Wednesday, April 1, 2015

MUSUQMASUQA AY MUWAADINIINTA SOMALILAND KALA KULMAAN ADEEGYADA AY BIXISO WAAXDA SOCDAALKA SOMALILAND CILAD AY SHEEGEEN IN AY KU TIMID QALABKII CUSBAA EE LAGU SAMAYNAYAY BAASAABOORKA CUSUB SOMALILAND E-PASSPORT



 








 
MUSUQMASUQA AY MUWAADINIINTA SOMALILAND KALA
KULMAAN ADEEGYADA AY BIXISO WAAXDA SOCDAALKA SOMALILAND
CILAD AY SHEEGEEN IN AY KU TIMID QALABKII CUSBAA EE LAGU
SAMAYNAYAY BAASAABOORKA CUSUB SOMALILAND E-PASSPORT


Qalinkii Suleiman Ismail Bolaleh

Sida uu ii xaqiijiyay Madaxa IT-ga Waaxda Socdaalka Somaliland Seddex Xidigle Mr. Kimiko "Waxa maanta (shalay) ciladi gashay mashiinkii macluumaadka galinayay jaldiga Baasaaboorka cusub ee E-Passport, sidaasi darteed inkasta oo aan kula balamay maanta in aad qaadato Baasaaboorkiigaa cusbaa hadana dhibaatadaasi ayaa dhacday waana nasiibkaa" ayuu igu yidhi Seddex Xidigle Kimiko. Waxan su'aalay cilada xiliga la saarayo waxanu madaxa IT-ga Waaxda Socdaalku iigu jawaabay in gacanta lagu hayo balse aanu garan karin xiliga ay qaadan doonto.

Dhawrkii maalmood ee ugu dambeeyay oo aan ku noqnoqonayay xarunta Waaxda Socdaalka Somaliland, waxa kale oo aan indhahayga ku arkayay ceebo badan oo ku lamaan adeega ay muwaadiniintu u doontaan Waaxda Socdaalka Somaliland.

Dadkan Baasaabooka Cusub ee Somaliland E-Passport u doonta Xafiiska Waaxda Socdalka Somaliland ayaa u badan qaar qaba xanuuno adadag oo dalka gudihiisa lagu dabiibi kari waayay iyo xubnaha qoyasaskooda ee sii kaxaynaya, kuwaasi oo 99% u safraya dalka Itoobiya gaar ahaan caasimadiisa Adis Abbaba.

Nasiibdarada aan ku arkay Waaxda Socdaalka ayaa ah in dadkaasi lagu kala fadilo wajigarasho, iyo qaraabo kiil. Dadka qaar qadar miridho ah oo aan saacad gaarin ayay ku qaadataa in ay helaan Baasaaboorka cusub ee Somaliland E-Passport, halka qaarkoodana 2 maalin oo kali ah ayay ku qaadataan, tusaale sida 2 muwaadin oo aanu shalay codsiyadayada baasaaboorka cusub wada xaraynay ayaa si ay u qaataan isla shalayba waxay ii sheegeen in ay u soo kaxaysteen gabadh ka mid ah shaqaalaha Madaxtooyada oo aanan jeclayn in aan magaceeda halkan ka xuso balse maxkamad horteed aan ka cadayn doono, waxana u suurto gashay in isla markiiba iyaga la siiyo labadoodii baasaaboor.

Sida qaalibka ah kuyuuga dadka bukaanka ah ee doonaya Baasaaboorka cusub ma galaan dadka garanaya mid ka mid ah madaxda Waaxda Socdaalka Somaliland iyaga si toos ah ayaa loo galiyaa gudaha loo sawiraa kadibna sida ugu dhaqsaha badan ayay u qaataan baasaaboorka. Halka inta ugu badan Muwaadiniinta Somaliland ee adeega u doonta Waaxda Socdaalka Somaliland ay ku qaadato ugu yaraan 7 maalmood in ay ka helaan Baasaaboorka cusub ee Somaliland.

Dhinaca kale waxa layaab igu noqday ciladaha ku yimid Mashiinkan cusub ee lagu sameeyo Somaliland new E-Passport iyadoo dhawaan ay ahayd markii dalka la keenay qalabka cusub ee Baasaaboorka cusub lagu sameeyo iyadoo uu xadhiga ka jaray Madaxwaynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud 'Siilaanyo'.

Dadka dhaliila xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa farta ku fiiqeen in dad gaar ah lagu naasnuujiyay soo iibinta qalabka cusub ee Mashiinada iyo Qalabka lagu samaynayo Baasaaboorka cusub ee Somaliland E-Passort, kuwaasi oo ay yiraahdeen xataa shirkad ganacsi oo hore ma ay lahayn balse markii ay qandaraaskaasi xukuumadu siiyay ayay samayteen shirkad cusub.

Inkasta shaqsiyan aanan hubinin jiritaanka dhaliishaasi, balse ciladaha degdega u fadhiisiyay Mashiinadii cusub ee malaayiinka dollar la soo siiyay ayaa daaha ka faydaya in tayadoodu aad u liidatay markeedii horeba.

Dadwaynaha Somaliland ee Waaxda Socdaalka Somaliland u soo doonta Baasaabooradan Cusub ayaa lagu qiyaasaa in ay yihiin in ka yar 3% muwaadiniinta dalka, markaa Mashiinada xumaaday iyagoo tiradaaasi yar ee baasaaboorada ah lagu sameeyay waxa taasi daliil u tahay in aan cidi ka hubinin soo iibintii iyo keenistii dalka qalabka E-Passports-ka lagu sameeyo.


Anigu waxa igaga baxday Lacag adag oo gaaraysa $200 in aan samaysto new Somaliland E-Passort, inkastoo aan hore u haystay Baasaaboor Soomaali aan ka soo qaatay dhawr sano ka hor Garoowe oo ay igaga baxday $100. Damiirkayga ayaa igu khasbay in aan xogtan la wadaago shacabka iyo masuuliyiinta Qaranka Somaliland, xataa haddii ay madaxda Socdaalka Somaliland cadho ka kaci doonta qoraalkaygan iigu diidaan Baasaaboorka aan xaqa dastuuriga ah u leeyahay ama dib u dhac intaa hadda ka badan igu sameeyaan.

Ciil maan qabeen haddii ay saraakiisha iyo hawlwadeenada Waaxda Socdaalka Somaliland ay u wada jajaban yihiin haweenka, balse taasi bedelkeeda maalmo yar oo kooban ayaan ku ogaaday cida hawl si fudud uga dhamayn karta xafiiskaasi in ay yihiin haweenka da'da yar ee marka ay xafiiskaasi tagayaan aad isku sii qurxiya siina gashada labisyo qurxoon. Bal ogow waalidka hooyooyinka iyo ayeeyoonka ah ee xanuunsanaya oo ah kuwa ugu badan ee adeega xafiiska Socdaalka u soo doonta iyaga indhaha Saraakiisha iyo Hawlwadeenada Waaxda Socdaalka Somaliland ma arkaan sida ay ugu raxleeyaan kuwaa aan soo xusay uguma raxleeyaan balse hadalo qalafsan ayay u gaystaan.

Haddii aad tagto Xarunta Guud ee Waaxda Socdaalka Somaliland oo aad hawl kaaga xidhan awgeed labo seddex maalmood aad ku noqnoqoto muwaadin adba waad ila arki arimahan aan sheegay dhamaantood ama qaarkood haddii aan Qaadiru RAXMAANKU quluubta wiilasheenaa inoo soo xoolo barkhadayn.

Saaka ayay ahayd mar uu telefoonka igala soo hadlay nin suxufiya oo ay dugisga Shaqaalaha Dawlada wada dhigtaan Sarkaalka IT-ga u qaabilsan Waaxda Socdaalka Somaliland Mr. Kimiko shalay galinkii danbe u sheegay in aan saaka ahaan ku kalaho xafiiska Socdaalka si aan u soo qaato Baasaaboorkii aan maalmahanba ka sugayay waxanan abaaro 8:30 subaxnimo ugu tagay xarunta Waaxda Socdaalka Somaliland markiiba waxan la kulmay wiilka dheemanta u ah dadka baasaaboorada doonaya ee lagu magacaabo KIMIKO kaasi oo ii sheegay baasaabooradii xalay la daabacay in ay la yaalaan Taliyaha Waaxda Socdaalka Somaliland ina Cambaro si uu u saxeexo.

Mudo ku dhow 2 saacadood ayaan xafiiska uu fadhiyo aan dul taagnaa waxa xafiiska ku wehelinayay Taliyaha Hawlgalinta Ciidanka Booliska mudadaasi taliyaha Ina Cambaro dadkii u galay isagoo dagaalansan ayuu dib u soo celinayay balse waxa uu si fiican u qaabilay 2 hablood oo aanan jeclayn halkan in aan ku sheego magacyadooda kuwaasi oo adeega ay u doonteen uu ahaa in ay helaan foormka macluumaadka uu ku qoro ruuxa Baasaaboor cusub doonayaa maalinta koowaad ee uu yimaado Xarunta Waaaxda Socdaalka Somaliland.

Qalinkii Suleiman Ismail Bolaleh

No comments: