Friday, December 20, 2013

Suxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn oo ka Wersersan Xidhitaanada Suxafiyiinta Jabuuti


Hay'adda caalamiga ah ee ilaalada saxaafadda ee Saxafiyiinta aan Xudduudda Lahayn (RSF) ayaa Arbacadii (18-kii December) waxa ay dareen ka muujisay xariga afar saxafi oo lagu xiray Jabuuti tobankii maalmood ee la so dhaafay, iyada oo sheegay in xukuumaddu ay si isa soo taraysa saxafiyiinta ugu isticmaalayo qaabab colaadood.

Dhammaan saxafiyiinta la xiray ayaa u shaqeeya Codka Jabuuti, oo ah mareeg-wareed madax-bannaan.

"Qaabka loo fuliyay cadaadiskan qorshaysan waa mid lala yaabo kaliyana waxa uu ka dhigan yahay in saxafiyiinta laga xayuubiyay xoriyaddoodii caafimaadkoodiina halis la galiyay," ayay RSF ku tiri hadal ay soo saartay. "Saxafi ayaa la sii daayay maalin kadibna maalintii waxaa loo xiray sabab la'aan."

Sahal Cilmi Talan iyo Mustafa Cabdiraxamaan Xuseen ayaa la xiray 14-kii December iyaga oo ka warramaya suuqleey laga saarayo waddooyinka suuqa bartamaha Jabuuti. Waxa la sii daayay laba maalmood kadib.

Xuseen ayaa mar kale la xiray 17-kii December markii uu isku dayay in uu alaabtiisii ka soo qaato saldhigga bilayska Hodan oo ahaa kii markii hore lagu hayay. Mid ka mida askarta ayaa la sheegay in uu Xuseen ku dhuftay dhagta iyada oo warqadda dhakhtarka ee la siiyay lagu caddeeyay in dharbaaxadu dillaacisay xuubka dhagta.

December 12-keedii, ayay xukuumaddu xirtay Maxamed Ibraahim Wacays xilli uu ka warbixinyay dibad-bax ay sameeyeen haween laga soo saaray guryahoodii ku yiil mashruuc guriyayn oo ay dawladdu leedahay. Waxa loo dhaadhicayay xabsiga Gaboode 16-kii December.

Faarax Aabbadiid Xiladiid ayaa la xiray 7-dii December waxana la sii daayay isla maalintaa.

"Waxan ku baaqaynaa in si degdeg ah loo sii daayo Mustafa Cabdiraxmaan Xuseen iyo Maxamed Ibraahim Wacays oo si sharci-darro ah loo haysto kuna sugan xaalado halis ah," ayay tiri RSF.

Source: sabahionline

No comments: