Friday, February 28, 2014

Faahfin: Qaraxii ka dhacay degmada Cadicasiis ee magaalada Muqdisho -Sawiro





Subaxnimadii maanta oo Khamiis ah ayaa mar kale qarax weyn ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Degmada Cabdicasiis, meel u dhaxaysa Bar Fiat iyo isgoyska Jubba. Qaraxan ayaa lala eegtey maqaaxi ku dhaw Xarunta Hay’adda Sirdoonka Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta la ogyahay 11 qof ayaa ku dhimatey qaraxa dad kale oo badana waa ku dhaawacmeen kuwaas oo isugu jira shaqaalaha hay’äadda sirdoonka iyo kuwo rayid ah oo maqaaxida u soo shaahdoontey.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud uu qorsheynayey in uu maanta booqdo xarunta sirdoonka qaranka, ayna dhici karto in weerarku ahaa mid qorsheysan.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkan waxayna sheegeen in ay ku dileen saraakiil sarsare oo ka tirsaneyd hay’adda sirdoonka iyo kuwo ajnabi ah, waxaana ay wacad ku mareen in ay siim wadayaan weerarada caynkan oo kale, waxaana sidaan ay ka sheegeen Idaacadda ku hadasha afka al-Shabaab ee magaceeda la yiraahdo Andulus.

Bheh8G0CMAAvdbU

Raysalwasaaraha Soomaaliya ayaa qaraxan ku tilmaamey mid calaamad u ah guuldarada kooxda al-Shabaab!, Raysalwsaaare Cabdiweli oo maalmo ka hor sheegey in shacabka Soomaaliyeed maqli doonaan war ay ku farxaan oo ku aadan kooxda argagagaxa ku haysa, ayaa mar kale ka tacsiyeeyey falkan ka dhacay meel dolwaddu si weyn u ilaaliso.

Jimcadii hore ayey ahayd markii koox ka tirsan ururka al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Wadnihii Dowladda ee Villa Somalia una suurta gashey in ay ka dhexdagaalamaan gudaha Madaxtooyada halkaas oo ay ku dileen saraakiil sar-sare.

Mid kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqey in la gaarey xilligii Dowladda wax laga weydiin lahaa amniga, waxaana uu ku baaqey in Afhayenka Baarlamaanku fadhi deg-deg ah isugu yeero Xildhibaanada maadaama dowladdu muuqato in amnigu faraheeda ka sii baxayo,

Xildhibaanka ayaa baaqiisa ku daabacay barta Twitterka isaga oo si adag uga hadley amniga sii xumaanaya.