Search This Blog

Saturday, January 12, 2013

Qormadii: 6aad - Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka: Xeer-dejin iyo Xukuumad Is-Xanbaar ah. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale



Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
 Xeerkii Nabad Sugidda ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya

Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo hoggaaminayay koox saraakiil ciidameed ah, ayaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ku qabsaday inqilaab milleteri 21kii Oktoobar, 1969kii. Inqilaabkan millateri oo aanu dhiig ku daadan, ayaa dalka ka dhacay ka dib markii uu ka talinayay nidaam Baarlamaan-ku-sheeg ahaa oo sagaal sannadood xukunka hayay. Maamul aad u liitay oo musuq-maasuq, eex iyo qabyaalad ku sifoobay oo dal iyo dadba khaati laga joogay ayuu ahaa. Koox yar oo reernimo isku hayasatay ayaa talada dalka gacanta ku haysay.

Cabdillaahi Suldaan, mar uu xaaladdii tagneyd sawir ka bixinayay waxa laga hayaa:

“Iyada oo isku huurtayoo,
Ninba meesha uu haysto,
Hudheelkiisii la moodoon,
Xafiis loogu hagaaginoo,
Cidiba soo hor maraynin,
Haybaddii naga duushay,
Habeenkaanu hellow,”

Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tarjumayaa dareenkii baahay ee shacbiga ahaa ee lagu naawilayay in ay sida roon wax isu beddelaan. Waa tii maansayahnkii Axmed ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasim, qudhiisuna saadaasha ka bixiyay ee lahaa:

“Cishadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, caalimka ahaaye,
Anigaa se moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, caabud iyo gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,”

Nidaamka bahaloobay wuxu ku soo af-jarmay dilkii bahalnimada ahaa ee Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo 15kii Oktoobar 1969kii nin askari ah oo ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood. Lix maalmood ka dib, iyada oo ay qoyskii talada dalka maroorsaday iyo intii ku xeerreyd ku shirayaan Xaruntii Xisbigii SYL, ayay ciidammadii qalabkii siday ee Xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre inqilaab milleteri taladii dalka kula wareegay.

Maansayahankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde, mar uu habeenkaa sifaynayay wuxu yidhi:

“Annaga oo habayaaqnayoo,
Meel fog heeryada saarrayoo,
Qeyrkeen hoos ka marriyo,
Hadda oon is-ogeynoo,
Hog dheer laynagu duugaa,
Heddu waa waqtigeedee,
Hoggay Leego (SYL) gelaysay,
Hugun weyni ka yeedhayoo,
Anaa qaadi hoggaankiyo,
Anaa xoolo huraayiyo,
Hayb saran ka dhashay,
Ninba hoygi ku faanayoo,
Hig tidhoy kala yaacdayoo,
Hormaba gees u dullaantayoo,
Heshiis layska dhex waayay,”

Maxamed Siyaad Barre, taladan dalka ee uu qoriga caaradiisa kula wareegay ma ay ahayn mid ku-soo-booddo ah oo habeen uu seexanayay ku dhalatay, bal se waxay ahayd fikrad uu ka baaraan-degay oo uu soo diyaarinayay tan iyo 1967kii sida ay noo sheegeen looga-qaateenkii abaabulkaa wax ka ogaa.

Si uu dalka u maamulo oo uu gacantiisa ugu jiro, wuxu markiiba sameeyay wax uu ugu yeedhay Golaha Sare ee Kacaanka. Garo’ oo inqilaabkii uu talada kula wareegay ayuu asturay oo u bixiyay ‘Kacaan’, bal se ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kadeed aan ilaa maanta ka hadhin ayuu u ahaa. Golaha Sare ee Kacaanka afka Ingiriisiga waxa lagu odhan jiray ‘Supreme Revolutionary Council’ oo loo soo gaabsan jiray SRC. Golaha Sare ee Kacaanka waxa loo soo gaabsan jiray GSK. Ereygan ‘Kacaanku’ beryodanbe ayuu baxay e’ maalmihii hore waxa la odhan jiray ‘Towradda’. Labada waxa caan-bacay oo ay dadku inta badan ku hadaaqi jireen amaba hal-hays u lahaayeen ‘SRC’-da. Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre si uu taladii dalka gacanta ugu dhigo isla markaana ay ugu suuro-gasho in uu ummadda sas iyo khalkhal ku abuuro, wuxu samaystay Hay’adihii cadaadiska iyo cabbudhinta ee uu ummadda ku san-dulleyn lahaa. Hay’adahaan cadaadiska waxa ugu horreysay oo dhidibbada loo taagay Hay’addii la eeday ee magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) lagula kufay, oo markii danbena dadku iyaga oo liidaya ay ula baxeen Ninka Suubban Siyaad (NSS) maa daama Axmed Saleebaan Cabdalle oo hay’addaa madax ka ahaa uu qabay Suubban Maxamed Siyaad Barre.

Xeerkan, aan maanta idiin soo tarjumayo waa markii iigu horreysay ee aan indhahayga saaro. Aniga oo ka soo hawl-galay Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Muqdisho ayay haddana maanta kow ii tahay in aan Xeerkaa Soomaali oo dhan gumeystay markii iigu horreysay arko. Miyaanay Deelleeydii Cabdi Cali Weyd ee ‘Dacawaa cir ku onkoday’ ku jirin tuducan soo socdaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”

Ma aniga iyo cid baa ku seexatay 10 sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo 21 sannadood oo madax-bannaani la haystay ayaa la isku qabsan doonaa Xeer Sir-doon  Qaran iyo magacyadii jaan ee ummadda laga xoreeyay.

Sow tii Raage Ugaas lahaa:

“Anuun baa ‘abeed’ lehe rag sow, ima ilaalaysan,
Sow waxaan illoobaba nin xumi, ima ogeysiiyo,”

Aynu u soo daaddegno Hay’adda, Xeerkii lagu dhisay iyo ujeeddooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre ka lahaa.

Hay’addii Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee loo soo gaabsan jiray NSS, waxa lagu dhisay Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee soo baxay 15kii Feeberweri, 1970kii. Sharciyayntii Xeerkan waxa lagu ballaysimay, annaga oo soo xiganayna Xeer Lm. 14 laftiisii oo PDF Ingiriisi ku qorani, wuxu ku bilaabmayaa:

Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,

Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:

(La soco Qormada 7aad ………)

Qormada: 5aad: Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah (Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka) – Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale



 Xeer-dejin iyo Xukuumad is-xanbaar ah (Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka) – Qormada: 5aad. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
  (Waxa weli idiin socda Xeerkii Nabadgelyada ee SNM ee 1988kii)..

1.       Ka-hor-tegidda, kharbudaadda cadowga, qabashada basaasiinta, adeegayaashiisa iyo u gudbintooda hay’adaha Xeer Ilaalinta,
2.       Is-kaashiga iyo kala-qayb-qaadashada Waaxaha Ciidammada sahanka fog,
3.       Samaynta iyo ilaalinta xidhiidhada gudaha ee hawlaha nabad-sugidda khuseeya,
4.       Wada-shaqaynta & war-is-dhaafsiga Hay’adaha nabad-sugideed ee saaxiibka lala yahay,
5.       Diiwaan-gelinta dhammaan xubnaha muhiimka ah & daaquudyada u shaqeeya Taliska Siyaad Barre,
6.       Diiwaan-gelinta xubnaha iskood Ururka uga baxay, kuwa laga saaray, kuwa cadowga u gala iyo la-socodka dhaqdhaqaaqyada si la isu hor taago wixii waxyeello ay Ururka ku keeni karaan,
7.       La-socodsiinta Guddoomiyaha & Guddida Fukinta xaaladda nabadgelyada Ururka si joogto ah,
8.       Guud ahaan la-socodka xeryaha Qaxootiga si aanu cadowgu ugu soo dhex darsan basaasiin,
9.       Ka-hor-tagga dacaayadaha af iyo qoraalba leh ee wax loogu dhimayo jiritaanka Ururka iyo xubnihiisa,
1.       10.Ka-war-qabka & hubinta nabadgelyada waddooyinka wax u soo maraan Ururka,
10.   Ilaalinta siraha Ururka,  
Saxeexa
Maxamed Ibraahin Warsame Cabdi Yuusuf Ducaale
Guddoomiyaha Guddida Joogtada Xoghayaha G/Dhexe iyo G/Joogtada

Bal hadda immikana aynu guud-mar kooban ku samaynno maamulladii u kala danbeeyay Somaliland iyo waxyaabihii ay ka qabteen Xafiiska ‘CID’-da iyo Sir-doonka Qaranka ee Somaliland. Idinka oo raalli iga noqon doona, ma aha baadhis qoto-dheer bal se si sar-ka-xaadis ah oo aan qoto dheer lahayn ayaan idiin ku soo gudbinayaa.

Maamulladii Somaliland iyo Sir-doonka:

Maamulkii Mudane Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur): 1991kii-1993kii

Muddadan ama xilligan kala-guurka ahaa, 18/5/1991kii-18/5/1993kii, ee uu Cabdiraxmaan Axmed Cali oo loo yaqaannay Tuur hayay hoggaaminta SNM iyo dalkaba, wax badan oo qabsoomay ma jirin. Waxay ahaayeen laba sannadood oo kala-guur ku suntanaa oo ku dhammaaday dagaallo iyo colaado sokeeye oo la eeday oo aan la mahadin. Nasiib-wanaag waxa qabsoomay Shirkii Nabadaynta ee Sheekh oo lagu go’aansaday Shirweynihii Guurtida ee 1993kii ku qabsoomay Boorame.

Maamulkii Mudane Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal: 1993kii-2002dii

Madaxweyne Cigaal waxa lagu doortay Shirweynihii Boorame iyada oo la siiyay laba sannadood oo ku-meel-gaadh ah oo ay ahayd in uu Dastuur Qaran ku diyaariyo. Ma ay dhicin, waxaana loo kordhiyay muddo 18 bilood ah oo kale. Iyada oo ay hawlo badani qabsoomeen, waxaynu halkan uga gol leenahay maxaa laga qabtay hay’adaha Amniga.

Intii uu Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal talada dalka ahay waxa dhismay: Ciidammadii booliska, asluubta iyo ciidanka qaranka. Maamulkaa Cigaal waxa kale oo uu culayska saaray dhismaha Laanta Denbi-baadhista ee loo yaqaanno CID’-da. Maa daama uu Cigaal madax ka ahaan jiray maamulkii Soomaaliya xilliyadii uu Ra’iisal Wasaaraha ahaa, wax la yaab leh ma aha in uu dhiso booliska iyo weliba laanta ‘CID’-da.

Cigaal, waayo-aragnimo badan oo door ah ayuu u lahaa dhismaha dawladeed iyo hoggaaminteedaba, taasina waa ta keentay in uu lahaa dhismihii ugu mudnaa uguna horreeyay ee hannaanka dawladnimo, wixii ka danbeeyay 1991kii. Wax la yaab leh ma aha in aanu Madaxweyne Cigaal aad u danaynin dhismaha Hay’ad Sir-doon ma daama uu ka mid ahaa dadkii siyaasiyiinta ahaa ee ugu necbaa nidaamkii keli-taliska ahaa ee Siyaad Barre.

In kasta oo aanay ku koobnaan jirin baadhista denbiyada oo keliya, haddana waxay ahayd ‘CID’-du gacantii uu Cigaal u adeegsan jiray cabbudhinta saxaafadda oo mararka qaarkood xabsiyada loo taxaabi jiray.

Maamulkii Mudane Daahir Ra’ayaale Kaahin: 2002dii-2010kii

Daahir Ra’yaale Kaahin, waa uu ka duwanaa dhammaan Madaxweynayaashii Somaliland soo maray: mid dhintay iyo mid noolba. Iyada oo ay Laantii Baadhista Denbiyada ee ‘‘CID’-du ay iska sii koraysay ayuu ku guulaystay in uu dhiso shebeked Sir-doon oo la yaab leh oo gude iyo dibadba laga dareemay. Taasi mid qiimayntayda qof ahaaneed ku timid ma aha, bal se waa wax duniduba u qirtay.

Waxa loogu wan-qalay Hay’adda Sir-doonka Qaranka. Dad maanta ka mid ah mas’uuliinta Muqdisho ayaa igu yidhi mar ay Hargeysa yimaaddeen, Sir-doonka ugu fiican ee Soomaaliya ka hawl-galaa waa ka Somaliland. Waxa kale oo xusuus gaar ah mudan iyo in hoosta laga xarriiqaba in aanu Sir-doonkaa Daahir Ra’yaale inta badan isku hawli jirin hawlo lagu cadaadinayo shacbiga. Wuxu ku hawlanaan jiray arrimaha la xidhiidha argaggixisada iyo wixii minja-xaabin ah ee Qarankan curdinka ah lagu waday.

Tan macnaheedu ma aha in aan la cabbudhin jirin saxaafadda iyo xorriyatul-qowlkaba. Haa…tasi waa ay dhici jirtay, waxa se inta badan loo adeegsan jiray Laanta Baadhista Denbiyada ee loo yaqaan ‘CID’-da. Daahir Ra’yaale wuxu ku guulaystay in uu sameeyo Sir-doon hawl-gal ah oo gude iyo dibadba isku xidhan. Waxa kale oo la yaab lahaa iskaashigii mugga iyo baaxaddaba lahaa ee uu Sir-doonkaa Qaranku la lahaa dhiggiisa dibadeed: mid goboleed iyo mid caalami ahba.

Ceebta halkan ka muuqatay waxay ahayd in aanay Hay’addaa Sir-doonka Qaranku sharciyaysnayn oo aanay wax Xeer ah lahayn iyada oo haddana si rasmiya u hawl-geli jirtay.

“Intaa waxan ku soo dhaafayaa, dhiilladii hore,” iyo sidii ay maammulladii Somaliland iskaga danbeeyay uga hawl-galeen Hay’adaha “CID”-da iyo sir-doonka Qaranka.Bal hadda immikana si aynu sawir uga qaadanno aan eegno oo oo dhex-qaadno Xeerkii Nabad Sugigga Soomaaliyeed ee Nidaamkii Siyaad Barre, kaas oo aynu ku dhererin doonno Xeerka Sir-doonka Qaranka ee Somaliland.

(La soco Qormada 6aad …………....)

Muuqaal u Eeg MALAG oo lagu arkay Masjid ku Yaal Madiina

Arin si weyn loola yaabay caalamka gaar ahaan masaajidka Nabiga (Naxariis iyo Nabadgalyo Korkiisa Ha Ahaatee) Ee Madiina Munawara ayaa lagu arkay kadib markii uu jamacii masaajidkaasi fadhiyay uu soo dhex fadhiistay qof u eeg Malag sida ay sheegeen wadaada ku sugnaaaa masaajidkaasi.

Muqaalkaan ayaa si weyn looga hadal hayaa caalamka Islaamka ayadoo si weyn ay ula yaabeen guud ahaan shacabka Islaamku waxaana ay noqotay arin anfariir iyo amakaak ku riday caalamka.

Muqaalkan sida weyn looga naxay ayaa u eeg Malag waxaana xilagaasi si wayn looga baahiyay warbaahinta dalka Sacuudiga waxaana ka dhashay masaa’il Diini ah.

Kaamiradaha masaajidka ku rakiban ayaa duubay muuqaalkan Mucjisada ah.
Halkan ka Daawo Muuqaalka

MUCJISO CAJIIB AH: DAAWO WIIL YAR OO KU DHASHAY IYADOO JIRKIISA UU KU QARAN YAHAY QURAANKA KARIIMKA AH


 
http://www.youtube.com/watch?v=Gd5kj7IeYcA&feature=player_embedded

Mucjiso Gabadh Lugo Dahab ah Leh Daawo Video!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!!

Wefdiyo kala duwan oo u ka kooban hal-doorka Somaliland Siyaasiyiin, Ganacsato Madax-dhaqameed iyo Aqoonyahano Djibouti ugu Kicitimay ka qayb-galka Aaska Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd


Hargeysa - Wefdiyo kala duwan oo u ka kooban hal-doorka Somalilayn Siyaasiyiin, Ganacsato Madax-dhaqameed iyo Aqoonyahano u Kicitimay ka qayb-galka Aaska Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd.

Wefdigii ugu horeeyay ee saaka ka dhoofay Garoonka Diyaaradaha Hargeysa ee ka qayb-galaya Tacsida iyo Aaska Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd ayaa waxa ka mid ah Ugaas Xawaareeye, Maxamed Xuseen (Indho-birta), Maayarka Caasimada Hargeysa Eng. Yuusuf Warsame, Dr. Axmed Xuseen Ciise iyo Xubno ka kala tirsan Goleyaasha Guurtida iyo Wakiiladda.

Magacyada Masuuliyiinta Somaliland ee dalka Djibouti ugu kicitimay Aaska Marxuum Jaamac Maxamuud Xayd Gudoomiyihii Bangiga Dhexe ee Jamhuuriyadda Djibouti goor dhow ayaanu idiin soo gudbin doonaa, iyadoo diyaarado kale oo dhowr ahna la filayo inay maanta gelinka dambe qaadaan dadka ka qayb-galaya aaska Marxuumka, Illaahay naxariistii Jano ha ka waraabiyo Aamiin.




Short URL: http://waaheen.com/?p=57271

TACSI KU SOCOTA MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA JABUUTI, MARWADIISA IYO SHACABKA JAMHUURIYADA JABUUTI

Anigoo ku hadlaya magaca dhamaan Maamulka iyo xubnaha Gudiga Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika ee HORN WATCH anagoo la qaybsanaya guud ahaan Shacabka Jamhuuriyada Jabuuti tiiraanyada geerida naxdinta leh ee ku timid Gudoomiyihii Baanka Dhexe ee Dalka Jambuuti Jama Mohamoud Haid tacsidan u dirayaan:


MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA JABUUTI MUDANE ISMAIL OMAR GEELEH IYO MARWADIISA KHADRA MOHAMOUD HAID IYO SIDOO KALE GUUD AHAAN SHACABKA JAMHUURIYADA JABUUTI EE UU KA BAXAY JAAMAC MOHAMOUD HAID. 

NAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJUCUUN
 

EEBE KOREEYE WAXANU KA BARYAYNAA IN UU NAXARIISTIISA JANO KA WARAABIYO MARXUUNKA ADOON WANAAGSAN OO QARANKIISA U ADEEGA OO DADKA BAAHAN WAX SIIYA AYUU AHAA EE EEBOW SADAQADII UU ADOOMAHAAGA SIINAYAY UGU NAXARIISO.

MADAXWAYNAHA JAMHUURIYADA JABUUTI MUDANE ISMAIL OMAR GEELEH IYO MARWADIISA KHADRA MOHAMOUD HAID IYO  GUUD AHAAN SHACABKA JAMHUURIYADA JABUUTI WAXANU LEENAHAY SAMIR IYO IIMAAN EEBE HA IDINKA SIIYO

TACSIDAN MID LA MID AH WAXANU U DIRAYNAA OORADII UU KA TAGAY MARXUUNKU, CARUURTIISII WALAALADII, QARAABADIISII IYO DHAMAAN SHAQAALIHII BANIGAGA DHEXE EE JAMHUURIYADA JABUUTI

WAXANU ILAAHAY KA TUUGAYNAA IN UU JANADII KA WARAABIYO MARXUUNKA

INAA LILAAHI WA INAA ILAAHU RAAJUCUUN

AAAMIIN AAAMIN AAAAMIN AAAMIN AAAAMIN AAAMIN

Suleiman Ismail Bolalah
Gud. Gudida Ilaalada Xuquuqda Aadamiga Geeska Afrika (HORN-WATCH)

Madaxweyne Siilaanyo Oo Dawladda Jabuuti Ka Tacsiyadeeyay Geerida Gudoomiyahoodii Baanka


Hargeysa - Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal tacsi ah u diray dawladda iyo shacbiga Jamhuuriyadda Jabuuti oo uu ka tacsiyadeeyay geerida ALLE ha u naxariistee Marxuum-Jaamac Maxamuud (Xayd) oo ahaa Gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jabuuti oo caawa ku geeriyooday dalka Kenya.

Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu soo saaray Afhayeenka Madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa xukuumada iyo shacbiga Jabuuti oo uu ka tacsiyadaynayo geeridii ku timid ALLE HA U NAXARIITSEE MARXUUM JAAMAC MAXAMUUD XAYD oo ahaa gudoomiyihii Baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo ku geeriyooday magaalada Nairobi ee wadanka Kiniya oo xaaladiisa caafimaad darteed loo geeyey.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) sidoo kale waxa uu ka tacsiyadaynayaa geeridaasi eheladii iyo qaraabadii marxuum jaamac Maxamuud Xayd, waxa uu illaahay uga baryayaa marxuumka in uu naxariistii janno ka waraabiyo eheladii iyo shacbiga jabuutina uu samir iyo iimaan ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”

Combined Joint Task Force - Horn of Africa Commander's New Year Message

To CAMP LEMONNIER, Djibouti, Jan 02, 2013 —

To the men and women of Combined Joint Task Force - Horn of Africa,

 As the New Year approaches, I would like to thank you for your dedication
 that has made 2012 a successful year for CJTF-HOA. Together we have moved
 closer to achieving our vision of being the security partner of choice in an
 increasingly secure, stable, and developing East Africa.

 The year 2012 will be known as "the year of change" for CJTF-HOA, as we
 assumed our new role as the supported command for all military operations,
 exercises, and security cooperation in East Africa. To that end, we have
 made tremendous progress.

 We centralized command and control of all land based and joint aviation
 operations with the establishment of a Joint Force Land Component Command
 (JFLCC) and HOA Air Component (HOA-AC), respectively. We issued and began
 executing the HOA Campaign Plan and related operational orders, codifying
 and setting into motion our vision for East Africa.

 We implemented a medical evacuation plan to provide 24/7, 365 day/year
 personnel recovery for all U.S. personnel. And most importantly, our efforts
 contributed to protecting America, American citizens, and American interests
 from threats emanating from East Africa.


Major General Rob Baker, Commander

The year 2013 will allow us to capitalize on our hard work and successes of
 2012. We will bring together those international partners working alongside
 us in East Africa to share plans on future military support to the region.

 We will look toward the future strategic environment in 2025 to identify the
 requirements necessary to support our mission here, and begin to posture
 ourselves accordingly. And we will continue to focus our operations,
 exercises, and security cooperation on the operational and institutional
 capabilities that our East African military counterparts need the most.

 Thank you for your commitment to each other, to our mission, and to our
 African partners. I look forward to working with each of you in the New
 Year!

 Respectfully,

 MG Ralph (Rob) Baker, USA
 Commander, Combined JTF-Horn of Africa
 Djibouti, Africa

Job Vacancy: International Crises Group Seeks Analyst, Somalia

International Crises Group Seeks 
Analyst, Somalia
Role:
 
Based in Nairobi, or the region, the successful candidate will research and produce reports on security, conflict, local politics, governance, social and development issues, analysing long and short-term challenges to stabilisation, security and development in Somalia, and recommending measures to achieve these goals. 

Responsibilities:
  • Conduct extensive research into prevailing security, political and social conditions in Somalia;
  • Provide analysis and advice on key security issues facing Somalia to promote stability, security and development;
  • Prepare at least three detailed reports per year or the equivalent in briefing papers, setting out relevant research findings and policy recommendations;
  • Carry out advocacy and media work to disseminate research findings and recommendations;
  • Work closely and liaise with representatives of governments and international and local organisations in gathering information, seeking input and feedback, and supporting the distribution of Crisis Group reports and recommendations. 
 Requirements:
  • Extensive knowledge of politics and society in Somalia, with significant field experience in the region;
  • Experience in political analysis and conflict prevention;
  • Three to five years professional experience in government, academia, international organisations, NGOs or journalism;
  • Excellent writing, editing and analytical skills and ability to formulate well-targeted policy recommendations; 
  • Written and spoken fluency in English and proficiency in Somali preferred;
  • Masters degree in international relations, political science, journalism, sociology or equivalent through experience;
  • Excellent interpersonal and communication skills, including good public presentation skills, and a very strong capacity for effective teamwork;
  • Ability to work independently in a fast-paced and often demanding environment.
Application Procedure:
Applications should be submitted in English and include a CV, cover letter, contact details of at least 3 referees and two short writing samples pertaining to conflict issues in the region. In the cover letter (which should be sent as an e-mail) the candidate should briefly propose his or her own ideas on themes for two future Crisis Group reports relating to conflict in Somalia and briefly describe how she/he would research them (in no more than two pages). Please refer to Crisis Group's website for previous publications: http://www.crisisgroup.org

Please send applications by email to africa.vacancies@crisisgroup.org including “Analyst, Somalia" in the subject line of the e-mail. Recruitment will remain open until the appropriate candidate is appointed. Only short-listed candidates will be contacted. No phone calls or emails please.

Crisis Group offers a competitive salary commensurate with experience and an excellent benefits package.