Search This Blog

Friday, January 4, 2013

War Degdeg ah Ceelka Dameera Boob ee ay Xoolaha iyo Dadku Ka Cabaan oo Jabey iyo Kumanaan Xoolo ah oo Dul Hoganaya

 Friday, January 04, 2013

Ceelka Dameera-Boob ee ay Biyaha ka cabaan Sanad kasta xiligan dabayaaqada jiilaalka Xoolaha ugu badan ee Deegaanada Bariga Kililka Shanaad iyo nawaaxiga Tuulooyinka Somaliland ee ku teedsan Xuduuda Itoobiya iyo Somaliland u dhexeysa ayaa maanta jabey kadib markii ay dumiyeen Biro cusub oo lagu gurey dhawaan Ceelklaasi


Maamulaha Ceelka Dameera-Boob Cabdi Hirad Ismaaciil ,oo khadka isgaadhsiinta kula soo xidhiidhay Shabakada Wararka Hadhwanaagnews, isagoo ku sugan Ceelka Dameera-Boob ee jabey oo Shan kiiloo mitir dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Alleybadey ayaa Qeylo dhaan culus u gudbiyay Guud ahaanba Wasaarada Macdanta iyo Tamarta Somaliland iyo Maamulada Degmooyinka iyo Gobolka Gabiley, si loogu soo Gurmado dhibaatada xiligan ka timid Ceelkaas oo sida uu Sheegay ay Dul hogayaan Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo Ceelka Dameera-Boob uga soo aroorey Deegaano aad u fog oo ah deegaanada Bari ee Kililka Shanaad ee Itoobiya iyo Dhulka Xoola Daaqeenka madarka Sare.

"Waxaa Dumay oo Ceed kusoo gambiyay Gudaha Ceelka Biro dhawaan lagu gurey Ceelka Cusub marka Mushiinka la istaadho ayuu is bakhtiinayaa isagoo, markii hore soo qaadey Ciid ciladan oo aanaan ilaa hada anagu garaneynin waxa mar kaliya isla oogsadey kadib markii Ceelku jabey Kumanaan Xoolo ah oo u badan Geel oo dhul aad u fog uga soo Aroorey Ceelkan dameera Boob oo ay Sanad walba Xiligan oo kale Aroorkoodu habeeno usoo dhaxa hadaba waxaanu si degdeg ah uga codsaneynaa Wasaarada Macdanta iyo Biyihu in ay noosoo Gurmadaan, oo Maamulka Gabiley iyo ka Degmada Alleybadeyna noo qeylyaan Xaaladu aad ayay u adag tahey waxaana dararka Ceelka dul hoganaya Guul ooman oo bahaayinkaas ah hadaba waxaanu Codsaneynaa in Si degdeg ah naloogu soo Gurmado"Sidaa waxa Yidhi Maamulaha Ceelka Dameera Boob Cabdi Hirad Ismaaciil.

Ma aha Markii u horeysay ee uu sidan oo kale oo jabo Ceelka Dameera-Boob oo shan kiiloo mitir qiyaastii dhinaca Galbeed ka xiga Magaalada Alleybadey waxaaney Sanadkii kal sadexaad markii uu sidan oo kale degdeg ugu jabey Ceelkani iyadoo, ay dul hoganayaan Kumanaan Xoolo ah oo ay Qaarkood usoo dhexeen Geediga oonka Shan iyo Toban Caana-Maal xiligaas oo ay Wasaarada Macdantu si degdeg ah ugu gurmatey.


Thursday, January 3, 2013

Markab Cusub oo Nooca Xamuulka ah oo uu soo iibsaday Ganacsade reer Somaliland ah oo Shalay ku soo xirtay Dekeda Berbera

MV IDIL SHIP
Markabka cusub oo lagu magacaabo MV IDIL ayaa maanta ku soo xidhay dekada caalamiga ah ee Berbera markabkan oo uu leeyayahay Cabdicasiis Aadan Habane SISTO oo ah ganacsade Somalilander.

Markabkan oo ah nooca xamuulka (cargo) qaada  ayaa sida uu sheegay mulkiilaha markabkani Cabdcasiis Sisto waxaa uu ka dhex shaqayn doonaa dekadaha wadamada gacanka carabta  iyo khaliijka iyo dededa Berbera, ganacsatada dalkana  wax badan ayay uga faa'iidaysan doonaan markabkan  oo tanaaasulaad ah haddii EEBE idmo.

Markabkan ayaa tankiisu yahay 3000 oo tan waana cusub oo seefitigiisu wanaagsan yahay,

Markabakan ayaa hadaba saaka loogu wanqalay dekada berbera ama loogu duceeyay  iyadoo xafladaa loo sameeyay aay kazoo qayb galeen madaxda dekada oo uu ugu horeyo marreeyaha cali cumar maxamed xoor xoo,mareeye ku xigeenka labaad ee dekada mustafe maxamed yoonis, badhasaabka gobolka saaxil cali maxamed cilmi,maayorka berbera cabdishakuur maxamuud xasan cidin iyo madax kale oo goob jog ka ahayd ,

Ugu horayn masuul ku hadlayay afka maamulka markabka ayaa sheegay in aay aad ugu faraxsanyihiin shaqda uu markabkani ka bilaabayo dekada berbera ,ganacsatada reer Somaliland na  uu faaiido u yahay  in sii rartaan soona rartaan markab aay leeyihiin  rarkoodana si wanaagsan u xafidaya,

Waxa kale oo uu masuulkani u mahadnaqay madaxda sare eedekada iyo gobolkaba ka socday ee munaasibadan kazoo qayb galay.

Mareeye ku xigeenka labaad ee dekada berbera mustafe maxamed yoonis ayaa isna siwayn usoo dhaweeyay  markabkan iyo mulkiilahaba waxaanu ku balan qaaday maamul ahaan in aay si hufan ugu shaqayn donaaan ,wixii talo iyo khibradana maamulka dekadu ula diyaryahay  markabkan cusub ee kusoo biiray Asadka  ganacsatada  Somaliland waxaa   oo uu yidhi  yidhi maareeye ku xgeenka dekada berbera hambalyo hambalyo ganacsatada kale ee awoodaana haku daydaan mulkiilahah markabkan  oo badeeena aaynu dhinacwalba uga faaiidaysano,

Badhsaabka saaxil cali maxamed cilmi  oo hadalo kooban soo jeediyay ayaa isna yidhi , horta waan ku hambalyaynayaa mulkiilaha bada soo camiray iyo dekadaba  waxaanan ilaahay ka rajaynayaa ayuu yidhi badhasaabku in qaar kan ka tan badana uu keeni doono ,waxaana leeyahay ayuu ydhi iyadoo hada jaamacadii badanu inoo shaqaynaysa  in aay ganacsatadu ka qayb qaataan ka faaiidaysiga bada laguna dhiirado sidii aynu bada uga faadiidaysan lahayn, maamulka dekadana waxaan filayaa maadaama uu markabku yahay somalilander  kana xigo kuwa kale wixii tanaasilaad ah in looga fadhiyo lana dhiiri galiyo milkiilaha markabka,

Ugu danbayna maayorka berbera  cabdishakuur maxamuud xasan cidin  ayaa wuxuu yidhi ,

Horta waa sanad cusub maalintiisii kowaad waxaanu inoogu bishay waxyaabo cusub sida dhisme hotel oo casri ah oo saaka aaynu xadhiga ka jarnay iyo hada oo aynu u wanqalayno markabkan cusub  ee ganacsadaha somalilanderka ahi soo iibsday waana inoo farxad waanan soo dhawynaynaa cidkasta oo horumark dalka ka qayb aadanaysa,mida kale naguna maamul ahaan waanu cusubnahay  markaa waxaan ilaahay ka rajaynayaa in uu sanadkan inooga dhigo mid riyadeenu inoo wad rumawda inteeda khayrku ku jiraa.


Source URL: http://waaheen.com/?p=56660

Monday, December 31, 2012

Mudaharaadyo Xoogan oo Shacbiga Magaalada Boorama Sameeyeen iyo Ciidamada Booliska Somaliland oo u addeegsaday Rasaas Nool Dadwaynihii Mudaharaadayay taasi oo sababay dhimasho iyo dhaawac



Boorama  saakay xaalada magaalada Boorama ee xarunta gobalka Awdal waxa ay ahayd mid degan balse daqiiqado ka hor Barqanimadii maanta (11:15 AM) waxaa ka bilowday bartamaha suuqa weyn ee Boorama dibadbax xoogan oo rabshado wata, waxaana halmar guud ahaan Boorama laga maqlay Rasaasta noocyadeeda kala duwan oo ciidamada Booliska & kuwa Militariga ku ridayaan dhalinyarada gadoodsan ee maalintii labaad dibadbaxyada ka sameynaya gudaha magaalada Boorama.

  
Dhalinyarada dibadbaxyada sameyneysa ayaa ka cadhaysan qaabka Xukuumada Somaliland u faragalineyso doorashadii golaha deegaanka ee ka dhacday degmada Saylac ee gobalka Awdal, halkaasoo qaar kamid ah Xildhibaanadii Beesha Samaroon ugu soo baxay golaha deegaanka degmada Saylac ay doorteen Maayar beeshaasi kasoo jeeda,  waxaana diiday in Maayarkaasi la dhaariyo Maxkamada Degmada Saylac oo wakiil ugu aheyd Dhaarinta Wasaarada arimaha gudaha Somaliland, iyadoo dhanka kale ay arintaasi ka biya diideen Xildhibaanada degmada Saylac ugu soo baxay Beesha Ciise oo iyaguna wata Maayar kale oo beeshooda kasoo jeeda, waxeyna dadka dibaxyada sameynaya gubayaan taayirada baabuurta iyagoo guud ahaan xidhay wadooyinka halbowlaha u ah isku socodka magaalada oo dhagxaan waa weyn ku xidhay iyagoo ku dhawaaqaya erayo ay ku sheeganayaan magaalada Saylac kagana soo horjeedaan faragalinta Xukuumada Somaliland ay degmadaasi ku heyso.

Guud ahaan xaalada Boorama waa ay cakiran tahay waxuuna dibadbaxaan maalintii labaad socda kusoo beegmaya xili shalay galinkii dambe ay Boorama soo gaadheen wafdi uu hogaaminayo M/weyne K/xigeenka Somaliland Eng. C/raxmaan Saylici & 6 Wasiir oo kamid ah Xukuumadiisa, Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye & Qaar Kamid Ah Odoyaasha Guurtida.
 

 
Dadweynaha Boorama ayaa ka argagaxsan Rasaasta sida xoogan ugu dhaceysa bartamaha Boorama & qaar kamid ah xaafadaha kala duwan ee magaalada, waxaana guud ahaan la xidhay goobihii Ganacsiga ee gudaha Boorama ku yaalay.
 



MAY YOU HAVE A WONDERFUL NEW YEAR FILLED WITH LOVE, HAPPINESS, HEALTH, AND HOPE.


COMING SOON: WARBIXIN SANNADEEDKA 2012 XAALADA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND


              COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!! COMING SOON!!!!!!!!!!!!!!!!


QAYBTA 1AAD-XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND     

QAYBTA 2AAD –DILKA SHARCI DARADA AH EE HAY’ADAHA SHARCIFULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN RAYIDKA

QAYBTA 3AAD – GABOODFALADA XUQUUQDA XUQUUQDA QAXOOTIGA IYO MAGANGALYODOONKA

QAYBTA 4AAD –XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA   
·         Shacbiga Somaliland oo la daalaa dhacaya qaabkii Madaxdii ay doorteen ugu gudbin lahaayeen tabashooyinkooda
QAYBTA 5AAD MUSUQMAASUQA XUKUUMADA SOMALILAND               
  • Falalka Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero  
  • Fadeexadaha Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq baaxad wayn
  •  Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa       
QAYBTA 6AAD-TACADIYADA AY LA NOOL YIHIIN BEELAHA LA TAKOORO SOMALILAND WAA KUWO ARGAGAX LEH OO AANU AADAMIGU KU NOOLAAN KARIN
  •  Guurka oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga baran karo Boorama
QAYBTA 7AAD DARAASAD HORDHACA AH:  XADGUDUBYO XAASAASI AH OO AAN CIDINA KA HADLI KARIN IYO DOORKA AY XUKUUMADU KU LEEDAHAY



QAYBTII KOWAAD WARBIXIN SANADEEDKII 2O12 XAALADA XUQUUQDA AADAMIGA SOMALILAND





SOMALILAND ANNUAL 
HUMAN RIGHTS SITUATION REPORT 
1st January - 31st December 2012
 









WARBIXIN SANNADEEDKA 2012
XAALADA XUQUUQDA AADAMAHA SOMALILAND


Waxa soo Saaray:
Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (Horn Watch)
31st December 2012
Hargeisa, Somaliland







TUSAMADA WARBIXINTA
_____________________________________________________BOGGA

HORDHAC........................................................................................ 1
-        Qaabka Xogaha Warbixinta loo Ururiyay......................................... 2

CUTUBKA 1AAD.................................................................................. 3
XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA HAY’ADAHA SHARCI FULINTA SOMALILAND U GAYSTAAN MUWAADINIINTA IYO AJAANIBKA KU SUGAN SOMALILAND................................................................................... 6

CUTUBKA 2AADDilka sharci darada ah ee Hay’adaha Sharcifulinta Somaliland u gaystaan rayidka............................................................................ 11

CUTUBKA 3AAD – Gaboodfalada Xuquuqda Xuquuqda Qaxootiga iyo Magangalyodoonka......................................................................... 12

CUTUBKA 4AAD –XADGUDUBYADA XORIYADA RA’YI DHIIBASHADA & WARBAAHINTA .............................................................................. 13
-        Shacbiga Somaliland Ma haystaan qaab ay cabashadooda ugu gudbiyaan Madaxdii dalka ee ay doorteen

CUTUBKA 5AAD MUSUQMAASUQA XUKUUMADA SOMALILAND............. 16
-        Falalka Musuqmaasuq ee Xukuumada Siilaanyo oo maraya heer laga werwero     16
-        Fadeexadaha Maamulxumo iyo Musuq ee ka dhacay Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo daboolka ka rogay Xubno ka mid ah Qoyska Madawxwayne Siilaanyo oo ku lug leh musuq baaxad wayn............................................... 18
-        Fashilaada Doorashadii Golayaasha Deegaanka Somaliland waxa kow ka ah Musuqmaasuqa ...................................................................... 22

CUTUBKA 6AAD TACADIYADA AY LA NOOL YIHIIN BEELAHA LA TAKOORO SOMALILAND WAA KUWO ARGAGAX LEH OO AANU AADAMIGU KU NOOLAAN KARIN
-        Guurka oo ah munaasibad farxadeed oo qoysasku is maamuus ka helaan Marmar Gabooyaha Somaliland wuxuu ku noqdaa masiibo burburisa nabadgalyadoo, noloshooda dhaqan dhaqaale iyo wax kastoo kale oo ay deegaankooda ku haysteen-Casharada laga baran karo Boorama

CUTUBKA 7AAD DARAASAD HORDHACA AH:  Xadgudubyo Xaasaasi ah oo aan Cidina ka hadli karin iyo Doorka ay Xukuumadu ku leedahay

HORDHAC

Jamhuuriyada Somaliland waxa ay culayska saartay sidii xuquuqda aadamigu bud-dhig ugu noqon lahayd dibudhiska dalka. Waxana taasi daliil u ah Dastuurka dalka, cutubkiisa 2aad waxa uu si cad u jidaynayaa ilaalinta iyo hirgalinta xuquuqda iyo xoriyadaha aasaasiga ah ee muwaadiniinta, kuwaasi oo waafaqsan qaanuunka xuquuqda aadamiga ee heer caalami iyo mid qaaradeed labadaba. Inkastoo ku dhawaad 20 sano qaab-dhismeedkii iyo hay’adahii heer qaran ee  masuulka ka ahaa ilaalinta iyo horumarinta xuquuqda aadamigu ay wali dib u dhacsan yihiin oo ay ragaadiyeen maamul xumo, musuqmaasuq iyo khibrad yaraan, kuwaasi oo aan lahayn awoodii iyo xirfadihii lagu joojin lahaa xadgudbuyada xuquuqda aadamiga amase lagaga hortagi lahaa dhicitaankoodaba.

Dib u curashadii Jamhuuriyada Somaliland bilowgii sagaashanaadka Somaliland waxay ku guulaysatay abuuritaanka haykal dawladeed oo cusub, waxay soo dabaashay nidaamkii iyo kala dambayntii waxay dhistay hay’adihii dawladaha hoose iyo tan dhexe, waxa dalka dib uga bilowday nidaamkii cashuuraha, waxa dib loo furay dugsiyaddii waxbarashada oo ay gacanta ku hayso wasaarada waxbarashadu dedaalkaasi oo dhan muu suurto galeen in la gaadho hadii aanay Somaliland adeegsan nidaamka hidaha iyo dhaqanka ee furdaaminta shaqaaqooyinka. Hogaamiye dhaqameedka ama guurtida dalka ayaa fure u noqday ku soo dabaalida dalka Somaliland degenaashiiye siyaasadeed.

Tan iyo 2001 dalka waxa ka dhacay doorashooyin kala duwan: aftidii Dastuurka Somaliand ee 2001, doorashadii Golayaasha Deegaanka 2002, 2 doorasho Madaxtooyo oo kala qabsoomay 2003 iyo 2010 iyo Doorashadii Aqalka Hoose Baarlamaanka Somaliland 2005. Doorashadii labaad ee Golayaasha Deegaanka ayaa Somaliland ka qabsoontay 28 Nov. 2012 iyadoo ilaa hada aan si rasmi ah loo shaacin natiijooyinkii rasmiga ahaa ee doorashada. Marka laga reebo doorashadan u dambaysay dhamaan doorashooyinka Somaliland ka dhacay tan iyo sanadkii 2001 waxay ku dhamaadeen si nabadgalyo ah, iyadoo dhinacayadii ku loolamayayna ay wada aqbaleen natiijooyinkii ka soo baxay balse, doorashadan ugu dambaysay ayaa ka duwan kuwaasi hore, iyadoo difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland bilowgii ololaha doorashada golayaasha deegaanku bilaabantay muujiyay walaaca ay ka qabaan in Somaliland ay ka dhici karto sidii hore looga bartay doorasho xor ah oo xalaal ahi iyagoo hoosta ka xariiqay in aanay dalka xukuumada Madaxwayne Siilaanyo u diyaarin saaxad ay ka dhici karto doorasho xor ah oo xalaal ah marka loo dhaboglao xadgudubyada Xukuumada Somaliland caadaysatay oo ay ka mid yihiin:


1-   Xadhiga Sharci-darada ah iyo Jid-dil ay hay’adaha amaanka qaranku  u gaystaan shacbiga iyo ajaanibka ku sugan dalka;
2-   Xabsiyada dalka oo maxaabista ku xidhani ay duruuf argagax leh ku nool yihiin;
3-   Heerka gaboodfalada warbaahinta madaxabanaan ay xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ku haysa oo maraya heerkii ugu sareeayay abid
4-   Musuqmaasuq baaxad weyn oo ay si toos ah ugu lug leeyihiin xubno ka tirsan qoyska Madaxwaynuhu iyo madaxda sarsare ee xukuumadda oo ku baahay hay’adaha qaranka
5-   Tacadiyada tirtiray gabi ahaan xuquuqihii Beelaha la Takooro ee Somaliland heerka ay marayaan




CUTUBKA 1AAD
TILMAAMAHA GUUD EE SOMALILAND

I.             Tilmaanta Guud

Dalka Jamhuuriyadda Somaliland wuxuu fidsan yahay bed dhan 137,600km² (68,000 sq. miles oo dhaca ama ku yaalla dhigaha (Latitude) 50 ilaa 110 30' Waqooyiga Dhulbadhaha iyo loolka (Longtitude) 420 45' ilaa 490 Bariga. Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la wadaagtaa dhinaca Waqooyi Gacanka Cadmeed; dhinaca Bari Soomaaliya; dhinaca Koonfureed iyo dhinaca Galbeed Jamhuuriyadda Federaalka ah ee ltoobiya; dhinaca Waqooyi Galbeed Jamhuuriyadda Jabuuti. Tirada guud ee dadka dalka Somaliland inkastoo aanu jirin tiro koob rasmi ahi hadana wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland buug la yidhaa Country Profile - Republic of Somaliland oo ay soo saartay 2002, tirada dadka Somaliland waxay ku sheegtay 3.5 million1). Dhinaca kale waxa lagu qiyaasay tirada dadka Somaliland laba ilaa seddex milyan oo ruux, gaar ahaan waxa runta ugu dhow qiyaasta ah in ay tahay labo milyan oo ruux tirada dadka Somaliland2).

Dadka Somaliland waa dad isku af iyo isir ah, 100% waa islaam Mahdabta Shaaficiya dariiqada Qaadiriya ku dhaqma marka laga reebo tiro aad u yar oo ku dhaqanta dariiqada Saalixiya oo iyaduna ka mid ah Mahdabta Shaaficiya. Luqada rasimiga ah ee dalku waa afsoomaali, Carabi iyo Ingiriisi, dugsiyada hoose dhexena waxa waxbarashada lagu bixiyaa luqada afka soomaliga, halka waxbarashada sare lagu gudbiyo luqada ingiriisiga.

Caasimada dalka Somaliland waa Hargeisa, magaalada ugu balaadhan uguna tirada dadka badan guud ahaan dalka Somaliland. Sidoo kale waa xarunta ganacsiga Somaliland, dhamaan xafiisyada maamulka dawladu waxay ku yaalaan caasimada dalka ee Hargeisa. Magaalada Berbera ee dekeda ah ayaa iyaduna ah halbawlaha ganacsiga Somaliland dhoofin iyo soo dajinta labadaba marin u ah, magaalo madaxyada gobolada dalka Somaliland oo kala ah Burao, Boorama, Ceerigabo iyo Laas-caanood ayaa ah tirada dadka ku nooli ay badan tahay waxana ka socda dhaqdhaqaaqyo ganacsi oo aan yarayn.
Baanka adduunku wuxuu celceliska cimriga-nolosha raga ku sheegaa 50 sanadood, dumarkana 55 sanadood3).
CUTUBKA 2AAD – XADHIGA SHARCI DARADA AH & JID-DILKA........... 6
Dastuurka Somaliland muxuu ka qabaa Xidhiga Sharcidarada ah iyo Jidh-dilka?

Qodobka 24 ee Dastuurka Somaliland, oo la xidhiidha “Xaqa Nolosha, Nabadgalyada qofka, Danuubta lidka ku ah Xuquuqda Aadamiga” ayaa u dhigaya sida tan:

1.   Nafta aadamuhu waa deeq llaahay, waana qaali; qof kastaana wuxuu xaq leeyahay noloshiisa, wuxuuna ku waayi karaa oo keliya marka maxkamad horteed uu ku caddaado dembi uu xeerku jideeyey in dil lagu mutaysan karo.
2.   Qofku wuxuu xaq u leeyahay in la nabad galiyo jidhkiisa; ciqaabta jidhka iyo wax yeelo kasta oo loo geysto way reebban tahay.
3.   Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in Ia xurmeeyo sharaftiisa, sumcadiisa iyo noloshiisa gaar ahaaneed.
4.   Dambiyada laga gab xuquuqda qofka sida xasuuqa, di maxkamad la'aan ah, jidh dilka iyo wixii la mid ah malaha muddo dhaaf

Dastuurka Somaliland ayaa ayidaya ku dhaqanka Axdiyada Caalamiga ah ee xuquuqda aadamiga sida ku cad Qod. 10 farqadiisa
1.            Jamhuuriyadda Soomaaliland waxay dhawraysaa heshiisyadii ay Dawladdii hore 1o odhan jiray Soomaaliya la gashay shirkad ama dawlad shisheeye, haddii aanu ka hor imanayn danta iyo maslaxadda Jamhuuriyada Soomaaliand. Iyo
2.            Jamhuuriyadda Soomaliland waxay aqoonsan tahay, kuna dhaqmaysaa Axdiyada Qaramada Midoobay iyo Qaanuunka Dawliga ah; waxa kale oo ay xurmaynaysaa Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqda Aadamiga {Universal Declaration of Human rights}.



Xadgudubyada la Diiwaan Galiyay:
  Haybe Faarax Nuur oo Gabayo uu ku dhaliilayo Madaxweyne Siilaanyo tiriyay ayaa hay’adaha sharcifulinta Somaliland xabsiga u taxaabeen waxanu iyadoo aan maxkamad la horkeenin uu la haye ahaan ugu xabisnaa jeelalka dalka in ka badan seddex bilood. Abwaankan ayaa isagoo cabiraya ra’yigiisa wuxuu tiriyay tiraba Afar Gabay oo uu ku Dhaliilayo Madaxwayne Siilaanyo.

Ku tagrifalka awooda dawlada ee madaxda gobolada iyo degmooyinka dalka ayaa sanadka 2012 kor u kacday iyadoo nasiibdaro madaxdani awoodaasi u adeegsanaya dano gaar ah tusaale ahaan 3 ilaa 5 July 2012 xoghaya dawladda hoose ee degmada Boorama ayaa xabsiga u taxaabay qaar ka mid ah iskaashatada bulshada ee karaaniyiinta  magalaada Boorame, kaariyiintan la xidhxidhay wax aka mid ah Gudoomiye xigeenka iskaashatada kaariyiinta Boorame Cali Daahir Cali. Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Horn Watch ayaa helay cadaymo daaha ka rogaya in Xoghayaha D/hoose ee Degmada Boorama uu karaaniyiinta ku xidhxidhay kadib markii ay ku dari waayeen Iskaashatada Karaaniyiinta Boorame nin ay isaga walaalo yihiin.


  Maayarka Caynaba khaliif Saleebaan ayaa magaalada Caynaba ku xidhxidhay dad ka mid ah shacbiga ku nool magaalada Caynabo oo ka mudaharaaday dhul dan guud ah oo ay Maayarka iyo madax kale oo ka tirsan masuuliyiinta sarsare ee gobolka Saraar ay si shaqsi ah ugu tagrifalayaan
Description: C:\Users\cabdiqaadir\AppData\Local\Microsoft\Windows\Temporary Internet Files\Content.Word\VICTIM1.jpg
 Booliska magaalada Gabiley ayaa xabsiga u taxaabay nin dhalinyaro ah oo abwaan ah Maxamed Mawliid Caabud (Maxamed Dhako) difaacayaasha xuquuqda aadamiga Somaliland aya helay xog iftiiminaysa in amarka xadhigiisa ay bixiyeen Afhayeenka Madaxtooyada iyo Guddoomiyaha Dawan isku Haystaan kuwaasi oo uu ka dabo joogay balanqaad lacageed oo laga siiyo heestii lagu furay munaasibadii loogu wanqalayay Idaacada Cusub ee Radio Hargeia
Description: xarig weriyeyaal12 Sept 2012 Labo Weriye oo la kala yidhaa Haashim Good iyo Mursal Cilmi Cumar oo ka kala hawl-galayey TV-yada Somalisat iyo Bulsho TV ayaa ciidanka  booliska magaalada Boorame xabsiga u taxaabeen Saldhigga dhexe ee Booliska magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal ee Somaliland. Kormeerayaasha Xuquuqda Aadamiga HornWatch ayaa ogaaday in sababta kali ah ee lagu xidhay labadan wariya ay la xidhiidho warar iyo ra’yiga dadwaynaha ku dhaqan Boorama ay ka qabaan doorashada Madaxwaynaha ee ka dhacday magaalada Xamar ay ka direen magaalada Boorama oo aanay raali ka ahayn xukuumada madaxwayne Siilaanyo. Waxayna talaabadan xadgudub ku tahay mabaadii’ada xuquuqda aadamiga iyo xoriyadaha aasaasiga ee uu jideeyay dastuurka qaranka Somaliand.
20 October 2012 Ciidamada Qaranka ee fadhigoodu yahay Bariisle oo duleedka Lawyocado ku taal ayaa 18 ruux oo rayid ah kuwaasi oo isugu jiray 15 reer Somaliland ah, 2 reer Somalia ah iyo hal Itoobiyaan ah ka soo qabqabteen magaalada xuduuda ku taala ee Lawyo-cado, iyadoo markii ay qabqabanayeen ciidanku ragaasi si fool xun u garaacay, habeenkii koowaad waxa lagu xidhay Lawyo-cado, habeenkii labaadna waxa loo qaaday oo lagu xidhay tuulada Geerisa, iyadoo aroornimadiina lagu soo qaaday baabuur Ciidanka Qaranka Somaliland leeyihiin iyagoo dhamaan ragaasi xadhko loogu xidhxidhay dhigahii baabuurka ayaa si toos ah waxa loo keenay oo lagu xabisay xerada ciidamada qaranka ee Birjeex oo ku taal Hargeisa. Qaar ka mid ah dadkan rayidka ah waxa ay ka mid ah


1.     Jamaal Cabdi Habane
2.     Ahmed Cabdi Habane
3.     Maxamed Carab Maxamuud
4.     Cabdi Farax Samade
5.     Ahmed Abdilaahi
6.     Liibaan Sahal
7.     Cabdixakiim xuseen Liibaan
8.     Cilmixakiim Xaashi Hufane
9.     Maxamed Barkhad Aanayte
10. Muuse Xasan Warsame
11. Faarax Maxamed Xasan
12. Najax jaamac Roble


22 Sept. 2012 -Ciidamada Booliska ee Boorma ayaa soo xidhxidhay dad ay tiradoodu dhan tahay 9 qof oo shicib ah kadib markii ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyeen rabshado qasaare gaystay oo degaankaasi ka dhacay, dadkaasi ayaa ka gadoodsana adeegxumo iyo musuqmaasuq bariinsaday MCH magaaladaasi. 
13 August 2012 Ciidamada Booliska magaalada Xariirad ayaa xabsiga u taxaabay dad shacab ah oo ka mid ah reer guuraa ku tabaaloobay abaaraha deegaankaasi naafeeyay dadkaasi oo ka gadooday raashin mucaawimo ahaa oo la sii dhexmariyay kaasi oo loo waday tuulada caqbdiqaadir.



1) Country Profile - Republic of Somaliland Published by The Ministry of National Planning in 2002
2) Somaliland: Democratisation and its DiscontentsICG Africa Report N°66, 28 July 2003 page 2
3) Country Profile - Republic of Somaliland Published by The Ministry of National Planning in 2002