Search This Blog

Monday, December 17, 2012

Hay’addaha Amniga Somaliland oo ku Fashilmay inay qabtaan Umu Shabaab oo Somaliland lagu sheegay, baadhista Qoyskii Reer Boramana ku Hungoobay




Saturday, December 15th, 2012 

RRU-da, SPU, Interpol, CIA iyo FPI-da oo ku Guul-daraystay Dabagalkii iyo qabashadii Hooyadda Shabaabka


Hargeysa(Waaheen) Hay’addaha Amniga Somaliland oo toddobaadkan ku qaday magaaladda Boorama ee Gobolka Awdal ayaa ku fashilmay Hawl-gal ay ku beegsanayeen Haweenay lagu magacaabo Umu Shabaab(Hooyadda Al-shabaab), taasoo ay raadinayeen Ciidamadda Sirdoonka maraykanka iyo Ingiriisku FBI iyo CIA oo ay weheliyaan Booliiska Caalamiga ah ee Interpol , kuwaasoo sitay Waaran qabasho ah oo Caalami ah, waxaanay Hawl-gal ay ku sameeyeen Guri ku yaala Magaaladda Boorama oo ay u filayeen inay ku jirto ku soo qab qabteen Saq-dhexe oo ay u daateen Dumar kale iyo Carruur.

Hawl-galka ay kooxdani ku Guul-daraysatay oo dhacay horaantii toddobaadkan ayay badhistiisii wali ka socotaa Hargeysa, waxaana ka qayb qaadanaya Ciidanka Baadhista Danbiyadda ee Somaliland iyo Kuwa Maraykanka iyo Ingiriiska, hase yeeshee xogo Waaheen heshay ayaa sheegaya qaar ka mid ah qoyskii ay Ciidamadaasi Boorama ka soo kaxeeyeen in la sii daayay kadib markii ay waxba ka cadaan waayeen, balse waxa ay wali ku hawlan yihiin Haweenaydii Gurigaas deganayd oo ah Hooyo da’ ah oo waliba xanuunsanaysa, isla markaana dhalasho ahaan ka soo jeeda Muqdisho muddo badana daganayd Boorama.

Gabadhan ay haystaan ee ay baadhayaan ayaa wakhti hore ka soo guurtay Dalka Maraykanka waxaanay degtay magaaladaasi kadib markii ay Amaanka Muqdisho u badheedhi kari weyday, balse Ciidamadda Sirdoonka Maraykanka iyo kuwa Ingiriisku waxay u haystaan inay tahay Haweenaydan ay doon doonayaan ee la yidhaahdo Umu shabaab, taasoo la sheegay inay sidato baasaabooro Ingiriis iyo kanadiyaan ah oo ay ku socdaasho.

Warkan waxa uu Wargeyka Waaheen ku daba joogay tan iyo intii ay Ciidamadda Amniga Somaliland ku soo qabteen Qoyskaasi, hase yeeshee Xogo dheeraad ah waxa uu ka helay kadib markii uu Taliyaha Ciidanka Baadhista Danbiyadda CID-da Daahir Muuse Abraar uu Tafatiraha Wargeyska Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac ugu yeedhay Xarunta danbi baadhista, isagoo Waaran Qabasho ah oo uu Maxkamadda Gobolka Hargeysa ka soo qaatay u hayay.

Tafatiraha Waaheen oo booqday Xarunta Baadhista Danbiyadda ee CID-da aroornimadii ayaa kula kulmay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska, kuwaasoo ku guda jira baadhista Dacwada gabadahaasi loo haysto inay tahay Umu shabaab, iyadoo ay goob jog ka ahaayeen Taliyaha CID-da iyo Saraakiil kale, balse wakhtigaasi waxa uu Tafatiruhu fursad u waayay inuu la kulmo Taliyaha CID-da ee u yeedhay.

Afartii galabnimo ee isla maalintaasi oo Khamiistii ahayd ayuu hadana Mar kale Taliyaha CID-du u yeedhay Tafatiraha Waaheen iyadoo ay isla wakhtigaasi xarunta ku sugnaayeen Ciidamadii Sirdoonka ee Ingiriiska iyo Maraykanku, waxaanu la kulmay Taliyaha kaasoo ku Amray in uu ka jawaabo Dacwad uu Qaranku dhibane ka yahay oo loo haysto, wakhtigaasi oo ahayd Salaadii Casar kadib ilaa iyo Maqribkii isagoo intaasna la socday Hawl-galka Kooxdaasi kale ee Maraanmaraysa Haweenaydaasi.

Ilaa hada ma cada Baadhista Kooxdaasi halka ay ku danbaysay, hase yeeshee xogo dheeraad ah oo Waaheen ka helay arrintaasi kadib markii aanu dabagal kale ku samaynay ayaanu ku helnay in ay baadhistii Gabadhaas lagu waday dhamaatay isla xalayba kadibna ay waji Gabax kala kulmeen balse wax Natiijo ah oo ay ka soo saareen ma jirto.

Hawl-galkani maaha kii koowaad ee Somaliland iyo Ciidamadda Sirdoonka ee la shaqeeya ee maraykanka iyo Ingiriiska ee ay ku fashilmaan Hay’adaha Amniga Somaliland, balse inta la ogyahay waxa dhacay hawl-galo sidan oo kale la yidhi waxa lagu baadi goobayaa kooxo Argagixiso ah, kuwaasoo ay dhamaantoodba hagayeen Ciidamo shisheeye ahi, isla markaana ay kuwa Somaliland fuliyayaal ka ahaayeen, balse waxay dhamaantoodba ku danbeeyeen fashil.

Hawl-galadaas waxa ka mid ah mid lagu galalafay Guriga Agaasimaha Waaxda Ganacsiga ee Wasaaradda Ganacsiga Somaliland Aadan dhagax, kuwo kala danbeeyay oo lagu qab qabtay dhawr xaafadood oo ku yaala Axmed Dhagax, iyo mid xafadda New Hargeysa ay ku soo qab qabteen Macalimiin wax ka dhiga Madarasado ku yaala Hargeysa iyo kii ugu danbeeyay ee ay ku qabteen nin Dhago cuslaa oo ay ku sheegeen inuu ahaa Ibraahim Af-gaanistaan.

Dhaman Hawl-galadaasi la qaaday waxay ahaayeen kuwo laga badbadayay oo lagu qaaday Guluf Ciidan, waxaanay sababeen khasaare ay siyaabo kala gedqaaday toona wax Mag-dhaw ama raali-gelin ah midna kamay bixin.

Ururka Suxufiyiinta Solja oo Cambaareeyay Maxkamaddii Amartay Xadhigii Tifatiraha Waaheen




 “Maxkamadaha Somaliland waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland”  SOLJA

Hargeysa(Waaheen) Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa shalay oo Jimce ahayd soo saaray qoraal ay ku Canbaaraynayaan Maxkamadda Amartay Xadhigii Tafatiraha Wargeysa Waaheen Maxamud Cabdi Jaamac ee ay kula kaceen Ciidanka Baadhista Danbiyadda CID-da, kuwaasoo khamiistii ku xidhay Xaruntooda, iyagoo ku xidhay Waaran uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Duraan soo siiyay.

Sidoo kale, Ururka Suxufiyiinta Somaliland waxa uu Canbaaraynayaa xadhiga noocaas ah oo aan noociisa hore loo arag, iyagoo sheegay in ay qalad tahay War masuulkii ama qofkii baahiyay uu Cad yahay in Suxufi lagu xidhaa.

Warsaxaafadeedka Solja waxa uu u dhignaa:-

Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee solja wuxuu wax lala yaabo ku tilmaamayaa warka  maanta  salaadii casar loogu xidhay tafatiraha wargayska waaheen maxamuud cabdi jaamac (xuuto) xarunta c.i.d  ee magaalada hargeisa ,

Warkaas oo ah inuu wargaysku baahiyay shir jaraa’id oo khamiistii dhawayd ay qabteen difaacayaasha xuquuqal insaanka Somaliland xaflad lagu xusayay  maalinta xuquuqal insaanka dunida oo ka dhacday huteelka xaraf ee magaalada hargeisa  sida ay u sheegeen ururka Suxufiyiinta ee solja goobjoogayaal xadhiga tafatiraha in taliyaha CID-du markuu u yeedhay uu tusay waaran qabasho ah oo maxkamdeed iyo warkii lagu soo eedeeyay oo joornaalkii ku qoran ,halkaana uu ku xidhnaanayo ilaa maalinta sabtida oo maxkamada la gayn doono ,

Inkastoo taliyaha CID-du beeniyay inuu tafatiraha xidhay mar uu caawa ururka solja khadka tilifoonka kula xidhiidhay balse wuxuu  yidhi taliyuhu “waan u yeedhay oo wax ayuun baan waydiiyay oo sabtida  ayaan ku idhi igu soo noqo

Si kastaba ha ahaatee ururka solja wuxuu canbaaraynayaa xadhiga tafatiraha wargayska waaheen Maxamuud Cabdi Jaamac oo aan noociisa hore loo arag war qofkii sheegay joogo in wargays lagu qabsado maxaad u baahisay  dhinaca kale ururka solja wuxuu canbaaraynayaa maxkamada soo amartay qabashada tafatiraha wargayska waaheen  ee ay ahayd inay yeedhmo usoo dirto maadaama oo aanu weriyuhu dalka ka baxsanayn iyadoo aanay jirin yeedhmooyin hore oo uu ku iman waayay tafatiruhu

Ugu danbayntii  maxkamadaha Somaliland iyo garsoorkaba waxaanu ka codsanaynaa inay ogaadaan inay u dhexeeyaan wariyayaasha iyo xukuumada Somaliland

ALLAA MAHAD LEH
M.RASHIID MUXUMED FARAX
XOGHAYAHA GUUD EE URARKA SOLJA

Itoobiya Oo Daahir Rayaale U Xulatay Masuulkii Ugu Mudnaa Ee Uu Meles-sanewi Madaxda Shanta Somaliyeed Kala Kulmay




Sawiradda Madaxdii Adduunka Ee Meles Zenewi La Kulmay Intii Uu Noolaa Oo Addis-ababa Lagu Soo Bandhigay Iyo Daahir Rayaale Oo Somalida Kaga Jira

ADDIS ABABA (Waaheen) – Wasaarada arimaha dibada ee dalka Ethiopia ayaa ku soo bandhigtay badhtamaha Magaalada Addis Ababa sawiro aad u faro badan oo ah Madaxweynayaasha caalamka, Reysal Wasaarayaal & madax kale oo adduunka miisaan ku leh sida xoghayayaashii Qaramada Midoobay u kala dambeeyay, sida Kofi Annan & Ban Ki Moon, kuwaasi oo uu mid mid ula sawiran yahay Reysal Wasaarihii dalkan Ethiopia ee geeriyooday Melez Sanawi.

Daahir Rayaale Kaahin
Sawiradda masuuliyiinta la sawiran raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya ayaa wasaarada arimaha dibada Ethiopia ay ku sheegtay inay yihiin dadkii ugu qiimaha badnaa uguna miisaanka cuslaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi, loogana jeedo xasuus iyo qiimayn loo samaynayo Raysal-wasaarihii hore ee dalkaasi.

Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa ah qofka keliya ee Madaxdii Meles Senaawi Somalida kala kulmay guud ahaantood lagaga soo daray sawiradaa lagu sheegay inay yihiin dadkii ugu qiimaha badnaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi.

Goobta sawiradan lagu soo bandhigay oo ah garoonka weyn ee dabaal dega ee Magaalada Addis Ababa ayaa Wariye Barkhad Cadillaahi Maxamed oo ka tirsan bahda Oodweynenews.com kula kulmay dad aad u badan oo Itoobiyaan ah oo daawanaya sawiradaasi, gaar ahaan iyagoo isha ku hayey sawirka Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin oo mararka qaar ay ku soo xoomayeen dad badan oo doonayey in ay arkaan.

Qaar kamida dadkii Ethiopianka ahaa ee sawirkaa daawanayey oo Wariyuhu weydiiyey inay garanayaan qofka uu yahay ayaa si fudud iigu sheegay inuu yahay Madaxweynihii hore ee Somaliland.

Haddaba arinta muhiimka ah ee la is weydiin karo ayaa ah Reysal Wasaarihii hore ee dalka Ethiopia Melez Sanawi waxa uu la kulmay madax aad u faro badan oo Soomaali ah, sida Madaxweynayaashii u kalla danbeeyey Maamuladii ku meel-gaadhka ahaa ee Koonfurta Somaliya, Puntland iyo weliba
Madaxweynayaashii soo maray Somaliland, laakiin xukuumada dalka Ethiopia sawiradan ay soo bandhigtay oo fagaarahaa lagu soo dhejiyey markii uu gerriyooday Melez Sanawi ayaa qofka kelliya ee ay kaga soo dareen dadka afsoomaaliga ku hadla oo dhan uu noqday Madaxweynihii hore ee Somaliland Mdane Daahir Riyaale Kaahin.

Dadka reer Somaliland oo aragtiyo iska soo horjeeda ka qabba Madaxweyhihii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin ayaa haddana dowlada Ethiopia oo ah dowlad awood badan oo siyaasadeed & Mid dhaqaale ku leh geeska Africa ay u doorteen inuu ka mid yahay dadkii ugu qiimaha & Mudnaanta badnaa ee uu la kulmay Reysal Wasaare Melez Sanawi.

Marka laga hadlayo dadka afka Soomaaliga ku hadla ee uu la kulmay melez Sanawi ayaa waxaa iyaduna mid la is weydiiyo ah Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo xidhiidh aad u dhow la lahaa dalka Ethiopia & Reysal wasaare Melez Sanawi, kaasi oo aan ku jirin sawiradaa ama aan lagu soo darinba.
Wariyaha ayaa tilmaamaya in sawirada uu halkaasi ku soo arkay ay ahaayeen kuwo aad looga soo shaqeeyay oo aad u qurux badan, waxaana maalin kasta safaf dhaadheer ugu jira dad itoobiyaan iyo Caddaan ah oo sawiro ka qaadanaya Sawiradan.

Sawiradan Madaxda Somalida lagaga soo daray Daahir Rayaale Kaahin, ayaa muujinaysa miisaanka siyaasadeed uu Madaxwaynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, ku lahaa Itoobiya iyo Mandaqada, maadaama oo guud ahaan Madaxda Somalida oo dhan isaga loo xushay inuu yahay Masuulkii ugu mudnaa ee uu Meles Zenewi kala kulmay Somalida.

Fresh Violent Rallies Started two main villages in Hargeisa after Election Commission published the final results of Moroodijeex region



SEVERAL hundreds of youth massed in Ida’ada neighborhood of Hargeisa on Sunday to protest against changes to the disputed Municipal Council election results.


The National Election Commission (NEC) on Friday published the final results for Hargeisa district elections after a recount following the rejection of earlier publications. The recount of Hargeisa’s main municipalities threw up some interesting results but directly affected four Councillors and two political associations. The new data showed a reduction of almost 7 percent to the 6th December 230,000 voters.

Two Councillors previously elected according to the NEC’s preliminary results failed to retained their seats after the recount and this reverse has sparked the latest protest.

The two previously declared winners, Fuad S. Abi and Khadar H. Ali, were elected from the Ida’ada municipality. They immediate replacement by the NEC has angered the residents and backers from the northeast neighborhood.

The youth who demonstrated burnt tires and blockaded several roads with stones before they were dispersed by security forces.

Political tensions have surged in Somaliland following the recent district and council elections that many rejected as fraud.

At least ten people have been killed by security forces since the Nov. 28th vote. The results for Marodi Jeh region, Sanaag and Sool are yet to be made public due to massive disputes. The most serious case is said to be that one surrounding Erigavo Municipal Council, the provincial capital of Sanaag. The NEC office has been shelled with live ammunition several times by armed men and are refusing to the let the commission transport the results back to Hargeisa.

A record number of 2,368 candidates are contesting the polls.


Unlike last week’s demonstration that left more than three dead, no serious violence has been reported in the latest protest in the capital thus far.

"Letters From Somalia": Dreams of Education in a War Torn Land


By Rohini Bhaskar



Maryam, a doctor in charge of an SOS clinic
in Badbado. Photo courtesy of Jens Honore.
12/14/2012: Once upon a time, Somalia was one of Africa’s most prosperous and thriving commercial centers. However, because of an ineffective government, civil war, famine and disease, it has become the world’s poorest and arguably most violent country. In the face of famine and poverty, people have been fighting cholera, diarrhoea and HIV.  Around 40% of Somalis need humanitarian assistance. Mogadishu, the capital of Somalia is home to 1.3 million. The SOS Children’s Village in the capital city faces extreme challenges due to the country’s highly volatile environment. Extreme violence in 2011 caused families and children from the SOS Village to be displaced from their homes and moved into neighboring safe zones. Roadblocks by various forces and militia made free movement impossible. Children couldn’t attend school, colleges were not accessible to the youth and the sick were left uncared for.

But even in the face of such terror, the people of Somalia remain strong and brave, and wish for their children to become educated. They are strong-willed and determined to make sure their children lead normal lives. Children have dreams and aspirations, despite living in such unfavorable conditions.

"Letters from Somalia"

“Letters from Somalia” was part of a class exercise that a number of children and youth from the SOS Children’s Village Mogadishu participated in it. Below are excerpts that provide a remarkable insight into this community of resilient, extraordinary people.

Students learn the alphabet in
a child friendly space at the Badbado IDP camp
 in Mogadishu. Photo courtesy of Ms. Hilary Atkins.
In a small rented home filled with SOS children and other families, Ali, a 14-year old emerges. Ali’s mother repeats her mantra to him, “education is the key to life”.  Ali’s mother and a lot of other mothers have put on a brave face to shield their children from the fears and concerns they all share. Thus Ali’s dream lives on. He dreams of becoming a doctor.

Hoping to maintain a normal routine for children, the SOS Village director Osman Shukri planned well in advance with SOS Mothers, teachers and colleagues, alternative places to conduct classes and lectures. He did not want education to be disrupted at any cost.

Ali’s friend Ahmed emerges from a tiny overcrowded room and says proudly “I take 12 subjects like; chemistry, physics, math, English, Arabic, biology, geography, history, Somali and computer studies.”

A malnourished child at the SOS Emergency clinic
 in Badbado, Somalia. Photo courtesy of Jens Honore
Fatuma, who attends college half an hour away, is happy that her education has not been disrupted. The upheaval of the past two decades has prevented many people from completing their education, especially women. This will not be the case with Fatuma who takes inspiration from her best friend in school. “We help each other as friends” says the 17 year-old who is considering her career options. Attending the Nursing School at the SOS Vocational Training Centre is on her list.

Gunfire, shelling, violence, war and disease have not been able to shake the will-power and determination of these Somalis. The hopes of children to return to their homes will soon become a reality. The SOS facilities are undergoing repair and will be able to welcome its children and Mothers back in 2013.

Sunday, December 16, 2012

Family's plea over Somaliland custody death


The family of a man who died in police custody in East Africa is demanding answers about his death.
Abdullahi Ibrahim, 43, from Bow in east London, who was diagnosed with schizophrenia, died on a visit to an area called Somaliland.
He died on 28 November, hours before he was due to stand trial for running over a police officer.
BBC London has been unable to contact the authorities in the self-declared independent Somaliland for a response.
Mr Ibrahim's family said local officials were looking into the case.
His daughter Khadra, 26, said: "He was the most generous man you could come across.
Faxed medical records
"He helped everybody and anybody. Anyone who knows him in the community would tell you he was a lovely man."
Mr Ibrahim was visiting relatives when his family said his medical condition deteriorated and he was arrested.
His daughter faxed over his medical records hoping the authorities would recognise him as being mentally ill and spare him a possible death sentence.
Mr Ibrahim's daughter claimed he had bruises on his body and his teeth were missing.
"No-one has been arrested, no-one has been accused of anything," she said.
"We want justice for my father."
A Foreign and Commonwealth Office spokesman said it was in discussions with the British Embassy in neighbouring Ethiopia about the death and providing assistance to the family.

EEBOOW KA SOO GAADH JICIIR IYO UURCADE MAGAALADA HARGEYSA EEBOOW MUSTAQBALKII UBADKAY CUNEEN EE IFKA UGU SOO QADIN CADAABKAAGA

December 15, 2012
 

Waxan halkan ka salaamayaa dhammaan muwaadiniinta dhabta ah ee reer-Somaliland.  Marka labaad waxa ayaan darro ah in ay wali laalantahay ku-dhawaaqista sidii loo kala helay doorashadii ka dhacday degmada Hargeisa.  Waxa loo badinayaa hadal-haynteed aad la isula dhex-marayaa in murankaa iyo qalalaasahaa ka dhacay caasimadda Hargiesa uu gacan weyn ku leeyahay Maayar-Jiciir, waayo isaga dan ayaa ugu jirta in doorashadaa la isku qab-qabsado oo haddii au u suurto gashana gabigeedaba la baabi?yo si isaga iyo xaaraan-quutayaasha ka ag-dhaw uu cimrigu ugu sii dheeraado inta ay is-kaba-raacinayaan jajabsiga iyo ruugidda lafiyihii ka soo hadhay dhulkii danta-guud ee hareeraha iyo gudaha caasimadda Hargeisa, waaba haddii ay wali wax uga hadhsanyihiine, waxayse aad u jecelyihiin in ay sii leef-leefaan oon waxba looga dambaynin.

Habeen wal oo ay ku dhawaaqista go?aankii doorashooyinka degmada Hargeisa dib usii dhacdaaba wuxuu caasimadda Hargeisa u yahay habeen baas oo murugo leh, waayo wuxuu ku sii dheeraynayaa dhibaatada iyo dib-u-dhaca ay ku hayaan Maayar-Jiciir iyo xulafadiisa ma-naxayaasha ahi; Maayar-Jiciirna waxay u tahay bash-bash iyo badhaadhe waayo ma doonayo in uu gacanta kala baxo subaggaa dufanka badan ee uu sida dhib-yaridah u malafsanaayo, wayse ka qarsoontahay oo ma oga in uu balaayo iyo baas caloosha ka buuxsaday oo uu goor aan fogayn si weyn uga qoomamayn-doono.

Waxaynnu Ilaahay ka baryeynaa in uu Maayar-Jiciir iyo Ina-Uurcadde si deg-deg ah ummadda reer-Somaliland iyo caasimadda Hargeisaba uga soo gaadho si dibin-daabyadooda iyo boobka bilaa-naxariista ah ee ay dhulka iyo ummaddaba ku hayaan looga raysto, kuwo khayr-qaba oo daacdnimo ummadda ugu shaqeeye oon ka shaqaysanna oo beddelkooda keeno.

Wa-Billaahi-Tawfiiq

Somaliland-ha-noolaato
Fareh Abdu Mohammed

farehabdu@yahoo.com

Wasiirka Madaxtooyadda oo ay dhalinyaro Reer Axmed Dhagax ahi ku hor istaageen Cisbitaalka Adna oo uu Xaaskiisa keenay


Dadweyne u badan Dhalinyaro ayaa caawa fiidkii ku soo xoomay Cisbitaalka Adna Maternity ee magaaladda Hargeysa oo uu ku sugnaa Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi  X Cali  Xasan, kaasoo keenay xaaskiisa.
Dhalinyarada Cisbitaalka Hor tumani waxay ku dhawaaqayaan in loo soo saaro Xirsi, balse Adna Aadan oo ku sugan ayaa la sheegay inay u soo baxday si ay u kala dareeriso, hase yeeshee ilaa hada waxa la sheegayaa qaarkood inay diidan yihiin.
Dad goob jog ah oo Waaheen u soo waramaya ayaa sheegaya Xirsi inuu wali ku sugan yahay Cisbitaalka oo ay u suurtogeli kari la’dahay inuu ka soo baxo.
Short URL: http://waaheen.com/?p=55614

Xukuumadda oo ku jirta qal-qaalo ay ku Iibinayso Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club



Saturday, December 15th, 2012

Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Guryaynta ayaa qoraal ay ku Amrayso inuu ku baneeyo Hotelka u qortay Maareeyaha Hargeysa Club, qoraalkaasoo lagu xusay inaanu wax faa’iido ah u soo hoynin Dawladda.

Inkasta oo aanu qoraal kaasi Waaheen si rasmi ah u soo gaadhin, hadana waxa u xaqiijiyay Ilo wareed rasmi ah oo arkay Amarkaasi ay wasaaraddu ku dalbanayso in lagu baneeyo.

Ilo wareedkaasi waxa uu sheegay in ay Xukuumaddu qorshaynayso maadaama aanu Hotelka Dawladda ee Hargeysa Club wax faa’iido ah u soo hoynayn inay Iibiso, isla markaana wax kale ku bedelato.
Hore Xukuumaddu waxay u iibisay wasaaraddii Duulista Hawada iyadoo sheegtay inay dhisme kale u samaynayso hase yeeshee waxa ay dib u kiraysatay isla xaruntii wasaaradaasi kadib markii ay dhisi weyday meel kale.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Hawlaha Guud ba waxay dhawaan soo kala saareen Digreetooyin ay Guryaha iyo dhismayaasha Dawladda gacantooda ugu soo celin lahaayeen.
Sidoo kale Hore waxa ay Xukuumaddu u soo saartay Qorshe ay ku doonayso inay Guryaha Dawladda Iibin doonto isla markaana ay ugu bdedli doonto dadweynaha Mashaariic Horumarineed oo ay shaqo ka helaan balse ilaa hada Qorshahaasi muu hirgelin.
Toddobaadkii horwena Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa uu si rasmi ah ugala wareegay Gurigii uu ku jiray wasiirkii hore ee Arrimaha dibeda ee xukuumaddii Rayaale C/laahi Maxamed Ducaale kaasoo ku dhegsan Xarunta Madaxtooyadda.

source: http://waaheen.com/?p=55619