Search This Blog

Friday, February 14, 2014

KHILAAFKA SIYAASADEED BAARLAMAANKA SOMALILAND WUXUU QIIMAYN U YAHAY AWOODA HABSAMI U SOCODKIISA



Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada ee gobolka Somaliland ayay noqotay in laga saaro gudaha baarlamaanka bishan Februray 10-keedii, kadib markii khilaafkii uu isu badalay gacan ka hadal. Kor, Golaha wakiilada oo isu yimid September 2012. [Barkhad Dahir/Sabahi]
Waxaa qoray Barkhad Daahir oo Hargeysa jooga
Arin ku bilaabatay dood siyaasadeed oo si habsami ah ku socotay oo looga hadlayay isbadalada lagu samynayo Golaha Wakiilada ee gobalka Somaliland ayaa isu badashay khilaaf dheer oo kulul oo u dhaxeeya labada dhinac ee iska soo horjeeda, taas oo sababtay in la joojiyo shaqadii baarlamaanka ilaa iyo Axada soo socoda (Februray 16-keeda).

Khilaafkan ayaa bilawday January 27-deedii, kadib markii Golaha Wakiiladu uu ansaxiyay sharci wax ka badalaya axdiga baarlamaanka oo ah midii ugu horaysay ee la sameeyo ilaa iyo 2005-tii.

Sharcigan, iyo isbadalo kale, ayaa hoos u dhigaya awooda labada ku xigeen ee afhayeenka baarlamaanka taa soo hoos ugu dhigaysa tirada codadka loo bahaan yahay in shaqada laga qaado oo markii hore ahayd 55 hadana ka dhigaysa 42, iyada oo aan waxba laga badalin aqlabiyadii ahayd saddex meelood labadood ee loo baahnaa in afhayeenka shaqada lagaga qaado.

Sharcigan cusub ayaa sidoo kale waajibiyay in ku xigeenada afhayeenka baarlamaanku ay fadhiistaan meel ka hoosaysa afhayeenka, meeshana ka saaray wadaaga ay sadexdan hogaamiye wadaagaan ee ah Shirgudoon.

Badalkan axdi-hoosaadka la badalyo iyo habkan cusub ee hogaaminimada ayaa ah dadaal looga goleeyahay in lala jaan-qaado sharciyada kale ee baarlamaanka aduunka, Ibraahim Mahdi Buuba, oo ah xildhibaan, ahna gudoomiyaha gudi-hoosaadka joogtada ah ee aqalka hoose ayaa sidaas sheegay.
In kasta oo isbadalaas ay aqbaleen inta badan xildhibaanadu, oo ay sideed xildhibaan kaliya ay arintan ka soo horjeesteen sida uu Buubaa sheegay, ayaa hadana mooshin kale, oo soo jeediyay isbadalo kale oo axdi-hoosaadka lagu samaynayo uu buuq ka dhex dhaliyay golaha sharcidajinta markii iyaga loo soo bandhigay maalintii Axadii (February 9-keedii).

Mooshinkan, oo ay taageerayaan in ka badan 50 wakiil oo ka soo jeeda xisbiga Kulmiye ee Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa soo bandhigay yaraynta tirada codadka loo baahan yahay in xilka looga qaado sadaxda afhayeen kana dhigaya 42.

Markii mooshankan la soo bandhigay ayay buuq iyo qalaaste ka dhex abuurtay baarlamaanka, taas oo ugu danbaystii keentay in ay gacmaha isula tagaan dhawr xildhibaan. Booliiska ayaa ugu danbaytii soo dhex galay gacan ka hadalka kala danbayntiina soo celiyay.

Faragalin 'sharcidaro ah' oo ah arimaha baarlamaanka

Afhayeenka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi, isla markaana ah hogaamiyaha xisbiga mucaaradka Wadani, ayaa maamulka Siilaanyo si toos ah ugu eedeeyay in ay u soo faragalinayaan arimaha baarlamaanka ayna ku xad-gudbayaan madax banaanida sadexda laamood ee dawladda.

Sida Buubaa oo xubin ka ah xisbiga Wadani sheegayo, ayaa wakiilo ka soo jeeda xisbiga talada haya loogu yeedhay in ay ku kulmaan guriga madaxweyne ku xigeenka usbuucii hore si ay mooshinkan u diyaariyaan. Madaxweyne Ku xigeenka Cabdiraxmaan Cabdullahi Saylaci iyo lix wasiir oo ay ku jiraan wasiirka madaxtooyada, ayaa halkaas joogay, ayuu yidhi.

“Intii aan Baarlamaanka madaxda ka ahaa [ilaa iyo 2005-tii], taariikhda waa markii koowaad ee nin Wasiir ahi intuu guri ama makhaayad fadhiisto, xildhibaano u yeedho, kana saxeexo mooshin uu wato,” Cabdullahi ayaa sidaas yidhi Axadii isaga oo shir jaraa'id ku qabtay xafiiskiisa. "[Dawlada] ayaa samaysay wax walba oo ay qorshaheeda ku fulinayso. Tani waa faragalin waana sharci daro," Buubaa ayaa sidaas sheegay.

Siilaanyo iyo Wasiirkiisa Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaan si khaas ah eedaymahan ama khilaafka baarlamaanka ka jira faalo uga bixin. Isaga oo wariyayaasha kula hadlaya Garoonka hargaysa ayaa Siilaanyo yidhi, "Dawlada shaqo ayaa u taala baarlamaankana shaqo ayaa u taala. Dawladdu waxay diyaar u tahay in ay shaqadeeda qabsato."Xisbiyada UCID iyo Waddani, iyo sidoo kale Madashada Wadatashiga iyo Toosinta, taas oo ah gole ay isugu yimaadaan siyaasiyiinta madaxbanaan ee mucaaradka ah, ayaa sidoo kale dawladda ku eedeeyay in ay ka danbaysay qalalaasaha baarlamaanka.

Xataa dawladdu waxay ku soo faragalisay in ay laaluush siiso xildhibanada si ay waxa ay doonayso ay baarlamaanka dhaxdiisa uga fuliso, Buubaa ayaa sidaas sheegay. "Doonitaanka [dawladda] ayaa ah in ay baarlamaanka ka curyaamiso in uu shaqadiisa ka soo baxo, taas oo ah in ay u kuurgalo dawladda uuna la xisaabtamo," ayuu u sheegay Sabahi. "Waxay kale oo doonayaan in afhayeenka ay jagadiisa ka qaadaan kaas oo ay u malaynayaan in sumcad fiican uu xisbiga oo hogaamiyo u soo jiidayo haddii uu shaqo fiican ka qabto baarlamaanka, taas oo xiliga doorashooyinka khatar ku ah [xisbiga talada haya]."

Mooshinka lagu yaraynayo tirada codadka loo baahan yahay si afhayeenka jagada looga qaado ayaa wadada u xaadhaysa in si sahal ah shaqada looga qaado, Maxamed Cumar Cabdi, oo ah tifatiraha wargayska madaxa banaan ee Jamhuuriya ayaa sidaas sheegay. Ilaa iyo sanadkii 2005, ayay tani tahay markii ugu horaysay ee khilaafka baarlamaanku uu halkaas gaadho, ayuu u sheegay Sabahi.

"Inkasta oo ay mooshinkan keeneen xubno dawladda taageersan, wakiillo ka soo jeeda Waddani oo afhayeenka taageeraya ayaa ku goodiyey in ay keenayaan mooshin madaxwaynaha ka dhan ah," Cabdi ayaa sidaas sheegay. "Arrintani waa mid khilaafkan sii xumaysay."

Haddii aan arrintan si dhakhso ah loo xalinin, waxaa laga yaaba in ay dhaliso khilaafaad hoose, Cabdi ayaa sidaas yidhi.

"Waxaa laga yaabaa shacabka daggan gobollo kala gaddisan in ay labada dhinac kala taageeraan, khilaafkuna uu qabiil isu baddalo," ayuu yidhi. "Maaddaama uusan ammaanka waddanku adkayn, ayaa waxaa jira cabsi wayn oo ah in khilaafkan uu ka sii gudbo baarlamaanka iyo kuwa hadda talada haya, oo uu u sii gudbo in shacabka uu kala qaybiyo."

Saxaafadda maxalliga ah ayaa horraantii usbuucan sheegay in dhalinyaro taageeraya afhayeenka baarlamaanka ay qaybo Hargaysa ah ku mudaaharadaeen, tiro dad ah oo ka soo jeeda qabiilka afhayeenka baarlamaankana la qabtay kadibna la sii dayaay.

Dadaallo khilaafka lagu xalinayo

Wafdi ka socda Golaha Guurtida, oo ah aqalka sare ee baarlamaanka, ayaa codsaday hal usbuuc oo hakin ah si xal loo gaadho.

Kooxdaas ayaa waxaa horkacaya guddoomiyaha guddi hoosaadka joogtada ah ee aqalka hoose ahna oday dhaqameedka ugu da'da wayn Somaliland Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf, oo loo yaqaano Cabdi Waraabe, waxaa kale oo qayb ka ah guddoomiyaha Akaadeemiyada Nabadda iyo Horumarinta Cabdiraxmaan Aw Cali faarax

"Waxaan baarlamaanka ka codsanaynaa in ay qaataan toddobo maalmood si aan khilaafkan u xalino, baarlamaankuna si wadajir ah ugu shaqeeyo," Cabdi Waraabe ayaa sidaas yidhi isaga oo hadal u jeediyay aqalka hoose kana digay cawaaqib xumada arrintani ay keeni karto.

Xubnihii labada dhinac ee iska soo horjeeday oo kulankaas baarlamaanka joogay ayaa aqbalay usbuucan hakad galinta ah, Cabdulaahi ayaa sidaas u sheegay Sabahi, isaga oo intaas ku daray in uu diyaar u yahay xalinta khilaafka iyada oo la fiirinayo xasilloonida siyaasadeed ee Somaliland.

"Labada dhinac waxay aqbaleen guddiga, waxayna na waydiisteen in aan siino fursad ay ku wada hadlaan iyagu ... shaqaduna hadda meel fiican ayay maraysaa mana rabo in aan ka hor dhaco," Ku-xigeenka Afhayeenka Golaha Guurtida Saaciid Jamaac Cali, oo xubin ka ah 14-ka xubnood ee wafdiga dhexdhexaadinta, ayaa saxaafadda u sheegay kadib markii dhismaha baarlamaanka ku kulmeen Talaadadii.

Guddiyada labada dhinac ka socda ayaa si rasmi ah wadahadalkii u bilaabay Arbacadii, Buubaa, oo xubin ka ah wafdiga ayaa sidaas yidhi.

Source: sabahi

No comments: