Monday, May 19, 2014

XASUUQII XEEBTA JASIIRA 1989 FILIM QAYBTA 1AAD

DAAWO: Qayb ka mid ah Taxanaha Documentary laga sameeyey Xasuuqii Xeebta Jasiira ee Magaalada Muqdisho ka dhacay 17 july 1989kii' 


 Hargeys (Himilo)- Akhristayaasha Himilo Media Group iyo Daawadayaasha Himilo TV, waxa aanu ugu bushaareynayaa inaanu halkan idinku soo bandhigno Taxanaha Filim laga sameeyey Xasuuqii Xeebta Jasiirra ee duleedka magaalada Muqdisho ee Soomaaliya uu Taliskii Maxamed Siyaad Barre ugu Geystay muwaadiniin u dhalatay Somaliland Bishii July ee sannadkii 1989-kii.



 Filimkani waa Qayb ka mid ah Documentary ku Saabsan Xasuuqaas iyo dhacdooyinkii laga ururiyey oo Bahda Himilo Media Group idiinku soo gudbin doonto si taxane ah.



 Ilaahay naxariistii jano haka waraabiyee 46-ka qof ee xeebta Jasiira lagu xasuuqay 17-kii July 1989kii ayaa dhamaantood dhalasho ahaan waxay ka soo jeedeen Somaliland, kuwaas oo isugu jiray waayeel iyo dhalinyaro ahaa aqoonyahano, arday, ganacsato, macalimiin, xirfadlayaal, xoogmaal iyo shaqaale dawladeed, oo aan danbi galin, dhibaato kalena geysan balse loo gumaaday oo kaliya isirkooda oo cadaawad iyo naceyba u qabtay taliskii siyaad bare, sidaasi awgeed halkan ka daawo xasuuqii xeebta jasiira sidii uu u dhacay iyo shaqsiga kaliya sida uu uga badbaaday iyo dareenka ehelada dadkaasi lagu xasuuqay xeebta jasiira ee magaalada muqdisho.



 HALKAN KA DAAWO QAYBTII 1aad


Source: himilomedia.com

No comments: