Thursday, May 22, 2014

Xasan Daahir Aweys oo Al-shabaab iyo Itoobiya ku Eedeeyey in ay yihiin Cadawga Somaliya, xilli Dawladda Federalku doonayso inay xabsiga ka sii dayso


 

“Al shabaab waxay Xabadii Cadawga loogu talo galay kula soo jeedsatay Dadka Soomaaliyeed, Taasina waxay keentay inay dadka Soomaaliyeed Jihaadka ka Cararaan”

“Somaliya waxay gashay gumeysi ka xun midkii hore kadib markii Dowladdihii wax gumeysan jiray intay hal meel isugu taggeen deetana ay adeegsadaan Dowladaha deriska” Xasan Daahir Aweys

Muqdisho(Waaheen) Xasan Daahir Aways oo ka tirsanaa kooxda Alshabab gacantana ugu jira mudo sanad ah Dawladda Federalka ayaa cod ay kasoo duubeen ehelkiisa waxa uu ku sheegay in Somaliya laga xukumo isla markasna laga gumaysto magalada Addis ababa.

Aweys waxa uu sheegay in Gobol Gobol loo qaybiyay Somaliya isla-markaana hogaan kasta oo Madax ka ah Goboladaaasi laga xukumo dalka Itoobiya taasina ay tahay dhibaatooyinka umadda haysta.

Wuxuu sheegay in dhamaan Maamulada Gobalada dalka ka jira ay hoostagaan Magaalada Addis Ababa isaga oo carab dhabay Maamulada Soomaaliland, Puntland, Maamulka Jubba iyo maamul waliba oo Soomaaliya ka jira.

Sheekh Xasan Daahir Aweys ayaa ku waramaaya in Somaliya uu ku jiro gumeysi ka xun midkii hore kadib markii uu sheegay Dowladdihii wax gumeysan jiray in ay hal meel isugu taggeen deetana ay adeegsadaan Dowladaha deriska.

Wuxuu su’aal iska weydiiyay waxa ay isku diidan yihiin Soomaalida, oo uu ku macneeyay in hal qoys la oran karo maadaama ay dhinac kasta iska lee yihiin isla-markaana wuxuu taasi ku sheegay gacan bidixeen uu dunida ku haayo Soomaalida.

Hogaamiyihii hore ee Ururka Xisbul Islaam ayaa weli gacanta ugu jira Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaana weli uu xabsi guri ku yahay Magaalada Muqdisho oo ay ku ilaaliyaan ciidan ka tirsan Dowladda.

Waxaa jira warar sheegaya in la sii dayn doono Sheekh Xasan Daahir Aways oo loo qaadi doono wadanka dibadiisa gaar ahaan wadanka Qadar halkaas oo la sheegay in dowlada Qadar ay siisay magan galyo.

Xasan Daahir Aweys Oo Muddo 1 sano ah Dowlada Soomaaliya Gacanta ugu jira Ayaa Hadalo Kulul U Diray Dowlada Ethiopia Iyo Al shabaab oo uu ka tirsanaa.

Xasan Daahir Aweys Ayaa Sheegay In Dowlada Ethiopia Ay tahay Cadowga Koowaad Ee Ummadda Soomaaliyeed Kana Dhaxeeyo Dagaal Iyo Colaad Soo Jireen ah hadana ay Gumeysi ku hayso Dadka Soomaaliyeed .

Geesta Kale, Wax uu Ka hadlay Dhibaatooiyinka Al shabaab Ay ku Hayaan Shacabka Muslimka Ah Ee Soomaaliyeed Isagoona Al shabaab Ku tilmaamey kuwo Xabadii Cadawga loogu talo galay kula soo jeestay Dadka Soomaaliyeed Taasina ay Sababtay in Dadka Muslimka ah Ee Soomaaliyeed ay Jihaadka ka Cararaan oo ay Dhibaato u arkaan taana ay shabaab Mas’uul ka yihiin .

Dhinaca kale hadalka Xasan Daahir Aweys ayaa ku soo beegmaya Xilli ay Ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, in dhawaan magaalada Muqdisho uu ka dhici doono kulan lagu dhex dhexaadinaayo dowladda Fedaraalka iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam. Kulankan waxaa kaloo looga hadli doonaa mustaqbalka Sheekh Xasan Daahir Aweys oo hadda u xidhan dowladda Soomaaliya. Yaa u matalaya DF Somalia iyo Xisbul Islaam? Dowladda Soomaaliya ergada u matali doonta shirkan waxaa hoggaaminaya wasiirka amniga qaranka, Cabdikariin Xuseen Guuleed dhinaca xisbul Islaam waxaa hoggaaminaya Muuse Caraale oo ka mid ahaa madaxdii Xisbul Islaam, sidda ay lee yihiin ilaha warkan noo sheegay. Sidoo kale waxaa shirkan looga hadli doonaa xarigga Xasan Daahir Aweys oo muddo sannad ah dowladda u xiran. Magaalada Muqdisho waxaa maalmahan ka socday kulamo looga hadlaayo shirkaas dhexmaraya dowladda Soomaaliya iyo ururkii burburay ee Xisbul Islaam. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dowladda Soomaaliya oo ku aadan wadahadallada u furmaya iyaga iyo Xisbul Islaam. Caasimada Online Xafiiska Wararka NairobI


No comments: