Tuesday, June 10, 2014

Khilaafka Al Islaax Iyo Dam-Jadiid oo Soo Cusboonaaday Kadib Ka Qeybgalka Madaxweyne Xasan Shiikh Caleema-saarka C/Fataax Al-Sisi (Warbixin)



Ururka Al Islaax oo horey ay uga go’een kooxda Dam-Jadiid oo ka mid ahaa alladooda ayaa si kulul uga carooday in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu ka qeybgalo caleema-saarka madaxweynaha cusub ee dalka Masar C/fataax Al-Sisi oo xukunka dalkaasi ku qabsaday awood miliari kadibna doorasho ku soo baxay.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo oo ay ka mid yihiin wasiiro ayaa shalay magaalada Qaahira ee dalka Masar kaga qeybgalay xaflada caleema-saarka madaxweynaha cusub ee Masar Al-Sisi.  Waxaana madaxweyne Xasan Sheekh uu kadib kulan gaar ah la yeeshay madaxweyne Al-Sisi.
Haddaba ururka Al Islaax ayaa durba arrinkaasi ka hadlay, waxayna cambaareeyeen kulanka madaxweynaha Soomaaliya uu la yeeshay C/fataax Al-Sisi iyo ka qeybgalkiisa xaflada caleema-saarka.
War saxaafadeed uu sidaayey guddoomiyaha xarakada Al Islaax Dr Cali Baashe Cumar Rooraaye ayaa wuxuu ku sheegay in ay nasiib darro tahay in madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu la kulmo kana qeybgalo xaflada caleema-saarka Al-Sisi oo ah nin xukun la doortay dumiyey (xukunkii Maxamed Mursi) isla markaana uu laayey dadkiisa.
“Waa nin dhiigya cab ah oo laayey dadkiisa. Waa ninka masuulka ka ahaa in xukun si dimuqraadi ah loo soo doortay la dumiyo,” ayuu yii Dr Cali Baashe.
Guddoomiyaha Al Islaax ayaa ku dooday in dawladaha caalamka oo xitaa ay ku jiraan kuwa reer Galbeedka aysan madaxdooda ka soo qeybgalin caleema-saarka C/fataax Al-Sisi, balse kaliya wakiilo hoose ay usoo dirsadeen, taasina ay muujineyso sida caalamka ugu qanci karin xukun militari oo awood ku yimid waqtigan casriga ah.
Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha Soomaaliya inuu ahaa madaxweynaha kaliya ee goobta caleema-saarka C/fataax Al-Sisi fadhiyey, halka dawladaha kale ay wakiilo ku ekaayeen meteladooda.
Dawlada Soomaaliya iyo xafiiska madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee Villa Soomaaliya weli kama jawaabin eedeymaha uga yimid ururka Al Islaax.
XIRIIRKA AL ISLAAX IYO DAM JADIID
islaax
Dam Jadiid (oo sida dad badan sheegaan hadda heysta talada wadanka) ayaa ah garab ka soo go’ay ururka Al Islaax, qiyaastii sanadihii 2000, waxaana khilaafka u dhexeeya labada dhinac xoogiisa uu soo ifbaxay markii sanadkii 2006 magaalada Muqdisho ay dagaalo hubeysan ka bilaabeen wadaadadii Maxkamadaha Islaamiga ee dagaalka kaga saaray caasimada kooxdii qabqablayaasha dagaalka.

Garabka Dam Jadiid (oo micne ahaan ah dhiiga cusub) ayaa ahaa garab ay ku midoobeen inta badan raggii dhalinyarada ahaa ee ku jiray Al Islaax ama ay wax soo bareen, halka raggii odayaasha ahaana ay u hareen ururka Al Islaax (oo magaciisa loo yaqaano Dam Qadiim ama dhiigii hore).
Labada garab ayaa la rumeysan yahay in xiriir fiican uu ka dhexeeyay ayna isku aragti ka ahaayeen arrimo badan wixii hadda ka horeeyay. Labada garaba waxay xildhibaano ku leeyihiin baarlamaanka, inkastoo awooda fulinta (wasiirada) iyo madaxtooyada ay ku koobn tahay Dam Jadiid kaliya iyo dadka ay iyagu shaqaaleysiiyeen.
Al Islaaxda hore (Dam Qadiim) waxay weli gacanta ku hayaan awood dhaqaale oo macquul ah sida hay’adaha kheyriga ah, kuwa waxbarashada, isbitaalo iyo xarumo muhiim ah oo ka hawlgala dhammaan gobollada dalka min Muqdisho, Puntland illaa Somaliland.
Dadka ka faalooda arrimaha dhaqdhaqaaqyada kooxdan waxay sheegayaan in  wax badan oo isku ujeedooyin ah aysan sii jiri doonin, maadaama kooxda Dam-Jadiid ay yihiin kooxo dhalinyaro ah oo hadba dantooda u arka meeshii ay markaasi la gasho siyaasadda iyo waaqica taagan, halka taasi ay diidan yihiin kooxda Dam-Qadiimka ee ah Al Islaaxda hore.
Dhowaan waxaa garabka Dam-Qadiim ay diideen iskudayo ay wadeen dhalinyaro ka mid ah labada dhinac oo doonayey in dib la isugu soo celiyo labada garab ee Al Islaax, arrintaasoo ay ka qeybqaateen Sheekh Maxamed Garyare iyo Sheekh Nuur Baaruud oo labada garab ka tirsan.
XIGASHO: RBC RADIO

No comments: