Garowe - Labo (2) mudane oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la xaqiijiyay in ay u goosteen dhinaca maamul goboleedka Puntland, labadan mudane oo lagu kala magacaabo Muqtaar Mahad Cawed iyo Cabdulaahi DIgaale Cali ayaa waxaa
Deegaanka Garac-lagu-dhal oo u dhaw Deegaanka Tukaraq ee Puntland kaga hortagay Wasiiro ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo
Wasiirka Kaluumeysiga waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyada halkaasi oo ay
kula kulmeen Madaxda Puntland.
Hadalo kooban oo madashii lagu soo dhaweeyey laga yiri ayaa
waxaa hadalka ku horeeyey Wasiirka Kaluumeysiga Mudane Cabdinuur Cilmi Biindhe
wuxuuna sheegay in ragan ay kasoo goosteen Maamulkii Cadaadiska ku hayay ee
S_land ayna u yimaadeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Xoraynta magaalooyinka
Laascaanood iyo Xudun, wuxuu daboolka ka qaaday wasiirku in lagu socdo oo
gacanta lagu dhigi Doono Magaalooyinkaasi sida uu hadalka u dhigay.
Maxamuud Xasan Soocade Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha
Puntland oo Wasiiradii soo dhaweeyey Xildhibaanada ka mid ahaa ayaa sheegay in
Maamulka S-Land ay xoog ku haystaan dad aan rabin ayna cadaadis saareen dadka
deegaanka u dhashay wuxuuse cadeeyey in Isbedelka Maamuleed ee Puntland ka
dhacay uu sahli doono in lasoo celiyo Laascaanood lagana hortago Gumaysiga ay
ku jiraan Reer Sool sida uu Wasiirku hadalkau dhigay.
Dhildhibaanada ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee soo goostay
ayaa dhankooda sheegay in awal ay ahaayeen dad shaqaalo ah oo dadkale u
shaqeeya balse hada ay doonayaan in dadkooda iyo deegaankooda ay u shaqeeyaan
kana kiciyaan Cadawga sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo sheegay Maamulka hada
ka dhashay Puntland in ay la shaqayn doonaan dibna loogu laaban doono dhulka la
haysto in mudo ah oo ay ula jeedeen Magaalada Laascaanood.
Faarax Sulub Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Golaha
Wakiilada Puntland oo Madasha ka hadlay ugu dambayn wuxuu sheegay in gacmo
furan lagu soo dhawaynayo Dhalinyarada ka timi Laascaano ee ka tirsanaa
Goleheeda Deegaanka talaabada ay qaadeenna ay ifafaalo u tahay rag badan oo xir
xiran kuwaasi oo doonaya in ay ka soo baxaan gumaysiga ay ku jiraan dibna u
raadiyaan Xoriyadii la haystay Waayo waayo taasoo hadii xal lagu waayo Gacmaha
leysula tagi doono sida uu Xildhibaan Sulub yiri.
Imaanshaha Xildhibaanadan Golaha Deegaanka ee laascaanood ka tirsan waxay kusoo aadaysaa iyadoo
Maamulka cusub ee Puntland uu dhawr jeer ku goodiyay in uu soo celin doono
Gobolada ka maqan Puntland iyadoo dad badan ay arintaas dhagta u taagayaan waxa
kasoo kordha.
Xigasho: Raxanreeb
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment