Saturday, January 3, 2015

Warbixin: SOMALILAND DIINTA ISLAAMKU MAXAY KA QABTAA, KOOXDA BEESHA CAALAMKA LAASCAANOOD-NA MAXAY KA AAMIN-SAN YIHIIN SOMALILAND


Jan 2, 2015

ن الحمد لله، نحمدُه ونستغفره ونستعينه ونستهديه ونعوذُ بالله من شرورِ أنفسنا ومن سيئاتِ أعمالنا، من يهْدِ اللهُ فلا مضِلَّ له ومن يضلل فلا هادي له. وأشهد أنْ لا إله إلا اللهُ وحده لا شريك له وأشهد أنَّ محمداً عبدُه ورسولُه ، بعثه اللهُ رحمةً للعالمين هادياً ومبشراً ونذيراً. بلّغ الرسالة وأدّى الامانة ونصحَ الأمّةَ وتركنا على المحجة البيضاء ليلها كنهارها لا يزيغ عنها إلا هالك فجزاهُ اللهُ خيرَ ما جزى نبياً من أنبيائه. صلواتُ اللهِ وسلامه عليه وعلى جميع الأنبياء والمرسلين، وعلى صحابته وآل بيته ، وعلى من أحبهم إلى يوم الدين.

Intaas dabadeed waxaa muddooyinkan aad u soo badanayey in kooxda beesha Caalamka ee ka hawl gasha magaalada Laascaanood ay ku dhex milmayeen siyaasadaha iyo xaaladaha ka taagan deegaanka,  innaga oo an la yaabayn sida fudud ee ay ugu dhex milmeen siyaasada maadaama ay hore u ahayeen ururkii Al-itixaad Al-islaami oo muddooyinkii ugu danbeeyey magaca uun laga badelay loona bixiyey Ictisaam, isla markaana Beesha Caalamka, Iyo Ictisaam isku Dhexmilan yihiin , sababtoo ah ururka Al-tixaad wuxuu ahaa urur siyaasadeed markii danbena yeeshay garabyo kala duwan ilaa ay ka dhasheen ururada ugu xag jirsan maanta deegaanka Soomaaliyeed.

Dhalinyarada aan aad ula socon taariikhda inaga oo aad uga sheekayn doona waxaan u guud maraynaa si kooban in ururkii la odhan jiray Al-itixaad Al-islaami oo isagu u diga rogtay ururka Ictisaam ayna ku hoos noolyihiin Kooxdan Beesha Caalamka uu markii ugu horaysay ku dhawaaqay in uu yahay urur siyaasiya diyaarna u ah in doorashada Soomaaliya ka qayb galo, sanadkii 1990kii xilligaas oo dawladii kacaanku doonaysay in ay distoorka wax ka badesho xisbiyo farabadana wadanka laga hir galiyo, Itixaadku wuxuu ahaa xilligaasi ururkii ugu horeeyey ee ku dhawaaqay in uu diyaar u yahay in uu doorashada isu soo taago, sidaasi daraadeed la yaab malaha in ay maanta ku dhex milmaan arrimaha siyaasadda.

Waxaana xilligaas jirtay in madaxweynihii Soomaaliya ilaahay haw naxariistee uu la yaabay oo la weydiiyey mar ay waraysi wargeys  ka soo bixi jirtay wadanka Sucuudiga oo tododbaadle ahaan jiray lana odhan jiray(Al-muslimuun) markii la weydiiyey ururo islaamiya ma ogolaanaysaan hadaa xisbiyo badan ogolaateen, uu ku Jawaabay Siyaad Barre oo adeer yaa gaalo ah, anigaaba muslin ah haddii aanu xisbi magac islaam wata ogolaano annaguna maxaanu noqonaynaa , wuxuuna ku soo gabagabeeyey Xisbigaygaaba xisbi Islaamiya ah maadaama aan anigu muslim ahay, Ilaahay haw naxariisto haddii maanta qabriga loogu wargayn lahaa oo la odhan lahaa Xisbigii hantiwadaaga kacaanka Soomaaliyeed dad aanu layn ayaa magaca Islaamka lagu laayey run ahaantii waa nixi lahaa oo murugoon lahaa.

Innaga oo maqaalkan ama fadwadan qofba siduu u arko  aynu ku eegi doono Diinta Islaamku maxay ka qabtaa Somaliland , maxayse aaminsan yihiin kooxda Beesha Caalamka , ayaan doonaynaa bal in aan dadka u bayaamino kooxda beesha caalamku in ay ku sifoobeen qaabkii reer banii israa’iil  u qarin jireen xaqqa iyaga oo danahooda eegana

,وَلاَ تَلْبِسُواْ الْحَقَّ بِالْبَاطِلِ وَتَكْتُمُواْ الْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ(42) سورة البقرة .

Markana ilaahay subxaanahuu watacaalaa isagoo la hadalaya Ah-lul kistaab, (Yuhuud iyo Kirstaan) ayuu ku yidhi maxaad xaqa u qarinaysaan , oo aad u inkiraysaan Nabi muxamed iyo Diinta Islaamka ee kutubtiina lagu sii sheegay

يَا أَهْلَ الْكِتَابِ لِمَ تَلْبِسُونَ الْحَقَّ بِالْبَاطِلِ وَتَكْتُمُونَ الْحَقَّ وَأَنتُمْ تَعْلَمُونَ (71) سورة آل عمران

Waxaa iska cad in danahooda ay ka horu mariyeen in ay diinta islaamka ku saleeyaan waxkasta oo ay qabanayaan , iyaga oo ummadda u sheega in ay wadaado yihiin , sunahana muuqaalkooda guud ka muujiya, gadhweyn la baxa, surwaalka ama macawista gaabsada, oo xaalku yahay (من برا هالله هالله ومن جوا يعلم الله) Muuqaalka guud Taqi-taqi, Gudaha Hoosena allaa og,

 Maxay ka qabaan midnimada iyo isku xidhnaan-shaha Soomaaliya, iyo muslimiinta , intaynaan u galin iyaga aragtidooda muuqata oo aan aad uga hadli doono, fikirka ay ka qabaan kooxda beesha Caalamka iyo wadaadada Ictisaam Laascaanood arrinta gooni isu taaga, aan eegno diinta Islaamku iyo  kisaabka quraanka kariimka ah, Sunaha iyo culimadu waxay ka yidhaahdeen midnimada ummad islaam ah, waayo halkan ayaa ah halka ay ku qotonto xukunka ay qaadanayaan kooxda beesha Caalamka iyo wadaadada Ictisaam, marka aynu qeexno waxa ay dinta islaamku ka qabto gooni goosadka Somaliland , maadama aynu nahay dad muslimiin ah, iyada oo xataa kan hadda guddoomiyaha gobolka ugu magacaaban Sonmaliland   ka mid ahaan jiray raggii masjidkii afgooye iyo masjid jaamaca Burco tafsiirka ka raacan jiray sideetameeyaadkii kana mid ahaa ururkii waxdada, ee markii danbe ku biiray Itixaad al-islaami, waxaad ogaanaysaa dhamaantood in ay diinta ku ciyaareen oo ay ilaahay uga biqiwaayeen sidii la amray,

Maxay diinta Islaamku ka qabtaa ilaalinta Midnnimada ummad muslin ah, maxayse ka tidhi qofkii kala fogeeya, Akhriso.

Ilaahay(SW) isaga oo ka hadlay midnimada waxa uu suuratul Al-cimraan aayadaha 103-104 ku yidhi.

﴿ وَاعْتَصِمُوا بِحَبْلِ اللَّهِ جَمِيعاً وَلَا تَفَرَّقُوا وَاذْكُرُوا نِعْمَةَ اللَّهِ عَلَيْكُمْ إِذْ كُنْتُمْ أَعْدَاءً فَأَلَّفَ بَيْنَ قُلُوبِكُمْ فَأَصْبَحْتُمْ بِنِعْمَتِهِ إِخْوَاناً وَكُنْتُمْ عَلَى شَفَا حُفْرَةٍ مِنَ النَّارِ فَأَنْقَذَكُمْ مِنْهَا كَذَلِكَ يُبَيِّنُ اللَّهُ لَكُمْ آَيَاتِهِ لَعَلَّكُمْ تَهْتَدُونَ (*) وَلْتَكُنْ مِنْكُمْ أُمَّةٌ يَدْعُونَ إِلَى الْخَيْرِ وَيَأْمُرُونَ بِالْمَعْرُوفِ وَيَنْهَوْنَ عَنِ الْمُنْكَرِ وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ ﴾
( سورة آل عمران: الآية 104،103 )

Aayadahan ilaahay wuxuu inagu adkaynayaa in la ilaaliyo midnimada , looguna yeedho bulshada muslinka ah in la xoojiyo, umalayn maayo in ay kooxda beesha Caalamka iyo Ictisaamka Laascaanood xataa ku soo qaadi karaan Ayadahan masjiyada Laascaanood, waxaaba la sheegay in kuwa aaminsan kala goynta looga duceeyey masjidka Masjid Jaamac Laascaanood, oo nin Shiikh ah oo Laascaanoodi ahi oo intuu micrifoonka qabsaday ducu u dareeriyey kuwa midnimada ummada islaamka miinshaarta u qataay.

Aayad kale ilaahay wuxuu (SW) inaago waramayaa marka dadka xumaanta lagu shex beero ee lays ilaawo in la sii kala fogaado, taas oo aysan kuwa Hargeysa jooga ee Ictisamaka ah ama magac wadaad wataa aanay dadka uga digin waana cadaawada iyo buqdiga Hargeysa laga soo amaamudo ilaahyna (SW) wuxuu yidhi

﴿ فَنَسُوا حَظّاً مِمَّا ذُكِّرُوا بِهِ فَأَغْرَيْنَا بَيْنَهُمُ الْعَدَاوَةَ وَالْبَغْضَاءَ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَسَوْفَ يُنَبِّئُهُمُ اللَّهُ بِمَا كَانُوا يَصْنَعُونَ ﴾
 ( سورة المائدة: 14)

Waxa kale oo midnimada iyo walaalnimadu sida ay tahay uu Rasuulkeena suuban (NNKH) oo inoogu sheegaya dadka walaalaha ahi sida ay isugu damqadaan midnamadooduna ay u tahay mid aan laga maarmin, Xadiis saxiix ah oo uu wariyey Saxaabiga Nucmaan Ibnu bashiir wuxuu yidhi.

فعن النعمان بن بشير رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:
(( مَثَلُ المؤمنين في تَوَادِّهم وتراحُمهم وتعاطُفهم: مثلُ الجسد، إِذا اشتكى منه عضو، تَدَاعَى له سائرُ الجسد بالسَّهَرِ والحُمِّى ))
حديث صحيح، أخرجه البخاري ومسلم

Xadiis kale oo uu wariyey Cabdilaahi Ibnu Cabaas(RC) wuxuu nabigeenu uga digay dadka muslimiinta ah in aysan noqon kuwo gaalooba oo islaaya , markay kala dheeraadaan , waxaana la gaadhsiiyey isdilka iyo kala qaybsanaanta kaalinta kaafirnimada wuxuuna Ibnu Cabas oo xadiiska warinayaa yidhi.

عن عبد الله بن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم:
(( لا ترجعوا بعدي كفارا يضرب بعضكم رقاب بعض ))
حديث صحيح، أخرجه البخاري والترمذي

Aayadihii hore iyo axaadiistii waxaynu ku soo xusnay in laygu boorinayo midnimada iyo walaalnimada, aayadahan aynu soo qaadan doonaana waxa uu ilaahay (SW) inoogu sheegayaa in ummadiisu mid kaliya tahay oo dadka Muslimiinta ah laga waramayo, maadama rusul lala khidaabayo dadka markaas xaydaanka rumaynta ilaahay ku jiraana waa lala hadlayaa, wuxuna ilaahay (SW) yidhi.

﴿ يَا أَيُّهَا الرُّسُلُ كُلُوا مِنَ الطَّيِّبَاتِ وَاعْمَلُوا صَالِحاً إِنِّي بِمَا تَعْمَلُونَ عَلِيمٌ (*) وَإِنَّ هَذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً ﴾
(سورة المؤمنون: الآية 52،51 )

Midnimada umaddu waa waajib ilaahay ina farayo , waxaana lagu adkaynayaa dadka muslimiinta ah in ay waajibtahay lana adkeeyo, waxaana laynoogu sheegayaa in nin waliba goob yar ku farxayo, sida maanta jirta ee gobolaysiga ah, ilaahay(SW) wuxuu yidhi.

﴿ وَإِنَّ هَذِهِ أُمَّتُكُمْ أُمَّةً وَاحِدَةً وَأَنَا رَبُّكُمْ فَاتَّقُونِ (*) فَتَقَطَّعُوا أَمْرَهُمْ بَيْنَهُمْ زُبُراً كُلُّ حِزْبٍ بِمَا لَدَيْهِمْ فَرِحُونَ (*) فَذَرْهُمْ فِي غَمْرَتِهِمْ حَتَّى حِينٍ ﴾
( سورة المؤمنون: الآيات 54،53،52 )

Nabigeena Suuban(NNHK) isaga oo midnimada meel adag inaga tusaya, waxa uu xadiis saxiix ah ku sheegay halka diinta islaamu ka taagan tahay qofka midnimada iyo jamaacada kala dhantaala oo waxaaba la gaadhsiiyey heer ah in seefta loo qaadanayo waxa uu yidhi Cabdilaahi Ibnu Mascuud Xadiis saxiix ah oo uu nabagi(NNHK)ka warinayo.

عن عبد الله بن مسعود رضي الله عنه قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: (لا يحل دم امرىء مسلم إلا بإحدى ثلاث الثيب الزاني والنفس بالنفس والتارك لدينه المفارق للجماعة) متفق عليه.

Hadaynu halkaa ku yara hakino daliilka Kitaabka iyo Sunaha oo aad u badan , aynu aqwaasha culimada muslimiinta casriyadii hore iyo kuwa manta eegno,  muxuu ka qabaa Ibnu Taymiyah midnimada iyo Tafaraaruqa, wuxuu yidhi Ibnu Taymiyaha ilaahay haw naxariistee, hana ka raali noqdee.

يقول ابن تيمية : ” وإذا تفرق القوم فسدوا وهلكوا وإذا اجتمعوا صلحوا وملكوا، فإن الجماعة رحمة والفرقة عذاب وهذه من صفات أهل البدع كما يقول شيخ الإسلام ابن تيمية :

Wuxuu yidhi Ibnu Taymiyah” Haddii Ummaddi kala tagto way fasahaadaan, wayna halaagsamaan, haday midoobaana wax hagaagaan, awoodna way yeeshaan, Midnimada Naxariis ayaa ku jirta, Kala tagana Cadaab iyo xumaan waan sifooyinka dadka bidcada u saaxiibka ah”

Halkaas waxaa inooga soo baxaysa daliiladaas cad cad ee quraanka, axaadiista iyo aqwaasha culimada ku qotomaa in Somaliland tahay shay baadil ah, qofkii la falgala , la shaqeeya, niyada kala socda, aaminsan in ay tahay maamul loo khuduuco, mushahar ka qaata, ururadooda ka qayb gala, in uu danbi weyn ku dhacay walciyaadu bilaah, lacagta uu ka qaataan ay xaaraan tahay , aanuna ku quudin karin qoyskiisa iyo ubadkiisa, ninkii shiikh ah ee ka aamusa koob-kastuu joogana waa danbiile, hawgu horeeyaan wadaadada Laascaanood ku nool iyo kooxda beesha Caalamka, Wabilaahi tawfiiq iyo kulan danbe oo xiisa badan.



No comments: