diversity In The Cradle Of Humanity [PHOTOS]


Dancers perform at Ethiopia's Festival of a Thousand Stars in Ethiopia, December 2013.  Jacey Fortin

The ICC's Prosecution of Kenya's President Runs Aground


SIMON MAINA/AFP/Getty Images

The effort to prosecute Kenyan President Uhuru Kenyatta for allegedly fueling deadly ethnic clashes six years ago suffered a potentially lethal blow Thursday after the International Criminal Court's chief prosecutor, Fatou Bensouda, called for a postponement of the planned trial because of the defection of key witnesses.

The move came after African governments mounted a major diplomatic campaign to persuade the ICC to delay the trials of Kenyatta and deputy president William Ruto. African leaders argued that proceeding with the cases would complicate their effort to fight Islamist militants and prevent terrorists from mounting strikes like the bloody September 21 attack on the upscale Westgate Mall in Nairobi. The Africans had already won one key concession, with the court ruling last month that defendants could participate in the trial via a video link rather than by attending each courtroom session.

Bensouda sought to assure Kenyans that her decision was not made as a result of political pressure. She insisted that she acted on purely judicial grounds, not on "extraneous considerations."

"In the last two months, one of the prosecution's key witnesses in the case against Mr. Kenyatta has indicated that he is no longer willing to testify," Bensouda said in a statement explaining her decision. "More recently, on 4 December 2013, a key second witness in the case confessed to giving false evidence regarding a critical event in the prosecution's case."

Bensouda said the defections weakened her case so much that she couldn't "satisfy the high evidentiary standard required at trial." She said she would take time to obtain additional evidence and determine whether it was enough to restart the judicial process. It remained unclear what impact, if any, today's decision would have on the trial of Ruto.

The International Criminal Court first launched an investigation into alleged crimes during Kenya's bloody 2007 election, charging several Kenyans, including Kenyatta and Ruto, who was then out of power, of taking steps that fueled an outbreak of ethnic and sectarian violence that killed more than 1,200 people and wounded thousands more. Their trial marked the first prosecution of a sitting head of state after the court charged Sudanese President Omar Hassan al-Bashir with crimes against humanity and genocide against African tribes in Darfur. Bashir has refused to cooperate with the court.

So far, both of Kenya's leaders have proclaimed their innocence and agreed to work with the court. The United States and other key Western powers thwarted appeals by the African Union, acting on behalf of Kenya, to seek a delay in the trial under the Article 16 provision of the Rome Statue, which established the International Criminal Court.

The prosecution of Kenya's leaders poses a "threat to the peace ... in light of the prevailing and continuing terrorist threat existing in the Horn [of Africa] and East Africa," Kenya's U.N. ambassador Macharia Kamau wrote to the U.N. Security Council back in November. Kenya, he said, "seeks a decision that no investigation or prosecution shall be commenced or proceeded" against Kenya's leaders.

Court advocates cited an ongoing campaign within Kenya to intimidate witnesses capable of fingering the Kenyan leaders. "This is the right, professional thing to do, but it must have been a wrenching decision," said David Kaye, a former State Department expert on the ICC and professor of international law at the University of California, Irvine Law School. Kaye said that today's decision showed that "witness intimidation by the defense, or people associated with the defense, has taken its toll,"and that he believed the prosecutor may be setting the stage for" withdrawing the charges altogether."
Follow me on Twitter @columlynch.


Source: thecable.foreignpolicy.com

Supreme Court strikes down Canada's prostitution laws

Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Ee Arimaha Bulshada La Takooro oo Eedeeyay Warbixin ay ka soo saareen Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH Tacadiyada Dadkiisu Madiidinka u Noqdeen

"Kuwa sheegta iney ilaaliyaan Xuquuqda Aadamaha oo soo saaray wax ay ku sheegeen WARBIXIN balse aheyd xaalad abuur iyo kicin ay ku sameynayeen bulshada dhexdooda"Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Ee Arimaha Bulshada La Takooro

Barkhad Jama Hirsi Batuun - Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Ee Arimaha Bulshada La Takooro
"Ciise Muuse iyo Gabooye waa Dad Wallaalo ah wixii dhex yaalayna Odayaashoodaa dhameeyey"Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland Ee Arimaha Bulshada La Takooro
December 18, 2013

Hargeysa - Waxaan ugu horeyn u mahadcelinayaa Odayaasha Dhaqanka ee 2da beelood, Taliyaha Ciidanka Boliska Somalialnd, iyo xukumada oo xil weyn iska saartey dhameynta dhibaatadii ka dhex dhacday dadka wallaalah ah, waxaa ay kamid tahay Sunnada Nolosha in markasta uu dhaco khilaaf u dhaxeeya Aadamaha ama bulshada ku wada nool deegaan kaliya, waxaa hubinti ah iney bulshada somaliland tahay kuwo ku caano maalay nabad iyo wada noolaansho saldhigna u tahay isa saamaxaada wixii dhaxdooda ka dhacay iyaga oo markasta cuskada Cabsida Alle iyo Diinteeda sharafta badan.

Waxaa dhawaan ka dhacay Xaafada Daami ee Magaalada Hargeisa kana tirsan waaxda gacan libah isku dhac dhex marayey dhalinyarada xaafadaas kuwa nool kuwaas oo ka soo kala jeeday 2da beelood ee Gabooye iyo Ciise muuse

Waxaana xoog u soo kala dhex galay ciidama amaanka kuwaas oo ku guuleystay iney si fudud u kala kaxeeyaan dhalinyarada iyada oo isku dhucuna soo noq-noqday dhowr habeen haddana akhirkii waa lagu guuleystay daminta danbiyadaas, waxaa mashaqadani ka kacday dhimashada Alle ha u naxariiste Marxuumad Muluug oo ku geeriyootay xaafada daami taas oo lagu aasay magaalada Hargeisa iyada oo aan tacsi tiiranyo leh uga dirayo qaraabadeeda iyo ehelkeeda.

Waxaa intaas kadib ciidamada amaanku xidheen dhamaan cidii loo tuhunsanaa dilka gabadhaas sidoo kalena waxay soo qabqabteen dhalinyaradii ka soo kala jeeday 2da beelood kuwaas oo shalay laga soo wada daayey saldhigyada kadib markii Madax dhaqameedyada 2da beelood si sharaf leh ku dhameysteen wada hadalo dhaa dheer oo ugu socday Hargeisa laguna damineyey dhibta ka taagneyd xaafada.

Waxaan si sharaf, milgo iyo maamus huwan ugu mahad celinayaa odayashaasha labada dhinac kuwaas oo masuuliyada weyn iska saaray dhameynta dhibtaas dhacday waxaanan leeyahay waad ku amaanan tihiin hawshaas iyo heshiiskaas aad sameyseen.

Haddaba waxaan aad iyo aad ula yaabay kuwa sheegta iney ilaaliyaan xuquuqda aadamaha oo soo saaray wax ay ku sheegeen warbixin balse aheyd xaalad abuur iyo kicin ay ku sameynayeen bulshada dhexdooda waxaanan leeyahay kuwa waxaas caadeystey maaha wakhtigii aad umada ka dhex hurin jirteen mashaakilka iyo qaska balse waa wakhti ay Somaliland bulshadeedu ka bislaatey waxyaabo badan, Ciise Muuse iyo Gabooyana waa dad wallaalo ah oo reer somaliland ah oo meel wada dagan iskana kiin jecel ee kala dhex baxa balaayadaad ku wadaan. Waa la isku dhacaa, waana la heshiiyaa.

Haldoor Barkhad Jama Hirsi Batuun
Lataliyaha Madaxweynaha Somaliland

Hargeisa Somaliland

HALKNA HOOSE KA AKHRISO WARBIXINTA XUQUUQDA AADAMIGA BULSHADA LA TAKOORO EE SOMALILAND KA HADLAYSA EE LA TALIYAHA MADAXWAYANAHA SOMALILAND BEENINAYO

Office Telephone: +252 2 514777; Mobil Cell #: +025224429552

Email: hornwatch@yahoo.com, xuquuq@gmail.com
Head Office Hargeisa, Somaliland
S/land /0249/13                                                                                                                 Issued on Sunday, December 15, 2013

Ku:         Mud. Ali Mohamed Warancade
                Wasiirka Arimaha Gudaha JSL

Ku:         Sareeyo Guuto Abdilahi Fadal Iman
                Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland
                Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Somaliland

Og:         Warbaahinta Dibad iyo Gudaha

URGENT ALERT: SERIOUS MINORITY RIGHTS VIOLATIONS IN SOMALILAND
WARBIXIN - KOR U KACA XADGUDUBYADA LIDKA BULSHADA TAKOORO EE SOMALILAND OO KOR U SII KACAYSA - HORNWATCH

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH, waxay si xoogan uga walaacsan yihiin xadgudubyo isa soo taraya kuwaasi oo bilihii ugu dambeeyay lala beegsado qaybaga bulshada Somaliland ugu nugul ee dhaqan ahaan ee la takooro. Gaboodfalada qaylo dhaantani warinayso ayaa isugu jira:

Qudhgooyo (Xaqa Nolosha); Boorama oo isu bedeshay CADAABTII IFKA ee Gabooyaha Somaliland kadib markii ay ka dhaceen kiisas muujinaya Sinnaan la'aanta Muwaadiniinta Dalka ee dhinaca garsoorka dalka (Kala sarreynta iyo takoorka ku salaysan isirka, abtirsiga); Ka Maanacaad Helitaanka Cadaalad Dhex ah (Dambiyo Ciqaab ah oo loogu fuliyo Gabooyaha Somaliland Hab aan Xeerka Waafaqsanayn.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa diiwaangaliyay tan iyo bishii Octobar 2013 labo (2) haween ah oo Gabooye ah qudha lagaga jaray xaafada Daami ee Caasimada Hargeysa, Rabi Naxariistiisa jano haka waraabiyee waxa lagu kala magacaabi jiray Marxuumad Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah iyo Muluug Axmed Egeh sano jir 28 xaasley dhashay afar caruur ah.

Marxuumada 1aad: Layla Abdi Yusuf 36 sano jir xaaslay ah - Jilibka Talaabo-cade qabiilka Muuse Dhariyo ee Beelwaynta Gabooyaha. waxa lagu dilay xaafada Daami taariikh 14 Octobar 2013, abaaro 3:00 a.m     saac,  hubka loo isticmaalay tooray uu ku dhuftay nin ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah ee dega xaafada Daami.

Marxuumada 2aad: Muluug Axmed Egeh - Jilibka Bacaylo oo qabiilka Muse Dhariyo ee Beelwaynta Gabooyaha waxa lagu dilay xaafada Daami taariikh 4 Dec. 2013 abaaro 11:00 aroornimo, hubka loo isticmaalay dhagax, ay ku dhufteen dad ka soo jeeda beelaha aqlabiyada ah ee la dega xaafada Daami.

Wajigabaxa ka dhacay Xusaskii iyo Dabaaldagyadii maalmaha Xuquuqda Aadamiga adduunka oo Somaliland sanadkan si wayn looga xusay ayaan Nasiibdaro mar kali ahna lagu soo hadal qaadin tacadiyada joogtada ah ee qaybaha bulshada Somaliland ee aqlabiyada ahi ku hayana dhibanayaasha la takooro ee laga tirada badan yahay u fiirso Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh MAYDKEEDU wuxuu u hoyday  9 caano-maal (4-12 December 2013) QOLKA MAYDKA ee Cusbitaalka Guud ee caasimada Hargeysa, kadib markii xukuumadu ka baaqsatay in ay soo qabato dadkii sida xaqdarada ah DHAGAXA ugu dilay iyadoo taasi sababtay in Gabooyaha Hargeysa daganina ay diideen in ay aasaan maydka Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh ilaa iyo cidii dilka gaystay dawladu soo qabanayso, iyadoo xaalku halkaa marayo ayaa sidegdeg ah waxa u soo baxday cadayn jaban oo ay ku saxeexan yihiin labo ka mid ah seddex dhakhtar oo sheegay in ay baadheen MAYDKA marxuumada oo ay ku sheegeen in aanay u dhiman DHAGAX ku dhacay balse ay si caadi ah u dhimatay iyadoo geerideedana uu sababay xanuun xaga xameetida ahi.

Baadhe sare oo u tababoran baadhitaanka noocyada kala duwan ee xadgudubyada xuquuqda aadamiga oo ka tirsan HORNWATCH ayaa 5/12/12 abaaro 8:45 am ee aroornimo booqday Qolka Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ee uu yaalay MAYDKA Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh waxanu kula kulmay iyadoo albaabka laga galo qolkaasi furaa seddex ruux oo ku labisan dharka ay xidhaan dhakhaatiirta ku gudo jirta qaliinku, kuwaasi oo gacmaha ku haystay aaladaha loo isticmaalo qaliinka sida maqasyada kuna foorara MAYDKA Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh, saxada qolkaasi ayaa waxa ka soo butaacaysay ur qadhmuun oo aanu biliaadamku u adkaysan kari markii Baadhaha ka socday HORNWATCH isku dayay in uu galo qolka seddexdii ruux ee qalitaanka ku samaynayay Maydka Marxuumada ayaa si didmo ku jirto u soo wada fiiriyay Baadhaha HORNWATCH, waxayna ku soo wada fiiqeen Maqasyada mid ka mid ah oo Maqasyo dhiig ah gacmaha ku haysta ayaa ku soo dhaqaaqay dhinaca Albaabka qolka laga galo isagoo Maqasyada dhiiga leh ee uu watana ku soo fiiqaya dhinaca Baadhaha HORNWATCH, markii uu dibada u saaray ayuu baadhaha Xadgudubyadu su’aalay ninkii Maqasyada watay waxan ka socdaa Hay’ad Xuquuqda Aadamiga ka shaqaysa waxanan u socdaa gabadhan Maydka ah ee looma ooyaanka ah ee aad qaliinka ku samaynaysaan ee shalay xaafada daami dhagaxa lagu dilay, Dhakhtarka ayaa su’aalay Baadhaha ma waxbaad isku tihiin? Maya ee iyadu waa looma ooyaan aniguna Qolada Xuquuqda Aadamaha ayaan ka socdaa ayuu baadhaha xuquuqda aadamigu ugu jawaabay dhakhtarka oo uu doonayo in uu ogaado balsida uu baadhtaanka Maydka Marxuumadu u socdo, Dhakhtarkii isagoo afku duuban yahay ayuu ku yiri Baadhihii lama ogola ee meesha ka tag isagoo gacamaha maqasyada uu ku sito ugu tilmaamaya Baadhaha in uu ka fogaado agagaarka qolka Maydka ee qaliinka Marxuumadu ka socday.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORNWATCH, waxay si buuxda u cadaynayaan in baadhitaanka dhakhaatiirta Cusbitaalka Guud ee Hargeysa ay ku sameeyeen MAYDKA Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh aanu ahayn mid dhex ah oo sax ah iyagoo dhakhaatiirtaasi ay jabiyeen qodobadii aasaasiga ahaa ee xuquuqda aadamaha oo loo baahnaa in ay buuxiyaan.

Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Geeska iAfrika waxay aad uga walaacsan yihiin dhibaatada ay bulshada la hayb sooco ee Somaliland kala kulmaan dhinaca cadaalada iyo garsoorka dalka Somaliland.  20 kii sano ee Somaliland xoriyadeeda dib ula soo noqotay Gabooyaha Somaliland sida inta badan dhacday mar kasta oo Gabooyaha Somaliland dacwado ay dhan ka yihiin gasho hay'adaha sharcifulinta iyo garsoorka waxa xaalku ku dhamaadaa iyagoo Hay'adaha Sharci-fulinta Somaliland  dhalan gadiya Dacwadaha dhibanayaasha ay ka yihiin beelaha la hayb sooco iyagoo dhibanayaasha Gabooyaha ah ka dhiga dhibgaystayaal.  

Mashaqada taasi ka sii daran ayaa ah tacadiyada Gabooyaha Somaliland kala kulmaan Garsoorka iyo Sharicfulinta oo mid la mid ah ay haatan kala kulmeen helitaanka adeegii caafimaad. Dilkii ugu dambeeyay ee loo gaystay Gabadha Gabooyaha ah 4/12/2013 hawlwadeenada sare ee caafimaadka cusbitaalka Guud ee Hargeysa ayaa sheegay in baadhitaan ay ku sameeyeen maydka Muluug Axmedyasin Egeh ay ku ogaadeen in aanay u dhiman dhaawac dhagaxa ah ee ku dhacay balse taasi bedelkeeda waxay dhaqaatiirtani yidhaahdeen in ay u dhimatay xanuun dhinaca xameetida ah iyo wadno xanuun!!!.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay si cad ugu sheegayaan Masuuliyiinta Sare ee Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Taliyayaasha Ciidamada Booliska iyo Madaxda Cusbitaalka Guud ee Caasimada in tacadiyada lagu dhalan gadiyayo xaqiiqooyinka dambiyada lidka ku ah xuquuqda aadamiga ee lala beegsado bulshada la hayb soocaa ay yihiin qaar ay ka dhalan karaa dambiyo aadaminimo iyo xadgudubyo Xuquuqda Aadamiga ah oo lagu dacwayn iyaga iyadoo loo marayo maxkamadaha caalamiga ah ee dhagaraha laga galo aadamaha.

BOORAMA OO ISU BEDESHAY CADAABTII IFKA EE GABOOYAHA SOMALILAND
Magaalo Madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo ka mid ahaan jirtay magaalooyinka dhifta ah ee beelaha la takooro ee reer Somaliland ay ku noolaan jireen takoor heerkiisu ka hooseeyo kan magaalooyinka kale ee dalka ayaa iyaduna isku rogtay cadaabtii ifka ee Gabooyaha Somaliland kadib markii 2 sano ka hor wiil beelaha tirada badan ka soo jeedaa oo ALLE haw naxariistee lagu magacaabo Aydiid Cabdiqaadir Cali oo uu dhalay Sarkaal Sare oo ka tirsan dambi Baadhayaasha Booliska Gobolka Awdal oo lagu magacaabo Cabdiqaadir Cali uu jeclaaday gabadh yar oo ka soo jeeda beelaha la takooro ee loo yaqaan Madhibaanka oo lagu magacaabo Malyuun Haybe Jamaac. Markii wiilka qoyskiisu u diideen in uu gabadha Midgaanta ah guursado ayuu isaga laftiisu qudha iska jaray kadib markii uu is qabadsiiyay gaas iyo dab, nasiib daro wiilka aabihii oo ah sarkaal boolis ah waxa uu xabsiga ku guray dad tiro badan oo ka soo jeeda Gabooyaha dega Boorama kuwaasi oo ay ka mid yihin gabartii uu jeclaaday wiilkiisu Malyuun Haybe Jaamac, aabaheed Haybe Jaamac, wiil lagu magacaabo Bedel Cabdi Aaden oo isagu ka soo jeeda qabiil ka mid ah Gabooyaha oo la yiraa Yibir iyo xubno kale oo Gabooye ah.

Xadhigaasi waxa barbar socday weeraro haweenka iyo dhalinyarada qabiilka wiilku ka dhintay ku qaadayeen goobaha ay ka degan yihiin Gabooyuhu magaalada Boorame, gaar ahaan meheradaha ay ku ganacsadaan iyagoo burburinayay miisaska ay hilibka ku iibiyaan, rayiislayaasha, kabotolayaasha iyo meelaha birta ay ku tumaan, taasi oo sababtay in wiigag isxigxiga dadka laga tirada badan yahay ee Gabooyaha Boorama in ay ka soo bixi waayaan guryahooda.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ayaa xiligaasi diiwaangaliyay in ka badan 150 ruux oo u badan rag iyo dhalinyaro markii ay nafahoodii u baqeen ka cararay magaalada Boorama iyagoo tagay magaalooyinka Hargeysa ilaa Burco qaarkoodna waxay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo gaadhay xeryahay qaxootiga Somalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya oo ay maamusho Hay'ada UNHCR.

Bilowgiiba dacwada waxa dambi baadhe ka noqday Aabihii dhalay wiilka dhintay Dambi Baadhe Boolis Mr. Cabdiqaadir Cali Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch oo si taxadir leh ula socotay geedi socodka dacwada ciqaabta ah ee lidka ku ah 2 wiil ee Gabooyaha ah, ayaa ka marag kacaya in 2-da wiil ee Gabooyaha ahi aanay helin gabi ahaan garsoor dhex ah oo cadaaladeed iyo nidaam baadhiseed oo xaq ku dhisan, Maxkamadayntooda ayaa la xaqiijiyay in ay u dhacday si ka fog nidaamka cadaalada dalka, Xuquuqda Aadamiga, Diinta Islaamka iyo xataa dhaqanka toosan.

Baadhayaasha Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH waxay xogogaal u noqdeen in Qareen ka tirsan Ururka Qareenada Somaliland oo caawimi qaanuun oo lacag la'aan ah ku difaacayay Labada eedaysane markii dad cadhaysani soo weerareen fadhiyadii Maxkamada Gobolka Awdal dacwada oo socota isla markaasina ay dhaawaceen xubno ka mid ah eedaysanayaasha iyo eheladooda oo Maxkamada u yimi dhegaysiga dacwada, ayuu Qareenkii naftiisa u baqay waxanu markiiba joojiyay caawimadii qaanuun ee uu siinayay 2 wiil ee eedaysanayaasha ah iyo qoysaskooda.

Sidoo kale Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika waxay baadhitaanka kiiskan ku ogaadeen in Qareenkii 2aad ee difaacayay eedaysanayaasha Gabooyaha ah oo lagu magacaabo Amiin Sheikh Said Sheikh Hassan uu ku waayay Gunadii uu ka heli jiray adeega caawimada qaanuun ee uu lacag la'aanta uu ku siiyo qoysaska Gabooyaha ah ee eedaysanayaasha kiiskan, Gunadan oo ay siin jireen Ururka Qareenada Somaliland ee Somaliland oo fuliya Mashruuc ay maalgaliso hay'ada Qaramada Midoobay ee UNDP. Gudoomiyihii hore ee ururka Qareenada Somaliland Mr. Maxamed Siciid oo fulinaya codsi aan toos ahayn oo uga yimi Gudoomiyaha Maxkamada Racfaanka Gobolka Awdal oo ay qaraabo dhaw yihiin Abdiqadir Ali oo ah Aabaha dhalay wiilka isdilay, isla markaasina ah Garsooraha haatan gacanta ku haya kiiskan oo maraya maxkamada darajada 2aad ee Racfaanka. 

Maxkamada Gobolka Awdal ee dacwada qaadayay, ciidanka Booliska ee baadhayay kiiskan, dhamaantood waxay la safteen Dambi Baadhaha Booliksa ah ee Wiilkiisu isdilay Mr. Cabdiqaadir Cali maadaama oo ay isku beel ka soo wada jeedaan.

Baadhayaasha xadgudubyada ee HornWatch waxa kale oo ay baadhitaan qoto dheer ku ogaadeen in maragyadii ogaa in wiilka dhintay isagu is dilay oo ay ka mid yihiin dukaankii gaasta uu ka iibsaday, meheradii uu Mobilkiisa u dhiibtay iyo dad arkayay markii uu gaasta iyo dabka is qabadsiiyay dhamaantood waxay u safreen dhinaca Itoobiya oo ay ku maqnaayeen mudadii dacwada socotay difaaca eedaysanayaasha iyadoo horena loo sii siiyay lacagta aya ku noolaan karayeen.

Maxkamadda Gobolka Awdal ayaa iyadoo iska indho tiraysa sharciga iyo qanuunka waxay dil toogasho ah ku xukuntay labo wiil oo arday ah oo ka soojeedaha midgaha reer boorama gaar ahaan MADHIBAAN iyo Yibraha.

Kiiskan ayaa waxa uu si ba'an u saameeyay dhinacyada amaanka iyo nolosha guud ahaan Gabooyaha dega magaalada Boorama iyadoo in ka badan 100 rag ah oo in la dilo ka baqay ay ka qaxeen guryahoodii meheradahoodii oo kala ahaa timojarayaal, hiliblayaal, kabotolayaal iyo tumaalo kuwaasi oo amaan u raadsaday magaalooyinka kale ee Somaliland gaar ahaan Hargeysa iyo Burco, halka qaar kalena ay ka talaabeen xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya iyagoo magangalyo waydiistay Hay'ada Qaxootiga Adduunka ee gacanta ku haysta xeryaha qaxootiga Soomaalida ee ku yaal bariga dalka Itoobiya.
Gabood falada iyo tacadiyada ay la nool yihiin bulshada lagu takooro gudaha dalka Somaliland codkooda cidina ma maqasho iyaguna malaha awoodii ay ku soo bandhigi lahaayeen, faqriga iyo saboolnimada qotada dheer ee haysta awgeed iyo iyagoo aan talo iyo tusaale midna ka odhan karin arimaha saameeya noloshooda iyo mustaqbalkooda toona.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika oo isku dayay in ay ogaadaan sababta ay cid uuni uga hadli wayday tacadiyada baahsan ee ay la nool yihiin qaybaha bulshada Somaliland ee latakooro ayaa waxay ogaadeen xogahan hoos ku qoran:

F Xukuumada Somaliland ayaa magacawday saraakiil sarsare oo ka soo jeeda beelaha la hayb sooco waxa ka mid ah

F Hal xubin oo ku jirta golaha Wasiirada (Wasiir ku xigeenka Wasaarada Hawlaha Guud), inkastoo magac ahaan mooyee aanu ahayn nin ka war haya waayaha iyo duruufaha adag ee dhaqan dhaqaale oo ay la nool yihiin beelaha uu ka soo jeedo ee la hayb soocaa,

F Barkhad Jama Hirsi Batuun, La taliyaha Gaarka ah ee Madaxwaynaha dhinaca arimaha beelaha laga la hayb sooco yahay,

F Xubin ka mid ah Gudida Komishanka Xuquuqda Aadamiga Somaliland, iyo

F Sidoo kale waxa Duqa Caasimada Somaliland dhawaan u magacaabay Gudoomiyaha Deg. Axmed Macalin Haruun Mr. Abdilahi Hassan Digaale oo ka hor xilkan ka mid ahaa dadka sida wayn ugu ololeeya Xuquuqda Bulshada Somaliland ee la Takooro.

Saraakiisha ugu jirta bulshada Somaliland ee la takooro dawlada ayaa iyagu sameeya talaabo kasta oo ay ku cabudhinayaan dadkooda dulman waxana ay aaminsan yihiin haddii tacadiyadaasi banaanka u soo baxaan amase iyaguba ka hadlaan in ay waayayaan xilalka sarsare ee ay ku qaataan mushahaarooyin fiican.

Dhinaca kale, habdhaqan fool xun ayaa dishooday badi hogaamiye dhaqameedka beelaha la hayb-sooco, kaasi oo midkastaaba kan kale ka soo horjeedo oo buranayo.

Haweenka Beelaha La takooro haddii aad u dhabo gasho nolosha iyo waayahooda waxad ogaanaysaa in ay boqoljeer ka tacadi iyo xadgubub badan yihin tacadiyada haleela haweenka beelaha aqlabiyada ah oo ah kuwa inta ugu badan laga maqlo warbaahinta .

Daladaha Ururada Bulshada Rayidka ah ee haweenka ugu waawayn dalka dhamaantood waxa iska leh Haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada ee aqlabiyada ah, waxayna ku guuldaraysteen in ay dalahooda samafal ku soo daraan ururada haweenka qaybaha bulshada tusaale ahaan dalada haween ee ugu wayn Somaliland oo lagu magacaabo NAGAAD WOMEN UMBRELLA oo ururada xubnaha ka ahi tirobadan yihiin hadana hal urur oo ka soo jeeda ururada haweenka la takooro ee Somaliland kuma jiro, halka Gabooyaha Somaliland ay leeyihiin kaliya labo (2) urur samafal bulsho oo aad u yaryar (Ubah Social Welfare Organization (USWO) iyo Voice of Somaliland Minority Women (VOSOMWO) isla markaasina aan ka helin wax gacan qabasho ah oo la taaban karo Hay'adaha Samafalka Caalamiga ah, Qaramada Midoobay iyo guud ahaan beesha caalamka. Maadaama Daladaha waawayn ee haweenka Somaliland aanay u war haynin tacadiyada iyo gaboodfalada argagaxa leh ee ay la nool yihiin haweenka ka soo jeeda qaybaha bulshada Somaliland ee la takooraa, had iyo goor kuma soo hadal qaadaan marka ay xusayaan maalmaha caalamiga ah ee Tacadiyada Lidka ku ah Xuquuqda Haweenka.

Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HornWatch waxay ugu baaqaysaa:

1.     Xukuumada Somaliland in Gudi Heer Qaran ah oo ay xubno ka yihiin Komishanka Xuquuqda Aadamiga Qaranka iyo Difaacyaasha Xuquuqda Dadka Laga Tirada Badan Yahay ee Somaliland ay Saarto Dilalka Soo noqnoqday ee lala bartilmaameedsanayo Haweenka Beelaha la Takooro iyo tacadiyada ka haysta dhinaca garsoorka iyo cadaalada dalka.

2.  Xukuumada Somaliland waxanu si xushmad leh ugu sheegaynaa in la macaamilka falalka tacadiyada lidka ku ah kuwa laga tirada badan yahay ee la takooro ee reer Somaliland ay ka fiican tahay:
a.    in xukuumadu curiso Qorshaha Qaran ee Badbaadada (QQB) muwaadiniinta dhaqan ahaan la takooro, samaynta qorshahaasi waa in lagala tashadaa dadka la takooro laftigooda iyo hay'adaha caalamiga ah ee takhasuska u leh ilaalinta iyo horumarinta bulshooyinka laga tirada badan yahay ee la faquuqo si ay xukuumadeena u siiyaan xeeldheerayaal caalami ah oo waayo aragnimo dheer u leh mawduucan samaynta qorshaha QQB 

3.      Gudoomiyaha Maxkamada Sare iyo Guud ahaan Hay'adaha Garsoorka Somaliland waxanu ugu baaqaynaa in sida ugu dhaqsaha badan xaalado dhinaca garsoorka ah iyo amaanka ah dartood looga soo wareejiyo Maxkamadaynta 2 dhibane ee Gabooyaha ah oo sifo sharci daro ah maxkamada Gobolka Awdal ugu xukuntay Dil Toogasho ah, iyadoo Guud ahaan madaxda Garsoorka, Cadaalada Somaliland iyo sidoo kale Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland iyo Ururka Qareenada Somaliland xogogaal u yihiin in aanay suurtogal ahayn in labadaasi dhibane garsoor dhex ah oo cadaalad ah ku heli karin gobolka Awdal sidaasi darteed waxanu ku baaqaynaa in Maxkamadayntooda loo soo wareejiyo Caasimada Dalka si loogu indho bato.

4.    Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland, Taliyaha Booliska iyo Hogaamada Booliska waxa aanu ugu baaqayanaa in ay sida ugu dhaqsaha badan gacanta loogu soo dhigo dadka gaystay dilalka iyo tacadiyada lala bartilmaameedsaday beelaha laga la hayb sooco yahay, Waxa Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ka digayaan in la marin habaabiyo baadhitaanada dadka loo hayo iyo kuwa aan wali loo soo qaban dilalka loo gaystay haweenka Gabooyaha si sharciga loogala baxsado, taasi oo dhacda aalaaba marka hay'adaha sharci fulinta oo 99% ka soo jeeda beelaha tiradabadan

5.   Haddii Madaxda Sare ee Hay'adaha SharciFulinta Somaliland iyo Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland ka baaqsadaan sharci horkeenida dadkii dilay haweenka Gabooyaha Somaliland taasi waxay sababi doontaa in dacwado iyaga lidku ah aanu u gudbino beesha caalamka iyo garsoorka adduunka.

Fiiro Gaar ah:
Waxa xafiiska HornWach aad ka heli kartaa macluumaad ku saabsan labada dhibane taariikh nololeedkoodii iyo iska hor imaado ka dhacay xaafada daami kadib markii dadkii dilay dhiban iyo qabaa'ilkoodu ku weerareen xaafadaha ay degan yihiin dadka Gabooyaha ahi labadii habeen ee 12/13 Dec. 2013. Ciidamada Booliska Somaliland ayaa iska hor imaadadaasi ku xidhxidhay 30 ruux oo ka soo jeeda dadka aqlabiyada ah ee weerarada ku haya Gabooyaha Somaliland iyo 18 ka soo jeeda beelaha Gabooyaha. Xaalada xaafada Daami xalay way deganayd waxana xukuumadu guud ahaan dariiqyada dhex mara xaafadaasi dhigtay ciidamo kuwa amaanka ka tirsan oo aad u hubaysan watana gadiid, talaabadaasi oo ah mid ay difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland soo dhawaynayaan

Suleiman Ismail Bolalah
Gudoomiyaha 
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga HORNWATCH

Daawo Sawirada Mudaharaad 11 iyo 12 December ka dhacay Xaafada Daami oo bulshada la takooro ee degtaa ay ku muujinayaan sida ay uga cadhaysan yihiin Haweenka Gabooyaha ah ee xaafadaasi ay ku dileen bulshada Aqlabiyada ah ee xaafadaaasi la degtaa iyo sida aanay hay'adaha sharci fulinta Somaliland waxba uga qabanaynin. Sawiradan waxa kale oo ka mid ah guryo laga gubay Gabooyaha.

Guri ay leeyihiin qoys ka mid ah bulshada la takooro oo ay ku gubeen xaafada Daami 12/12/2013 ehelada dadkii Dhagaxa ku dilay Marxuumad Muluug Axmedyasin Egeh oo ka tirsan dadka aqlabiyada ah  

Mudaharaad Xaafada Daami 11/12/2013 - sawirkan waxa qaaday ururka haweenka dadka laga tirada badan yahay ee VOSOMWO
Mudaharaad Xaafada Daami 11/12/2013 - sawirkan waxa qaaday ururka haweenka dadka laga tirada badan yahay ee VOSOMWO
Mudaharaad Xaafada Daami 12/12/2013 - sawirkan waxa qaaday ururka haweenka dadka laga tirada badan yahay ee VOSOMWO




Funding Opportunity - Creative Force: First call for applications year 2014 is now open

Funding Opportunity


The Swedish Institute’s Creative Force program has opened it’s firs call for applications of 2014 and welcomes applications for the funding of both seed and collaborative projects that aim to promote openness and democratic structures in the fields of culture, media and related sectors.

Countries in five geographic regions are included in the program: Africa, Eastern Europe, Western Balkans and Turkey, Middle East and North Africa and Russia. Individual countries included are listed on the website. The program is open to seed funding and collaborative  projects  between organizations in Sweden and in one or more of these regions and countries.

Application deadline: January 24, 2014.

More information is available at www.si.se/creativeforce

To apply directly go to instructions for application

We look forward to receiving your application!

Seed funding
Collaborative projects
The application form
Fill in our online application form. Instructions on how to fill the form are available on the application form. You can create and save an application, allowing you to review it before submitting it to the Swedish Institute.

After submitting your application, you will receive an email containing a reference number. This email will be sent to the email address of the person registered as the contact for the applicant organisation. Please refer to this number when contacting the Swedish Institute.

Supplementary information

Applications must be complete when submitted to SI. Supplementary information will only be accepted if it has been requested by the programme officer.

Changes in the project

Major changes in the project plan must always be communicated in writing and must be approved by the programme officer. Examples of such changes are a revised timetable or adjustments between budget items. Changes over 10% per budget item shall be approved by the programme officer. The change must be approved before it can be applied.

Please use the revised budget form to report budget changes.

Changes affecting the project objectives are not allowed.

Supplementary funding application

Applications for supplementary funding for projects already granted funds will not be considered.

For more information, please contact:

Judith Black, programme manager Creative Force Russia and Creative Force Eastern Europe

Lejla Hastor, programme manager Creative Force Western Balkans and Turkey

Katrine Larsen, programme manager Creative Force Africa and temoprary programme manager for Creative Force Middle East and North Africa


Source: si.se/creativeforce

Suxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn oo ka Wersersan Xidhitaanada Suxafiyiinta Jabuuti


Hay'adda caalamiga ah ee ilaalada saxaafadda ee Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn (RSF) ayaa Arbacadii (18-kii December) waxa ay dareen ka muujisay xariga afar saxafi oo lagu xiray Jabuuti tobankii maalmood ee la so dhaafay, iyada oo sheegay in xukuumaddu ay si isa soo taraysa saxafiyiinta ugu isticmaalayo qaabab colaadood.

Dhammaan saxafiyiinta la xiray ayaa u shaqeeya Codka Jabuuti, oo ah mareeg-wareed madax-bannaan.

"Qaabka loo fuliyay cadaadiskan qorshaysan waa mid lala yaabo kaliyana waxa uu ka dhigan yahay in saxafiyiinta laga xayuubiyay xoriyaddoodii caafimaadkoodiina halis la galiyay," ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay. "Saxafi ayaa la sii daayay maalin kadibna maalintii waxaa loo xiray sabab la'aan."

Sahal Cilmi Talan iyo Mustafa Cabdiraxamaan Xuseen ayaa la xiray 14-kii December iyaga oo ka warramaya suuqleey laga saarayo waddooyinka suuqa bartamaha Jabuuti. Waxa la sii daayay laba maalmood kadib.

Xuseen ayaa mar kale la xiray 17-kii December markii uu isku dayay in uu alaabtiisii ka soo qaato saldhigga bilayska Hodan oo ahaa kii markii hore lagu hayay. Mid ka mida askarta ayaa la sheegay in uu Xuseen ku dhuftay dhagta iyada oo warqadda dhakhtarka ee la siiyay lagu caddeeyay in dharbaaxadu dillaacisay xuubka dhagta.

December 12-keedii, ayay xukuumaddu xirtay Maxamed Ibraahim Wacays xilli uu ka warbixinyay dibad-bax ay sameeyeen haween laga soo saaray guryahoodii ku yiil mashruuc guriyayn oo ay dawladdu leedahay. Waxa loo dhaadhicayay xabsiga Gaboode 16-kii December.

Faarax Aabbadiid Xiladiid ayaa la xiray 7-dii December waxana la sii daayay isla maalintaa.

"Waxan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo Mustafa Cabdiraxmaan Xuseen iyo Maxamed Ibraahim Wacays oo si sharci-darro ah loo haysto kuna sugan xaalado halis ah," ayay tiri RSF.

Source: sabahionline

Thursday, December 19, 2013

Haween Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Xaafada Daami Ee Dagan Wadanka Dubia Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Qoysas Rabshado Dhawaan Xaafadaasi Ka Dhacay Lagaga Gubay Guryo.


Mid ka mid ah qoysaskii Guryahooda la gubay xaafada Daami ee Hargeisa 12/12/2013
Hargeysa - Haween Dhalasho Ahaan Ka Soo Jeeda Xaafada Daami Ee Dagan Wadanka Dubia Oo Deeq Lacageed Soo Gaadhsiiyey Qoysas Rabshado Dhawaan Xaafadaasi Ka Dhacay Lagaga Gubay Guryo.

Lacagtan oo uu cadadkeedu dhamaa 666 dollar iyo afar buste oo loo soo wakiishay la taliyaha madaxweynaha barkhad jaamac xirsi iyo liibaan ismaaciil Maxamuud ayaa ay maanta si rasmi ah ugaadhsiiyeen dadkaas ay dhibaatadu haleeshay ee dagan xaafada daami ee magaalada hargaysa.
Munaasibadii lagu wareejinayay deeqdan oo lagu qabtay xaafada Daami
Hadaba wareejinta deeqdan oo lagu qabtay xaafada Daami ayaa waxa ugu horeyn halkaasi ka hadlay liibaan Ismaaciil Maxamuud waxaana uu yidhi?waxaanu joognaa xaafada daami waana guryihii habeenkii dhawaytoole la gubay waxaanu uwadanaa deeq cadadkeedu dhanyahay 666dollar Iyo bustayaal waxaan ugu soo deeqa walaalo muslimiin ah kan soo jeeda beesha gabooye oo ku dhaqan dalka Duba lacagtan aan maanta gacanto ku hayo waxaa loo qaybin doona afartii qoyse ee Guryaha laga gubay,waxaan umahad naqayaa walaalah maanta deeqdan soo gaadhsiiyey dadka xaafada daami ku tabaalaysan ee ubaahan in la caawiyo,waxa maanta waxa ilaahay loogu mahad naqo ah 13kii habeen ee aynu soo dhaafnay dhibtii ka dhacay iyo sidii ilaahay umadiisa ugu soo sahlay waxa dhibaato ah oo intan aan ka badnayeyna aanu ka dhicin.

Dhanka kale waxa isna halkaasi ka hadlay La taliyaha Madaxwaynaha Barkhad Jaamac Xirsi waxaana uu yidhi?dumarkaas jooga magaalada Dubia ee masuuliyada gaarka ah iska saaray  dadkaas dhibaatada gaarka ahi ku dhacday ee Cariish-yadoodi ka gubteen  ee dhaxamahaas magaalada hargaysa ka dhacaya la dhibanaa waxaanu leenahay dadkaasi soo caawiyey walaalahooda baahan ilaahay miisaanka xasanaadka ha idiin saaro ilaahay sadaqo joogta ah oo jaari ah ha idiinka dhigo sharaf ayey nootahay inaan maanta goob joog ka noqono lacagtii aad maanta soo dirteen  si qiimo badan oo amaano iyo karaamo ka muuqato cidii aad soo wakiilateen oo ah liibaan ismaaciil maxamuud sidii aad usoo wakiilateen ayuu idinku soo gaadhsiiyey.

Mar uu Barkhad Qurbajoogta beesha dardaaran udirayey ayaa waxa uu yidhi?waxaan ugu baaqaynaa qurba joogta kale ee jooga qurbaha in ay kasoo qayb qataan waxa tarkaas fiican ee ay haweenkaasi soo tareen dadka ku tabaalaysan xaafada daami, tanina noqon mayso deeqdii ugu horeysa ee tu-tan ka badan ayaanu sugaynaa oo nala soo gaadhsiin doono haday xukuumada tahay iyo haday tahay shacab reer somaliland.

Dhinaca kale dumarka iyagana la gaadhsiiyey deeqdan oo dagan xaafada ayaa uga mahad naqay sida wanaagsan ee ay usoo gaadhsiiyey taliyaha madaxweynaha barkhad jaamac xirsi iyo liibaan ismaaciil Maxamuud waxaan ilaahay ubaryeen dadkaas soo caawiyey inuu ilaahay miisaanka xasanaadka ugu daro uguna mahad naqay dumarkaas isasoo xil-qaamay.

Source: Hadhwanaagnew

SOMALIA: IN-DEPTH ANALYSIS - Puntland's Punted Polls - INTERNATIONAL CRISES GROUP

Violent fallout from a disputed presidential election would have implications for the rest of Somalia, including neighboring Somaliland, not least an increase in inter-clan tensions and opportunities for the extremist group Al-Shabaab to strengthen its foothold in north-east Somalia. 


“Despite the violence, risks and weak institutional framework, it is important that the democratic transition continue, especially at a local level”.
Comfort Ero, Crisis Group’s Africa Program Director




In its latest briefing, Somalia: Puntland’s Punted Polls, the International Crisis Group examines the attempt to reconcile clan interests with a democratic constitution for a regional administration whose development is important for establishing a degree of stability in a country that has not had much effective government for a generation. Hopes were once high that Puntland could be an example to Somalia’s other regions, but the democratic transition process has been mostly suspended due to increasing clan grievances and concerns over the weakness of political and judicial institutions charged with overseeing elections. If the election of the president by parliament next month is disputed, tensions could easily escalate to violence.

Puntland’s presidential election, scheduled for January, threatens to exacerbate clan tensions and polarise the population. To keep the regional state on the path of democratisation, deep investment from local, national and international actors will be crucial.

The briefing’s major findings and recommendations are:
  • Violent fallout from a disputed presidential election would have implications for the rest of Somalia, including neighboring Somaliland, not least an increase in inter-clan tensions and opportunities for the extremist group Al-Shabaab to strengthen its foothold in north-east Somalia.
  • Elections have always strained the clan consensus underwriting Puntland’s relative stability. Even after fifteen years, Puntland’s institutions remain weak and have failed to mediate the democratisation process. In the context of January’s presidential election, it is crucial to ensure the safety of all candidates and their freedom to campaign.
  • For Somalia as a whole, the Puntland experience demonstrates that instituting party-based democracy will be a contested process at every step, especially at the local (clan) level. Particular attention should be paid to the establishment of political parties. In Puntland as in the rest of Somalia, traditional clan authorities remain unconvinced of the benefits of party-based democracy.
  • Until the July crisis, when local elections were cancelled, the international community – particularly the UN, U.S., UK and EU – failed to recognise the importance of Puntland’s democratisation process for all Somalia. It needs now to promote an all-Puntland constitutional review process and support the restart of the democratic transition via both technical and symbolic assistance.
“Puntland has shown that democratisation is not just a technical process or a panacea for reducing internal conflict. Donors and other international actors need to be heedful of local political realities, including support of elites, robustness of institutions and viability of electoral districts, before giving support to an electoral process”, says Cedric Barnes, Crisis Group’s Horn of Africa Project Director. “This is especially relevant for the projected democratic transition in the rest of Somalia by 2016”.

“Despite the violence, risks and weak institutional framework, it is important that the democratic transition continue, especially at a local level”, says Comfort Ero, Crisis Group’s Africa Program Director. “Calling off the local elections in July was the right call, but has left many feeling excluded and without a direct voice, especially those from marginalised clans and the young. And it is these constituencies that are most likely to be attracted by radical Islamist groups like Al-Shabaab”.

Read full report here: Read full report (pdf)

Media for Liberty Award 2014, USA

The 2014 Media and Liberty Award is inviting online submissions from media contributors who have made outstanding entries between 1st January 2013 to 21 December 2013.The main aim of the award is to encourage media contributions that explore the relationship between economic liberty (freedom of individuals to make economic choices in a free-market environment) and political liberty (freedom from government intervention and fostering of civil liberties).

The topics of entries made may include Sovereign debt, cause or downfall of the common goods (food, housing, healthcare) becoming prohibitively expensive for the average consumer, ultimate impact of globalization and its impact on the middle class, the true cost of ethanol and its impact on food and fuel, dependency on foreign oil, fair trade, government involvement in private enterprise (TARP, health and financial reform), global tax and regulatory changes, access to healthcare (universal care, rationing, medicare) or any other topics that relate to economic and political liberty. The award is of $50,000 cash prize along with a trip to the award ceremony in Washington D.C. in spring 2014.7

Eligibility Criteria – 
  • Entries must be published or transmitted via print or electronic media between January 1, 2013 and December 31, 2013 and must be an original work of the entrant. Eligible media outlets, including newspapers, magazines, journals, radio, television and websites, must be generally recognized in their markets and accessible to a broad audience in the United States.
  • Print entries may not exceed 20,000 words and electronic entries may not exceed 120 minutes.
  • Entries must be in English, or submitted with an English translation or with English subtitles originally published or transmitted between 1 January 2013 and 31 December 2013.
  • Entries may include, but are not limited to, news reporting, feature coverage, investigative reporting, articles, essays, editorials, commentaries and documentaries. Programs produced and intended for general theatrical motion picture release are not eligible. Montage of speeches, news coverage, video footage, graphic content or similar entries will also not be accepted.
  • Entrant can be from anywhere in the world. She/he must be at least 21 years of age at the time of entry. Employees of Liberty Media (and its affiliates), their immediate families and those living in their household are not eligible.
Fill Media for Liberty Award Form to enter for the award.
Please visit Official Contest Rules for information regarding the prescribed format of the submission.
For more information, visit Official Media for Liberty Award page.