Thursday, January 9, 2014

MASHRUUC NOOCYO BADANNAA. MA XABAALIHII AYUU MAANTANA GALAY - Qalinkii Garyaqaan Xasan Cali Xasan


 
 
 
Waashmaan Xabaalo ilaaliya oo doonaya in qaxwaha loo kordhiyo ayaa xabaal nin ay isku Jilib/Jufo yihiin xabaalshii lagu aasay yidhi waraabe ayaa laga kari laayahay...Halkuu u soo marayyaa waraabuhu xabaalaha deyrka leh, ee uu waashmaankuna meesha laga galo ee albaabka qudha ah uu isagu seexdo...Dadka xabaalahaasi deryeelkooda ka shaqeeyaa. ama waashmaankaasi lacagta ha u kordhiyaan ama haka eryaan...Dadka dhintey ee Meytida ahna in lagu gefaa ma banaana. Dadka ehelka ah ee laga nixinayaanna waa Karaahiyo...Sida aniga oo markii aan warkaa arkay orod isku maqiiqay xabaalihii...

Sidii aan u sii ordayey ee gaadhigu kolba laag igala duulayey, waxaan ku sifeyn karaaa gabaygii Ina Cabdile Xasan:

"Xagar jiqa jaleefaniyo qudhac, jinow wax heeraaya
Jiqtoolaha galooliyo sarmaan, jarafku xiimaayo
Jimbac surad leh jiiqoo isku baxay, jiica iyo siiqda

Jillab xanafle jowdheer qallalan, jabi xanuun weyn leh
Jirma qodax leh jiiqjiiq wax mudi, jeerin iyo yooco
Jirda badan jiroon iyo qadhoon, jaaful iyo seeri

Jafka hawka guuraha waxaan, jar iska xooraayey
Wuxuu jeeni calafow libaax, igu jibaadaayey
Raadkaan ku jiillaa wuxuu, daba jadeemaayey

Jaldhaftiisa qoobka ah waxaan, dib u jalleecaayey
Jaajuurka geesaha wuxuu, jirayey ruuxayga
Waxaan jaamagaarkii cabsida, jimanka buuraayey

Wiyil joof lehiyo yey waxaan, jirif ku keynaanshey
Jinni qabe shabeel ihi wuxuu, igu jalaacaayey
Juq waxaan u soo idhi dugaag, jalabutaynaaya

Wixii gaade jimiq soola xuli, juhunkii ii muuqday
Jititaha hortayda ah waxaan, jaaha kala leexday
Wuxuu jiinka ii maray midgaan, jilibka tooxaaya

Kobaan jeesna ooliyo waxaan, jarar ku aynfaaday
Jawo lagu harraadiyo waxaan, omos jibaaxaayey
Jugleey igu dhawaaqdiyo wuxuu, galowgu jiiqleeyey

Jid abaara oo kulul waxaan, hilin ku jiillaaday
Juunaha xagaagii wuxuu, jaaha iga leefay
Jeedaaladii wuxuu indhaha, jiitay aragoodu

Jarmaadiyo carraababa waxaan, bari u sii jeeday
Xagla jalaqle laafyaha waxaan, jagac ka siinaayey
Jiitada masaafada waxaan, jimiyey tooxeeda

Jaldhiskayga saydhadu waxay, jac iga siinaysey
Jiriiricada ooga waxaan, jararacoonaayey
Cagta jeerarkeediyo waxaan, boqonta jeedaashey

Jalfiska iyo qonofkii waxaan, jag iska siinaayey
Jiljilladiyo seedaha waxaan, jaa'ifo u geystay
Jirridkii xabaallaa wuxuu, jabiyey suulkayga

Jirriqaa abeeriyo waxaan, gocondho jeexaayey
Janqaraara socodkii waxaan, jaynaf macaluulay
Jidaashaan u yeellaa wuxuu, jiidhku iga suumay

Jilbis halaqa iyo good waxaan, jaanta kala booday
Wixii aan ku joogsaday abees, jilifle oo duuban
Maska jiririqleeyaa wuxuu, jiidhis igu dhaafay

Jambareera dhicidii waxaan, jiifka qaban waayey
Hadba jimicsi iyo taah waxaan, jalaqa soo laabay
Jidiindhowga qabatoon waxaan, jiilka rogi waayey

Waxaan jiidha waaberi kacoo, jalafsadoo luuday
Jarmaadada aroortii waxaan, juhul madoobaaday
Waxaan dhegaha jawgii ka baxay, jibindhow moodaayey

Wixii aan jaajuur galay waxaan, jawray badankeyga
Rabbi baygu jeefagaye waxaan, jululay ruuxayga
Jaldhanka iyo baahida waxaan, jalaqa heemaarshey

Haddaan boqor jawaab iiga iman, bad uma jeeleene
Jidhku ima xanuuneen hadduu, joog i leeyahaye

Jeclaantaan u qabay baan u tegay, jaankii badihiiye

Jeer baa Illaah ii qadaray, jiirahaan maraye
Jiidaha in meel loogu wado, jaahil baan garane
Waxse igu jirrabay waa ninkii, jookha ii lulaye

Cayuun jalalowlayn iyo raggaan, jeer fardaha siiyey
Jaamuus lo'aad iyo raggaan, jimir adhi u dhiibay
Ammaan lacag jidhiidhaa furoon, jeebka uga buuxshey

Waxaan gool jinaad weyn qaloon, joome uga gooyey
Xeedhyaha jiriidha leh waxaan, jaari ugu qaaday
Waxaan ramag jimiimici murkaha, uga jufsiinaayey

Waxaan ila-xidh jeexya leh aroos, jalalamluu hooyey
Jirjir malaba iyo foon waxaan, jil uga yeelaayey
Waxaan jaawiduu shiday intaan, jalamaduu shaahshey

Nimankaan jalbeebtooda gole, jurux ka dhawraayey
Inay jaxar abaal iiga dhigi, laabtu jirin mayne
Jasadayda Eebbaan ka heli, taloba waa jeere

Sayid Maxamed Cabdille Xasan

No comments: