Wednesday, January 1, 2014

Madaxweyne Xasan Oo Hadlay Xukuumadda Soo Socota, Alshabaab, Shirka Baydhabo, Puntland Iyo Somaliland

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in bishan gudaheed magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga lagu qaban doono shir lagu dhameystirayo heshiisyadii horay u dhexmaray labada dhinac


Muqdisho - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo wareysi siiyay SNTV ayaa waxa uu uga hadlay marxaladihii ay dowladda Soomaaliya soo martay sanadki tagey ee 2013 iyo higsiga sanadka cusub ee 2014.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xusay in dowladu gaartay guulo iyo horumarro dhinacyo badan, isagoo xusay in lagama maarmaan ay tahay in sanadkan la qabto howlo muhiim ah, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in xukuumadda cusub ay muujin doonto wax qabad la taaban karo.

Waxyaabaha madaxweyne Xasan ka hadlay waxaa ka mid ah dagaalka dowladdu kula jirto Alshabaab, khilaafkii isga iyo Saacid dhex maray, shirka ka socda magaalada Baydhabo iyo maamulada Puntland iyo Somaliland.

Al-shabaab

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa ka hadlay Alshahaab, wuxuuna xusay in dowladdu ay soo dhaweynayso cid walba oo kasoo laabanaysa fikirka Al-shabaab.

Madaxweyne Xasan ayaa dhallinyarada Alshabaab ugu baaqay iney dagaalka iska daayan ka hor inta aan laga adkaan, wuxuuna yiri “Waxaan oran lahaa waxaa wanaagsan in inta aan laga awood badin ay soo raacaan waxay dowladda iyo shacabka Soomaailyeed doonayaa, laakiin waa la hadlaynaa cid walba oo Soomaali ah oo doonaysa inay wadahadal galaan waan soo dhaweynaynaa,”.

“Annagu ma diidanin inaan Al-shabaab la hadalno, balse waxaan diidanahay dhibaatooyinka ay ka mid yihiin dilalka, qaraxyada iyo kuwa kale ee ay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, intay Al-shabaab ay mabda’aas aamisan tahayna innaga iyo iyaga dagaal ayaa naga dhexeeya,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Xasan Daahir


Madaxweynaha Somalia ayaa sidoo kale soo hadal qaaday xariga Sheekh Xasan Daahir Aweys oo bishii lixaad ee sannadkii hore kasoo baxday kooxda Al-shabaab ayaa sheegay inay weli socdaan baaritaanno lagu sameynayo, wixii kasoo baxana ay dowladdu u soo gudbin doonto shacabka.

“Waa run Sheekh Xasan Daahir waxaa gacanta ku haysa dowladda Somalia, baaritaanno badan ayaa socda, arrintiisna aad ayaa loogu mashquulsan yahay, balse waxaan sheegayaa in markii ay baaritaannada ay lasoo gaba-gabeeyay ay dowladdu shacabka ogeysiin doonto wixii kasoo baxa,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Balse wuxuu sheegay in wax walba oo soo baxa lagu dhaqi doono sida ay qabaan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka iyo sidoo kale amniga iyo xaslinta Soomaaliya.

Xukuumaddii Hore Iyo Xukuumadda la sugayo 


Madaxweyne Xasan ayaa dhanka kale soo hadal qaaday khilaafkii soo kala dhexgalay isaga iyo Raysul wasaarihii Cabdi Faarax Shirdoon Saaicd ayaa tilmaamay in xukuumaddii Saacid wax badan qabatay, hase ahaate labadooda kala aragti duwanaasho soo dhex gashay.

“Ra’iisul wasaarihii hore Saacid howl badan ayuu qabtay, balse aniga iyo isaga waxaa nasoo dhexgalay kala aragti duwanaasho habka shaqada ah, mana jirin wax khilaaf ah oo noo dhexeeyay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Wuxuu tilmaamay in xukuumadda soo socota ka duwanaa doonto xukuumaddii Saacid, wuxuuna yiri “Xukuumadda lasoo dhisayo way ka duwanaanaysaa tii hore sida tirada iyo tayadaba, haddii ay la mid noqoneyso tii hore iyada ayaan iska heysan laheyn”.

Wuxuu xusay madaxweyne Xasan ixn xumuumaddu noqon doonto mid ay ka muuqdaan dadka Soomaaliyeed oo dhan, waxna taraysa, isagoo dhanka kalana tilmaamay in sida ay noqonayso iyo cidda ka mid noqonaysa ay u tallo ra’iisul wasaaraha cusub Cabdi Weli Sheekh Axmed.

Shirka Baydhabo

Dhanka kale, madaxweyne Xasan ayaa ka hadlay shirka maamul dhisidda ee ka socda magaalada Baydhabo, isagoo xusay inuu soo dhaweynayo shirkaas, wuxuuse xusay ineysan aqbali doonin in la burburiyo wixii horay loo dhisay.

“Dowladda Soomaaliya waxaa ka go’an inay taageerto inay dadka Soomaaliyeed aayahooda ka tashadaan, in Baydhabo la isugu yimaadana waa mid mudan in la ammaano, balse dowladdu fariinteedu waxay tahay in meeshii maamul uusan ka jirin maamul loo sameeyo, meeshii uu maamul ka jiro oo arrimahooda la dhaliilsan yahayna aan wax ka saxno, balse maamul horay u jiray in la dumiyo ma ogolaanayno,” ayuu yiri madaxweyne Xasan.

Puntland Iyo Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrinta Puntland ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan horumarka Puntland iyo in doorasho, wuxuuna xildhibaanada cusub kula taliyey iney doortaan qofkii wax u taraya Puntland.

“Waxaan ku boorrinayaa xildhibaannada Puntland inay soo doortaan qofkii Puntland wax u taraya, kaasoo lagu qasbo inuu dowladda dhexe wax la wadaago, Waxaan ku boorrinaynaa shacabka Puntland inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara kala fogaasho, xumaan iyo kala-qaybsanaan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay wadahadalladii u dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland, wuxuuna sheegay in bishan gudaheed magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga lagu qaban doono shir lagu dhameystirayo heshiisyadii horay u dhexmaray labada dhinac.

Source: Mareeg.com

No comments: