Baraawe -Wararka ak soo baxaya Degmadda Baraawe ayaa sheegaya inay kooxda Al-shabaab xidhay Madaxii Amniyaadka kooxda Al-shabaab C/raxmaan Qanaas, kaasoo xadhigiisu ku soo beegmayo xilli Khilaaf culusi ka dhex aloosan yahay Kooxda Al-shabaab.
Wararka la isla dhex marayo magaaladda baraawe ayaa sheegaya Amarka xadhiga C/raxmaan Qanaas in uu bixiyey Amiirka Kooxda Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Madax Amniyaadka Alshabaab ayaa lagu xidhay jeel ku yaala magaaladda baraawe, kaasoo loo yaqaano madax jabiska Al-shabaab. C/raxmaan Qanaas ayaa ahaa ku-xigeenkii madaxii hore ee Amniyaadka Ibraahim Af-gaan, waxaana la sheegay inay saaxiibo dhaw ahaayeen ka hor intii aanay kooxda Alshabaab Dillin.
Al-shabaab ayaa ku eedaynaysa kooxahan ay xidh xidhayso inay yihiin basaasiin u shaaqeeya Dawladda Federalka iyo Dawladaha kale ee taageersa sida Reer Galbeedka, waxaana lagu wadaa sida uu sheegay waaliga alshabaab ee Gobolada shabeeladda Hoose inay kurka ka goyn doonaan cid kasta oo ay ku helaan basaasnimo.
Dhinaca kale, Goboladda shabeeladda Hoose waxa ka dilaacay Dagaal u dhaxeeya Beelaha Biyo-maal iyo Habar-gidir, waxaana laga dareemayaa degmooyinka qaarkood barakac xoogan oo ay dagaaladdu sababeen.
No comments:
Post a Comment