Search This Blog

Friday, February 14, 2014

Ciidamada Qaranka Somaliland oo is hortaagay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland uu booqasho ku tago Buuhoodle.



Ciidamo ka tirsan Somaliland oo aad u hubaysan ayaa la sheegayaa in ay isa soo dhoobeen Deegaano ka tirsan gobolka Sool qaasatan Deegaanada Hawdka oo ay ka mid tahay Dharkayn-geenyo iyo Karin- Dabayl- wayn si ay u hakiyaan Socdaal la sheegay in Madaxweyne ku xigeenka Puntland Mudane C/Xakiim Cabdulaahi uu ku doonayay in uu ku tago Degmada Buuhoodle ee Caasimada Gobolka Cayn.
Maamulka Somaliland horay ayeey uga digeen Dowladda Puntland in ay soo farageliso Deegaanada Somaliland gacanta ku hayso, halka Faysal Cali Waraabe oo ah Gudoomiyaha Ucid ee Ururada Somaliland ka tirsan uu iclaamiyay Dagaal ka dhan ah Madaxda Puntland isaga oo sheegay in uu tuute xiran doono hadii Puntland ay soo haweysato Deegaanada Somaliland sida uu hadalka u dhigay.
Sidoo kale Ciidamo Khaatumo ayaa isaga baxay Deegaanka Karin Dabayl Wayn oo Somaliland qabsatay sida wararka sheegayaan waxayna ciidamadaas u dhaqaaqeen dhanka taleex halkaasi oo ah Xarunta Maamul Goboleedka Khaatumo.
Wax war ah kama soo bixin dhanka Somaliland sidoo kale iyana wax war ah kama aysan oran arintan Puntland ee la xiriirta Ciidankan lasoo dhoobay hawdka Gobolka Sool, waxayse arintan kusoo beegmaysaa iyadoo horay Madaxweynaha Puntland uu u sheegay in Laascaanood aan faataxo lagu qabsan Faataxana lagu soo celin doonin taasi oo u muuqatay in uu Mudane Gaas iclaaminayo Dagaal ka dhan ah Somaliland taasi oo dhalisay In Maamulka Somaliland ay iyana is difaacaan Ciidanna kusoo daadiyaan meelo u dhaw Caasimada Puntland.

No comments: