Search This Blog

Monday, December 24, 2012

Urgent Human Rights Violation in Somaliland: Ciidanka Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Muwaadin Ra'yigiisa Cabiray

Mustafe Abiib Maxamed


Mustafe Abiib Maxamed oo ka mid ah dhalinyarta magaalada Hargeysa, ayaa maanta galinkii hore ciidamada boolisku u taxaabeen saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Muwaadinkan ayaa laga qabtay xafiiskiisa, isagoo xilligaasi gudanayey waajibaadkiisii shaqo. Waxaanay bilaysku u keeneen kuna kaxeeyeen waaran ay kasoo goosteen maxkamadda gobolka oo uu ku saxiixannaa guddoomiye C/rashiid Durraan.

Mid ka mida shaqaalihii goobta oo la joogay muwaadinkan la xidhay, ayaa noo sheegay in ciidamada boolisku ay muwaadkankan ku kaxeeyeen yeedhitaan maxkamadeed, balse telefoon ku soo dhacay dabadeed ay u jihaysteen kuna xidheen saldhigga dhexe.

Markii muwaadinkan la geeyey saldhigga dhexe, ayaa loo sheegay in loo haysto oo ay ashkataysay Shirkadda isgaadhsiinta ee TELESOM oo sidii dambi-baadhistu sheegtay dhawaan uu ka qoray Maqaal uu kaga hadlay  Dakhligeeda iyo cashuurta ku waajibtay.

Markii gudaha saldhigga lagu xareeyey ayey dambi-baadhistu soo ban-dhigeen Sawirkii muwaadinkan oo kur ah kuna xardhan warqad A4 ah iyo joornaal uu maqaalkaasi ku qoran yahay. Waxaanay sheegeen in maalinta berriya maxkamadda la hor-geyn doono.

Dhacdadan oo ugub ku ah dalka ayaa si fudud u dhaawici karta sumcadda iyo horumarka dadkan iyo dalkan curdinka ah, maadaama muwaadinkan lagu haysto fikirkiisa, oo u muuqda mid uu is-lahaa wax ku tar dalkaaga iyo dadkaagaba.

Tallaabadan ayaa dhanka kale ka turjumi karta musuqmaasuq dahsoonaa oo haatan soo if-baxay. kaasoo la odhan karo waxaa lagaga faa’iidaysan karaa habac-sanaan laga dheehday maamulka sare ee xukuumadda Dr Axmed-Siilaanyo.

Shirkadda TELESOM oo run ahaan ah Shirkad ballaadhan oo sumcad weyn ku leh dalka ayaan tallaabadan oo kale marnaba laga filaynin, balse gadaal ayaa la iska waydiin karaa maqaalkaasi iyo waxyaabahii ku xardhanaa ee ay shirkaddu ka adkaysan wayday.

Mustafe Abiib Maxamed waxa uu ka mid yahay hal-doorka dhalinyarada Somaliland gaar ahaan caasimadda Hargeysa. Waana aqoon-yahan da’yar oo dalkiisa aaminay. Isla markaana fikirkiisii iyo muruqiisiiba ku bixiyey dalkiisa hooyo. Waxaanu haatan xisaabiye sare ka yahay Shirkadda AL-XAYAAT oo dibadaha kasoo waaridda agabka qurxinta guryaha.

Maqaalkan uu Muwaadin Mustafe ka qoray shirkadda TELESOM ee maanta xabsiga loogu taxaabay ayaa todobaadkii tagay kusoo baxay website-yada qaarkood iyo Wargeyska HUBAAL. Waxaana halkan idiinku soo gudbinaynaa maqaalkaasi oo dhamasytiran, kaasoo u qornaa sidan:

Daraasad Ku Saabsan Dakhliga TELESOM & Cashuurta Ku Waajibtay

Telesom ma la odhankaraa sixir-bararka sarifka qayb wayn bay ka qaadataa?
Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?

Telesom faa?iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?

Shirkadda Telesom (BARAKAAT) waa shirkadda isgaadhsiineed waxaana la aasaasay somaliland 2001, wakhtigaa oo suuqa ay ugu sii horeeyeen labada shirakaddood ee kala ah Soltelco iyo STC, oo si dhakhso ah ay kala baxday suuqa, isla markaana 90% gacanta ku dhigtay maacaamiisha Somaliland.

Imika oo ay tahay dabaayaaqaddii sannadda 2012 ka waxaynu odhan karnaa saddex meellood oo laba meelood (2/3) shacabiga Somaliland aya isticmaala telesom siyaabo kala duwan (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G) inaa waxaa soo raaca Adeexa ZAAD bilaa lacag ah,

Laakin adeega ZAAD Telesom faa?iido aad iyo aad u balaadhan ayay ku qabtaa, iyado sababtu tahay ka faa?iidaysashadda dhaman lacagaha shacabka Somaliland.

Lacagta ZAAD wxay ku jirtaa wax loo yaqaan SERVER oo micnihisu yahay KAYDIYE kaas oo la odhan karo lacago gaadhiya malaayin doller oo shacbiggu leehay ku jiraan ama ku kaydsan yihin, isla markaana si fudud ay uga faa?iidaysato kuna shaqaysato Telesom iyadoo aan wax idan ama ogolaasho ka haysan shacbiga Somaliland ee lacagtaa leh ama ay dhididkooda ama xoogoodii ay tahay, si kastaba ha ahaatee waxa la odhan karaa marka laga taggo ka faa?iidaysigaa lacagaha shacbiga ee aan la waydiisan, waxaba shacbiga ka soo gaadhay dhibaato dhaqaale taas oo kala ah sidan:

Sare u kaca qiimaha sarifka doller ka oo maceeshada oo dhami ku tiirsan tahay: Si kooban hadii aynu u tilmaano, markasta oo sarifka lacagta addagi ama dollar ka ahi bato qiimaha sarifku hoos ayuu u dhacaa, isla markana markasta oo lacagi wareeg samaysana dhaqaalle ayay abuurtaa, hadaba ZAAD ku labadaaba uu yareeyay. Hadii mobile kaga uu $10 kugu jiro waxa laga yabaa inad kala baxdo ama aad ka sarifato hadba intaa aad u baahan tahay (hal hal , ama laba laba) kolaba baahidaada, halka markii hore aad $5 ama $10 kaba mar ad wada sarifan jiray, runtii waa hawl fudayd laakin waxa ka badan dhibaatada dhaqale ee tabban ama hoos u dhaca ah.


Shaqo la?aan: iyadoo shaqo laan uu riday dhalin yaro badan oo ka gacasan jirtay adeega Sub-stationka, iibka prepaid vouchers ka.

Hoos u dhac ku yimid lacag sarifashadii dadka, halka markii hore qofka u baahan inuu $2 doller  sarifto uu $10 doller iska sarifan jiray, halkana dadka sarifka ka ganacsdaa faa?iido ka heli jireen isla markana khasaare aanu soo gaadhi jir qof loo sarifay.

Waa dhaqaale aan wax ducmenti ah laynd ama DAMAANAD.

Tusaale hadii manta ay yimaadan qoloyinka loo yaqaa HACKERS ama tuugta intenet ka adeegsata si fudud aya u dhici karaan isla markaana wax cadayn ah oo uu haystaa qofka macmiil ka ahi ma jiraan. Waayo wax loo yaqaan DATABASE ka la isku halaynayo waa wax la khalkhalin karo isla markaana wax la ga badali karo marka HACKING ka lagu sameyo.

Si kastaba ha ahaatee Adeegan ZAAD waa halis laba aff leh oo ku wajahan shacbigan Somaliland.

Shacabka ku nool Somaliland waxa lagu qiyaasaa inta u dhaxaysa 3.5 million ilaa 4 million yar iyo waynba.

Sida aynu hore u soo tilmaanay Shirkada telesom waxa isticmaala saddex meeloodoow laba meelood (2/3) 3.5 milyan wadarta guud ee shacbiga Somaliland oo u dhiganta 1.75 million (1,750,000 qof Hal milyan iyo todoba boqol iyo konton kun oo qof) oo siyaabo kala duwan u isticmaala (land line, mobile GSM, Internet DSL,Internet GPRS iyo Adeega 3G)

Haddaba hadayaynu eegno dhaqaalaha Telesom kasoo gala Somaliland maalintii kaliya oo aynu maskax fayaw ku qiyaasno iyadoo aan ka bad-badini jirin, hadii aynu kaso qaadno cel-celis 1,750,000 qof ay isticmaalaan $0.5 doller malintii qofkiba, oo kii $2 dooler isticmalaya iyo kii inta ka badan am aka yar ba isticmalayay aynu isku celi-celino waxay noqonaysaa sidan:

1,750,000qof x $0.5 isticmalka malinti = $875,000 maalintii.

Markaan leeyahay $0.5 isticmaalka maalinti maha qof waliba $0.5 ayuu ku hadlaa telefon ahan, laakin waa isticmaalka bulshada oo cel-celis ah.

Bishii $875,000 x 30 = $26,250,000 (lix iyo labaatan milyan iyo laba boqol iyo kontonkun oo doolar bishii)

Sannadkii waa $26,250,000 x 12 = $315,000,000 ( saddex boqol iyo shan iyo toban millan oo doller)

Hadaba suaashu waxay tahay Telesom maxay bulshadeeda kusoo celiysaa?

Inta aynaan taa ka jawaabin, Telesom xarumeheeda ugu waa wayni waxy ku yaalaan magaallada Hargaysa caasimadda Somaliland,

Hadii aynu eegno hantida ma guurtadda ah ee ay ku leedahay caasimada Somaliland shirkadda Telesom kama badna laba ama saddex fooq oo kaliya, dhamaan dhismayaasha ay ku jirto ama ay isticmaashaa waa wada kiro marka laga tago xarunta ku taal Biriijka hargaysa ama meelo kale faro ku tiris ah,

Ka shacbi ahaan wax la taaban karo oo muuqda oo ay kuso celisay shirkada telesom ma jiraan marka laga tago meelo ama makhsino yar yar oo ay ka dhistay jamacado wadanka ah, mana jirto shirkadd faa?iido inta leeg ku qabta wadanka o hadana aan waxba kusoo celin dhaqaalle, habase ahatee haddana dhibato dhaqaale ku haysa.
Telesom waxaa la odhan karan waa shirkadd ajaanib ah, marka la eego sida ay faa?iidaada badan uga hesho waddankan Somaliland lana bar bar dhigo sida ay wax ugu soo celiso wadankan ay ka dhisan tahay.

Haddaba hadii intaasi hore ay ku ekayd dhibaatada ay ku hayso shirkadda Telesom shacbiga Somaliland, su?aasha kale waxay tahay Telesom faa?iido maxay u leedahay wadankan soomaliland?

Marka laga tago dhaaqala ka soo gala Telesom carrigga Somaliland, dhinaca kale waxa jira dawlad ka talisa dhulkaa aya ku ganacsato shirkadasi isla markaana ka masuul ah shacbigeeda amaan ahaan, dhaqaale ahaa, maamul ahaan iyo millgo ahaanba.

Haddaba ma la odhan karaa telesom cashuurta ku waajibtay si hagar la?aan ah ayay u bixisaa iyadoo indhaha laga qarsanayo dhibkaa sare aynu ku xusnay?
Jawaabtu waa maya.!!!.. waayo?
Cashuuraha ay qaado dawladu waxaa ka mid ah si kooban markan u shego anoo aan halkan kusoo dhamays tirayn:

1.       Cashuurta dakhliga (Income tax)
2.       Macaashal macaash oo sanadle ah
3.       Cashuurta iibka (sales tax)
4.       cashuuraha biilasha (billing tax),
5.       ruqsadda (license)
6.       cashuurta kirada taawarada (towers),
7.       cashuuraha qalabka shirkaddu soo iibsato
8.       cashuurta shaqaalaha (payroll tax)
9.       cashuuraha dowladaha hoose (municipality taxes)

Tusaale gaaban, hadii sidda aynu sare ku soo xusnay uu yahay macaamiisha ku xidhan telesom ay yihiin 1,750,000 qof aynu ku dhufano  istimcaalka qofkiiba $0.5 cel-celis maalintii ( kii $10 ama $0.2 isticmaalayay la isku cel-celiyo) waa (1,750,000 x $0.5 = $875,000 maalintii, hadab waxaynu kusii dhufanaynaa qiimaha cashuurta iibka oo ah 5% = waa $43,750 cashura maalintii

Bishii waxay noqonaysaa $43,750 x 30cisho = $1,312,500

Sannadkii $1,312,500 x 12 = $15,750,000 (shan iyo toban millan iyo todoba boqol iyo konton kun oo dollar) sannadki wa cashuur kaliya oo ka mid ha cashuuraha ku waajibay Telesom.

Waana cashuuraha ugu yare e laga qaado shirdadaha ama ganacsigga wadanka, waxa jira qaar badan oo kasii wayn laakin tan waxan usoo qatay waa cashuraha yar yar .
Ma la odhan karaa cashuurahaa xaddigaa intaa leeg ah ayay Telesom bixisaa oo ay dawladda u shubtaa?

Mase tahay biilasha isgaadhsiinta wasaaraduhu inay intaa noqonayaan?

Haddaba gunaanadku wuxuu yahay shirkadda Telesom dhibaatadda ay ku hayso dadkeeda waxaa sii dheer dhibaatada ay ku hayso dalkeeda, Telesom waa GOFANE ku dhagan dalka iyo dadka Somaliland.

hadii ay shirkada Telesom sidan wax ka badali waydo, ama ay shacbigeeda iyo dawladeeda hadh iyo habeenba amaankeeda ilaalisa wax kusoo celin wayno runtii maaha wax sii jiri kara ama si fudud ayay uga bixi kartaa suuqa isgaadhsiineed ee ay ku jirto.”


Cadaymo ku wajahan wararka been abuurka ah ee laga faafiyay dugsiga Abaarso Tech


Ardayda Dugsiga Abaarso Tech, ayaa tafaasiil ka bixiyay hadimooyin iyo been abuur uu dugsigaasi ku suul daarayo Axmed Xuseen Ciise oo ka mid ahaan jiray Gudida sare ee maamulka dugsigaasi.

Qaar ka mid ah Ardayda Abaarso Tech iyo Macalimiintooda
waxa sidaasi lagu sheegay war-saxaafadeed ay maanta soo saareen ardayda Dugsigaasi waxaanay kaga warameen dacaayado aan sal lahayn oo Axmed Xuseen Ciise u mariyo qaar ka mid ah warbaahinta.
War-saxaafadeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaad arkaysaa nin intuu shalay raganimo muujiyay maantana raadkiisii dib u baabi’inaaya. Waxaa arrinkaa tusaale xaadira u noqday Axmed Xuseen Ciise , mulkiilaha Waaheen news, oo inta uu arrin faa’iido badan door laxaadle ka ciyaaray, haddana markay midhihii soo go’een u tafaxaytay inuu waxaan jirin ka dhigo.

Axmed wuxuu door xusid mudan ka ciyaaray asaaskii dugsiga Abaarso Tech. Wuxuu ahaa ninkii soo hogaamiyay Jonathan Star si uu hantidiisa ugu bixiyo dhisidda dugsi la mida dugsiyada waxbarasho ee caalamka.

Axmed Xuseen iyo Jonathan waxay si wada shaqayn fiicana ku bilaabeen dugsigii. Jonathan wuxuu ahaa maamulaha guud ee dugsiga, halka Axmed-na ahaa madaxda sare ee gudida iskuulka . Gudida dugsiga shaqadeedu waxay tahay inay dadka Soomaalida ah iyo dugsiga isku xidhaan. Taas oo sahlasay inay macalimiinta ajaanibka ahi la qabsadaan dhaqanka dalka, iyo in dadka Soomaalida ahi hanti ku bixiyaan dugsiga. Markaa Axmed shaqadiisu waxay ahayd inuu dhexdhexaad u noqdo dadka iyo dugsiga taas oo uu bilawgii horumar ka sameeyey.

Ilaahay mahadii dugsigii wuu dhismay oo wuxuu gaadhay heer cajiiba dhinaca waxbarshada. Macalimiin aqoon sare leh ayaa laga soo kaxeeyey wadamada sida Maraykanka, Canada, iyo Ingiriiska.
Waxaa sidoo kale yimid macalimiin Maasaariya si ay u dhagaan diinteena suuban iyo luuqada carabiga halka macalin Sheekh Cabdi Wahaab-na ilaahay ha ka Abaalmariyee uu ardayda habeenkii quraanka baro. Isku darka intaasi waxay soo saartay arday aqoon dhamaystiran leh.

Sidoo kale wuxuu iskuulku heer aad u wanaagsan ka gaadhay dabbaqida diinteena macaan iyo dhaqankeena Soomaaliga ah. waxaa la sameeyay gudi arday ah si ay macalimiinta ajaanibka ah u fahansiiyaan dhaqankeena kuwaas oo ay gudi waalidiinina la shaqaynayaan.

Waxa la sameeyay sharciyada ugu adag ee dugsi yeelan karo gaar ahaan dhinaca labka iyo dhadiga, mukhaadaraadka iyo waxii la mida. Waxa la dhisay oo la dhamaystiray masaajidkii si ay ardaydu ugu tukadaan macalinka quraankuna ugu bixiyo duruus.

Waxa lala dagaalamay waxkasta oo dugsiga sawir xun ka bixin kara maadaama ay barayaashu ajaanib u badan yihiin, waana lagu guulaystay qodobadaasi intoodii badnayd.
Waxa ugu muhiimsan uu dugsigu gaadhay ayaa hadaba ahaa inuu adduunka u soo bandhigo agoonta ardayda Somaliland. Sanadkii 2011 ayuu dugsigu ardaygii ugu horeeyay u diray dugsi caalamiya oo ku yaala wadanka maraykanka.

Qaar ka mid ah Ardayda Abaarso Tech
Wax yar ayaa aaminsanaa inuu arday meelaha adduunka waxbarashadu ugu liidato ka yimid uu la qabsan doono dugsigaas oo urursada ardayda ugu fiican adduunka. ILAAHAY mahadii, ardaygii wuxuu aqoon ahaan ka mid noqday ardayda laga qadariyo dugsigaas.

Wuxuu sidoo kale guulo wax ku oola ka soo hooyay dhinaca sportiga sida legdinta iyo orodka. Taasi waxay keentay inay dugsiyo kale xiiseeyaan ardayda Soomaalida, taas oo fursad u siiyay 6 lix arday oo kale inay deeqo waxbarsho ka helaan wadankaa sanadkii xigay.

Lixdii arday ee tegay sanadkanina waxay noqdeen layaab kii hore ka daran. Maxamed C/Raxmaan oo ka mid ahaa ardaydaa ayaa heer layaab cidkastaba ku noqotay ka gaadhay orodkii, halka gebi ahaanba lixdii arday waxbarashadii mucjiso ku noqdeen.

Maxamed wuxuu hada laba minute oo kaliya ka hooseeya Maxamed Farah orodka shanta kun ee mitir, waana 17 jir. Sidaa darteed waxay cidkastaaba xiisaysay ardaydii, oo la filayo inay in ka badan 20 arday deeqo waxbarsho helaan sanadkan.

Hadaba, waxa layaab ku noqotay cidkasta oo arrinka dugsiga u dhuun dalooshaba, inuu Axmed Xuseen quudhi waayo horumarka dugsiga iskuna dayo inuu meel uu iska leeyahay ka dhigto.
Wuxuu doonay inuu sameeyo xeelado uu macalimiinta iyo maamulaha ajaanibka ah kaga diro dugsiga, si uu dano gaar ah ugu isticmaalo.

Wuxuu ka bilaabay inuu macalimiinta iyo shaqaale hoosaadka dugsiga isku diro, ka dibna wuxuu u diga rogtay inuu dhinaca dawlada ka soo wareego. Nasiib wanaag isku dayadaas oo dhami way u shaqayn waayeen, hase ahaatee hada ayuu tii ugu darnayd la yimid. Isagoo og sida dadkeenu uga dareen qabaan waxyaabaha diinta ka soo horjeeda, ayaa waxa uu warbaahinta u isticmaalayaa siiba qaar ay xidhiidh leeyiin inuu dadka iyo dugsiga isku diro kuna sheego dugsiga meel kiristaanka lagu barto. Kaba sii darane’ wuxuu urursaday ardaydii dugsiga ka tagtay ama laga eryay dhaqankooda awgii isagoo u balan-qaadaya inuu deeq waxbarasho iyo lacagba siinayo haddii ay meesha la xoreeyaan.

waa nasiib-daro laakiin Axmed waxyaabo badan ayuu ilawsan yahay. waxa uu ilawsan yahay meelka dhaca uu ku hayo waalidiinta sharafta leh ee ardayda, dawlada Somaliland, ardayda wada qaan-gaadhka ah ee dugsiga dhigata iyo cid kastoo Soomaalinimo ku caawisay dugsiga. Waxa uu ilawsan yahay meel ka dhaca uu ku hayo waalidiinta ardayda, maxaa yeelay wuxuu ku tilmaamay qayral masuuliyiin marka uu leeyay caruurtiinii oo la gaalaynayo ayaad daawanaysaan.

waxa uu hilmaamsan yahay khaladka uu kula kacayo dawlada marka uu leeyay dugsi kiristaan ayaad u ogolaateen dalkii aad u dhaarateen inaad diintiisa iyo dhaqankiisa ilaalinaysaan.

Wuxuu meel kaga dhacay ardayda, waayo ardaydayda dhigata dugsi sare waa wada qaan-gaadh inaad tidhaahdo aynigaas baa la idinku gaalaysiinayaana waa meel ka dhac.

Waxa uu meelkaga dhacay dadkii maal iyo wakhtiba ku bixiyay hirgelinta dugsiga oo uu isna ku jiro. Taas oo noqotay wax maskaxdu qaadi kari waydo.
Dugsiga Abaarso Tech
Hadaba, Axmed waxaanu xagan ugu soo jeedin lahayn haddii aanu nahay ardayda dugsiga sare ee Abaarso Tech inuu aakhiradiisa u tudho. Waa wax la arki jiray inuu qof hungiri galo laakiin wadadda aad u maraysaa khatar badan ayaanu odhan lahayn.

Waxaad sababsankartaa nolosha dad bini aadama oo aan waxba galabsan haddii aad kicintan sii wado. Waxaanu dad waynaha sharafta lehna ka codsanlahayn inuu qof kastoo doonaya inuu runta ogaadaa yimaado dugsiga indhihiisana ku arko waxa ka socda wixii tallo ah ee uu hayana ku darsado.”

Sunday, December 23, 2012

Tropical storm Four is forecast to strike Somalia at about 06:00 GMT on 25 December


Tropical storm Four is forecast to strike Somalia at about 06:00 GMT on 25 December.Data supplied by the US Navy and Air Force Joint Typhoon Warning Centersuggest that the point of landfall will be near6.9 N,49.7 E.Four is expected to bring 1-minute maximum sustained winds to the region of around 74 km/h (46 mph).Wind gusts in the area may be considerably higher.
This cyclone was moving westward at about 18 mph. Some slight strengthening is possible through Monday morning before weakening will occur. This strengthening could allow the system to become a moderate to perhaps strong tropical storm briefly.

Rainfall from this system will likely reach Somalia starting Monday afternoon and will continue through Tuesday. Rainfall amounts will generally average 2-4 inches (50-100 mm), with local amounts exceeding 6 inches (150 mm). 

For some areas, this would approach or even equal the normal annual rainfall.
Widespread strong winds are not expected to impact Somalia as the system is expected to weaken, perhaps even dissipate, prior to making landfall early Tuesday. Still, a few wind gusts of 30-40 mph (50-65 kph) may occur, especially at the coast.

The information above is provided for guidance only and should not be used to make life or death decisions or decisions relating to property. Anyone in the region who is concerned for their personal safety or property should contact their official national weather agency or warning centre for advice.

A satellite image of Tropical Cyclone 4 in the Indian Ocean. This image comes courtesy of the US Navy.

This alert is provided by TropicalStorm Risk (TSR) which is sponsored by Aon Benfield, Crawford & Company and University College London (UCL).



Somaliland: Jealous Individuals Spread Hate and Lies About Abaarso Tech


Last year Abaarso Tech got over $500,000 worth of scholarships for its students to study in America.  These students have since performed incredibly well leading other American schools to take interest in Somali students.  The highlights of the Abaarso Tech students’ performance in America include:


Mohamed Abdirahman Hussein placing 3rd overall in the NEPSTA Division I New England Cross Country Championships.  He also won his school’s historic Pie Race.  Mohamed’s American school, Northfield Mount Hermon, is now receiving calls from top American universities wanting to make sure Mohamed comes to see their campus.

Results of the New England Championships: http://www.coolrunning.com/results/12/ct/Nov10_NEPSTA_set1.shtml

Story about the Pie Race: http://www.nmhschool.org/news/running-pie-race

Another Track Success for Mohamed Hussein

http://trackandfield.nmhblogs.org/2012/12/03/mohamed-hussein-14-at-914-3000m-alden-invite/

Deka Abdirahman Aden who not only is excelling at an extremely challenging academic schedule which includes 3 Advanced Placement courses, but who also recently spoke at a fundraiser which led to $60,000 being raised for a new Somali school for girls.  At this fundraiser, Deka met the governor of Massachusetts.


Naima Fuad Caydiid is so well liked by the administrators of the elite Taft School, that Taft has introduced Abaarso Tech’s Headmaster, Jonathan Starr, to other scholarship granting schools and organizations.

Despite all this, on the very day that Jonathan Starr returned to Somaliland after trying to secure still more scholarships for Somali students, a particular individual and his organization started a hate campaign against Abaarso Tech, its headmaster, its staff, and its students.  In these past 8 days, this well-known individual has used his media sources to falsely claim that Abaarso Tech is anti-Islam.

Abaarso Tech’s parents and supporters have defended the school making it clear that they are well aware that Abaarso Tech is run as a proper Islamic school.  In fact, a powerful religious group recently visited the school and told the students that Abaarso Tech was run in a more Islamic way than even most Somali run schools.  It is clear to anyone who actually knows Abaarso Tech that the school is supportive of the Somaliland Islamic society and the administration sets proper rules for the students and teachers to follow.



Unfortunately, the individual who is trying to destroy the reputation of the school will stop at nothing to do so.  He has published lies including falsely claiming that one of Somaliland’s most respected men was removing his child from the school.  The truth was the exact opposite as that parent is supporting the school more than ever before.  This individual is putting up pictures of our students in America and claiming they are against Abaarso Tech and its headmaster, even though these students swear in writing and in person that this is an absolute lie.  This individual behind the attacks on Abaarso Tech has even used his own university students and paid staff to make horrible claims that Abaarso Tech has insulted Islam.  They claim that our Egyptian teachers and Islamic teachers couldn’t stand how the school was run so they left, despite there being absolutely no truth to that story.  Our Egyptian teacher remained at school for 2 years as has our Islamic Studies teacher.  As Abaarso Tech’s parents have made clear, there is no truth behind these claims that Abaarso Tech is anti-Islam.  Abaarso Tech is even aware that this individual has offered “everything you want” to former Abaarso Tech students in return for the students making up lies about the school and its management.  After receiving that offer, one of these students even went on TV saying that the girls at Abaarso Tech don’t wear headscarves.  This is a blatant lie and everyone who has been to Abaarso Tech or has seen the students knows that.   They are even spreading misleading half-truths where they leave out essential parts of the story.  For example, the webmaster for this individual’s university went on TV saying that Abaarso Tech teachers told him to take down his university’s website.  This is true but misleading.  This man’s university was using the “Abaarso Tech” logo and the Abaarso Tech name in a way that would confuse potential teachers, donors and students.  The teacher told the Webmaster to take down the website because it was blatantly violating Abaarso Tech’s rights.  The Webmaster is just angry that the Abaarso Tech teacher refused to pay him money to do it.


Abaarso Tech is reporting all of these hate-spreading lies to the proper authorities both in Somaliland and overseas.  It seems that many media organizations are now rejecting attempts to display these false messages of hate, and Abaarso Tech applauds them for doing so.  However, there are still some in the media who are reporting these hate messages without checking the facts.  Anyone doing so is showing they are not truly a proper media source.  Media integrity must exist in a time of hate spreading propaganda.

These are the facts: Abaarso Tech has rules and regulations to respect the Islamic religion, and any student or teacher who breaks those rules faces punishment.  Abaarso Tech has the support of its parents and students.  Abaarso Tech requires girls to cover their hair in public at all times.  Abaarso Tech teaches Arabic and Islamic Studies and all those teachers have stayed in the school through their contract terms.  Abaarso Tech has a large and beautiful mosque on campus.  Abaarso Tech teachers sign contracts that they will not teach other religions and they will respect Islam.

The saddest part of this situation is how much time and energy Abaarso Tech must spend dealing with these hate attacks, instead of teaching students and working to get them scholarships.  It is possible that this distraction has cost Abaarso Tech students’ opportunities for their future.

Source: A T

Somaliland: Berbera Demonstrates in Support of Fired Governor


By: Yusuf M Hasan

Port city business at a standstill as residents protest the sacking of Sahil governor.

Berbera town was the scene of major demonstrations by mainly youthful residents who were protesting the unexpected sacking of Sahil regional governor Mahmud Ali Suleiman.


The former governor popularly known as Ramah was fired by the head of state last night and Mr. Ali Mohamed Elmi appointed as in replacement.


While engulfing the port town with smoke from burnt tyres the peaceful demonstrators who were in their thousands chanted songs in praise of Ramah and others beseeching the head of state to reinstate him.

The sacked governor who later on facilitated the cooling of tempers and subsequent dispersal of the demonstrators held a press conference in which he urged residents of Sahil region to stop the protest on his behalf as his former post was a public office to be occupied by any Somalilander with capabilities.
Although the demonstrations were not licensed by the ministry of interior

Apart from burning tyres and rowdy chanting by the protestors, the unlicensed demonstrations ended without any reported incidence as related to violence or injuries