Search This Blog

Monday, May 12, 2014

DAWLADDA SHIINAHA OO KENYA KA CAAWINAYSA DHAQAALAHA KU BAXAYA SOOMAALIDA LA MUSTAAFURINAYO

Booliska Kenya oo ka digay weeraro Al-shabaab u qorshaysay inay ka fuliyaan Nairobi
Nairobi - Dawladda Shiinaha, ayaa ballanqaaday mallaayiin doollar oo ay Kenya ku caawin doonto si loogu isticmaalo hawlgalka dadka Soomaalida ah lagaga mustaafurinayo gudaha Kenya, iyadoo sidoo kale Booliska Kenya ka digay weeraro khatar ah oo Al-shabaab qorshaysay inay ka fuliyaan caasimadda Nairobi, isla markaana  ammaankana aad loo adkeeyey.
  
madaxweynaha Kenya iyo Ra'iisal-wasaaraha Shiinaha

Ra’iisal-wasaaraha Shiinaha Mr. Li Keqiang oo booqasho ku tagay dalka Kenya maanta, ayaa sida saxaafaddu baahiyey, waxa uu ballanqaaday in wadankiisu Kenya ka caawin doono mashaariic kala duwan oo ay qayb ka yihiin dhinacyada ammaanka iyo raafka lagu hayo dadka Soomaalida ah ee loo mustaafuriyo gudaha Soomaaliya.

Dhinaca kale, taliyaha booliska Nairobi Mr.  Benson Kibue oo saxaafadda la hadlay shalay, ayaa ku dhawaaqay in la adkeeyay ammaanka Magaalada Nairobi iyo guud ahaan dalka Kenya, kadib markii uu xaqiijiyey inay heleen macluumaad la xidhiidha weeraro ururka Al-shabaab doonayo inay ka fuliyaan caasimadda Kenya.

Waxa taliyuhu ugu baaqay gaadiidlayda inay u hoggaansamaan amar lagu baadhayo dadweynaha rakaabka, iyadoo laga cabsi qabo in Al-shabaab weeraro ku qarxiyaan basaska dadweynaha iyo goobaha kale ee muhiimka ah ee ku yaal Nairobi.

Taliyaha booliska Nairobi, ayaa sidoo kale mulkiilayaasha hudheellada iyo goobaha cabbitaanka ee dadku ku kulmaan ugu baaqay inay taxadar dheeraad ah muujiyaan, maadaama ay soo baxday cabsi laga qabo Al-shabaab ayna booliska degdeg u ugu wargeliyaan haddii ay arkaan dad ama waxyaabo ay ka shakiyaan oo tuhun abuuraya.

Cabsida la xidhiidha weeraro iyo qaraxyo ay Al-shabaab ka fuliyaan magaalada Nairobi, aya soo baxday, kadib markii muddooyinkii u dambeeyey qaraxyo kala duwan ka dhaceen caasimadda Kenya iyo magaalada Xeebta ah ee Mambasa.

Source: jamhuuriyamedia.com

No comments: