Search This Blog

Monday, February 3, 2014

WAR DEGDEG AH: Xildhibaano kasoo Goostay Laascaanood oo Garoowe soo gaaray (Sawirro)






Garowe - Labo (2) mudane oo ka mid ah xildhibaanada golaha deegaanka magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la xaqiijiyay in ay u goosteen dhinaca maamul goboleedka Puntland, labadan mudane oo lagu kala magacaabo Muqtaar Mahad Cawed iyo Cabdulaahi DIgaale Cali ayaa waxaa Deegaanka Garac-lagu-dhal oo u dhaw Deegaanka Tukaraq ee Puntland kaga hortagay Wasiiro ka tirsan Puntland oo ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Wasiirka Kaluumeysiga waxaana loo galbiyay dhanka Madaxtooyada halkaasi oo ay kula kulmeen Madaxda Puntland.

Hadalo kooban oo madashii lagu soo dhaweeyey laga yiri ayaa waxaa hadalka ku horeeyey Wasiirka Kaluumeysiga Mudane Cabdinuur Cilmi Biindhe wuxuuna sheegay in ragan ay kasoo goosteen Maamulkii Cadaadiska ku hayay ee S_land ayna u yimaadeen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen Xoraynta magaalooyinka Laascaanood iyo Xudun, wuxuu daboolka ka qaaday wasiirku in lagu socdo oo gacanta lagu dhigi Doono Magaalooyinkaasi sida uu hadalka u dhigay.


Maxamuud Xasan Soocade Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland oo Wasiiradii soo dhaweeyey Xildhibaanada ka mid ahaa ayaa sheegay in Maamulka S-Land ay xoog ku haystaan dad aan rabin ayna cadaadis saareen dadka deegaanka u dhashay wuxuuse cadeeyey in Isbedelka Maamuleed ee Puntland ka dhacay uu sahli doono in lasoo celiyo Laascaanood lagana hortago Gumaysiga ay ku jiraan Reer Sool sida uu Wasiirku hadalkau dhigay.

Dhildhibaanada ka tirsanaa Golaha Deegaanka ee soo goostay ayaa dhankooda sheegay in awal ay ahaayeen dad shaqaalo ah oo dadkale u shaqeeya balse hada ay doonayaan in dadkooda iyo deegaankooda ay u shaqeeyaan kana kiciyaan Cadawga sida ay hadalka u dhigeen, iyagoo sheegay Maamulka hada ka dhashay Puntland in ay la shaqayn doonaan dibna loogu laaban doono dhulka la haysto in mudo ah oo ay ula jeedeen Magaalada Laascaanood.

Faarax Sulub Jaamac oo kamid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada Puntland oo Madasha ka hadlay ugu dambayn wuxuu sheegay in gacmo furan lagu soo dhawaynayo Dhalinyarada ka timi Laascaano ee ka tirsanaa Goleheeda Deegaanka talaabada ay qaadeenna ay ifafaalo u tahay rag badan oo xir xiran kuwaasi oo doonaya in ay ka soo baxaan gumaysiga ay ku jiraan dibna u raadiyaan Xoriyadii la haystay Waayo waayo taasoo hadii xal lagu waayo Gacmaha leysula tagi doono sida uu Xildhibaan Sulub yiri.


Imaanshaha Xildhibaanadan Golaha Deegaanka ee laascaanood  ka tirsan waxay kusoo aadaysaa iyadoo Maamulka cusub ee Puntland uu dhawr jeer ku goodiyay in uu soo celin doono Gobolada ka maqan Puntland iyadoo dad badan ay arintaas dhagta u taagayaan waxa kasoo kordha.



Xigasho: Raxanreeb

No comments: