Wednesday, February 26, 2014

AYAN OSMAN: DHAAWACYADII ARGAGAXA LAHAA EE KA SOO GAADHAY XASUUQII DAWLADII SIYAAD BARE OO HESHAY GARGAAR CAAFIMAAD OO CAALAMI AH

QALIINKII AYAAN CISMAAN IYO XAALADEEDA CAAFIMAAD


Melbourne, Australia: Waxaan ugu horeyn aan halkan ka salaamayaa dhamaanba macaamiisha gaarka ah ee ku soo aroorta Shabakada wararka ee caalamiga ah ee Hadhwanaagnews.com. Meel kasta iyo goob kasta oo aad joogtaanba waxaanu akhyaarey aan dhamaantiinba idin leenahay subax, galab iyo dabcan habeen wacan oo wanaagsan. Hadaba anigoo ku hadlaaya magaca ururka Somaliland-Australian Friendship Foundation. oo tixraaciisuna yahay  www.somalilandfoundation.com. Waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu saaka cusbitaalka guud ee Wesley Hospital in aanu  ku soo booqanay Ayaan


Dhanka kale waxa aanu shalay subax ka qayb galnay shir jaraayid oo ay wada qabteen Dr Edna Adan Ismail iyo dhakhaatiirta cusbitaalka Wesley hospital oo ay warbixin ku siinayeen saxaafada dalkan Australia, gaar ahaan dhanka joornaalada iyo Telefeeshinada oo goobta ku sugnaa. Sida Chanel Seven, Chanel Nine iyo Chanel Ten.

Waxa kale oo iyaguna goobtaas ku sugnaa waa Telefeeshinka weyn ee caalamiga ah ee HCTV oo ay gadhwadeen ka ahaayeen labada suxufi ee ruug cadaaga ah ee kala ah Ahmed Hassan Awke iyo Abdisalan Ibrahim Mohamed (Hereri) Waxaanay halkaasi waraysi dheer kula yeesheen Dr Edna Adan Ismail, oo ka warbixisay xaalada guud ee Ayaan Cismaan, hada ku sugan tahay iyo dabcan sidii qiimaha lahayd ee halkaas loogu soo dhaweeyey intaba.

intaas ka dib, waxa hadaba labadan suxufi ay soo booqdeen isla markaasna su'aalo soo waydiiyeen Ayaan Osman oo ku jirta dhanka Waadhka ee loo yaqaano INTENSIVE CARE UNIT. Hadaba waraysigan oo uu qaaday suxufiga weyn ee Abdisalaan Hereri iyo dabcan dhamaanba barnaamijyada kale ee xiisaha badan ee labadan suxufi ee ka tirsan Telefeeshinka caalamiga ah ee HCTV ay idiinka soo diyaariyeen dalweynaha Australia. waxaad iyagoo dhamaystiran aad daawan ka daawan doontaan telefeeshinka caalamaiga ah ee HCTV, hadii Allaha awooda badani uu ogolaado. 

Waxaan hadaba aan jeclahay in aan mar labaad idin soo gaadhsiiyo in lagu guulaystay qaliinkii aadka u cuslaa ee ay ka hawl galeen ku dhawaad 23ka dhakhtar oo nooc kastaba iskugu jiray. Waxaanu aaminsanahay in Ayaan Osman Mohamed oo dhawaan soo gaadhay magaalada Brisbane ee dalweynaha Australia, aanay fursadan dahabiga ah ka hesheen meel kale oo ku taala Afrika amaba dunida muslimka intaba. waana wax ilaahay lagu mahadiyo oo loogu xamdi naqo.

Waxa kale oo aan si gaar ah iyo si guud ahaaneedba ugu mahad naqayaa Dr Edna Adan Ismail oo suurto gelisay in Ayaan Cismaan ay maanta hesho fursadan qaaliga ah oo ay halkan ku marto qaliin casri ah nooci ugu danbeeyey aduunka. "The latest and most sophisticated technology which was in fully operational." Waxaana hawshaas qaliinkeeda ka qayb qaatay in ka badan sadex iyo labaatan dhakhtar oo ku kala takhasusay cilmiga kala duwan ee loo yaqaano, Maxillofacial surgeon, Plastic surgeon, consultant Anesthetists and surgical surgeons. Waxaana qaliinkaasi socday in ka badan ilaa 11 saacadod oo is daba joog ah. Waana wax ilaahay lagu mahadiyo hawshaas culus ee ka qabsoontay cusbitaalka guud ee magaalada Brisbane.

Waxaad si joogto ah u filataan warbixino kale oo ku saabsan xaalada caafimaad ee ay hada ku sugantahay Ayaan Cismaan iyo socdaalka labada suxufi ee Cawke iyo Hereri iyo dabcan Dr Edna Adan Ismail. oo xaqiiqatan ah shaqsi aan la heli karin una qalanta, xaqna ay u leedahay in maanta iyadoo nool taalo loo dhiso.

Waxa kale oo aan u mahadnaqayaa Deeq Muuse oo qayb libaax ka qaatay isla markaasna isku soo duba riday abaabulka jaaliyada iyo sidii meel loogu heli lahaa ay Ayaan Cismaan hadhaw ku noolaato markay cusbitaalka ka soo baxdo. Waxa kale oo aan aad ugu mahad naqayaa jaaliyada reer Somaliland qaybaheeda kala duwan rag iyo dumarba  ee magaaladan Brisbane oo iyaguna hawshan gacan weyn ka geystay iyo dabcan umada kale ee Soomaaliyeed ee aanu walaalaha nahay ee gacanta weyn ka geystay arinta Ayaan Cismaan. Dhamaantiin waad mahadsan tihiin.

Waxaanan ugu danbayntii aan dhamaantiinba aan idinka codsanayaa meel kasta oo aad aduunka ka joogtaanba in aad ilaahay u baridaan in u Ayaan siiyo caafimaad degdeg ah... Hadaba Wixii kale ee akhbaar ah had iyo jeer fadlan isha ku haya oo haka ag dheeraan Hadhwanaagnews.com.

No comments: