Saturday, January 12, 2013

Qormadii: 6aad - Gorfaynta Xeerka Sir-doonka Qaranka: Xakamaynta Qawlka iyo Qalinka: Xeer-dejin iyo Xukuumad Is-Xanbaar ah. Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale



Qalinkii Muj. Boobe Yuusuf Ducaale
 Xeerkii Nabad Sugidda ee Jamhuuriyaddii Dimuqraadiga ahayd ee Soomaaliya

Jeneraal Maxamed Siyaad Barre oo hoggaaminayay koox saraakiil ciidameed ah, ayaa Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed ku qabsaday inqilaab milleteri 21kii Oktoobar, 1969kii. Inqilaabkan millateri oo aanu dhiig ku daadan, ayaa dalka ka dhacay ka dib markii uu ka talinayay nidaam Baarlamaan-ku-sheeg ahaa oo sagaal sannadood xukunka hayay. Maamul aad u liitay oo musuq-maasuq, eex iyo qabyaalad ku sifoobay oo dal iyo dadba khaati laga joogay ayuu ahaa. Koox yar oo reernimo isku hayasatay ayaa talada dalka gacanta ku haysay.

Cabdillaahi Suldaan, mar uu xaaladdii tagneyd sawir ka bixinayay waxa laga hayaa:

“Iyada oo isku huurtayoo,
Ninba meesha uu haysto,
Hudheelkiisii la moodoon,
Xafiis loogu hagaaginoo,
Cidiba soo hor maraynin,
Haybaddii naga duushay,
Habeenkaanu hellow,”

Cabdillaahi Suldaan, wuxu ka tarjumayaa dareenkii baahay ee shacbiga ahaa ee lagu naawilayay in ay sida roon wax isu beddelaan. Waa tii maansayahnkii Axmed ismaaciil oo loo yaqaannay Qaasim, qudhiisuna saadaasha ka bixiyay ee lahaa:

“Cishadii gashaba waagu waa, caynad gooniyahe,
Caammadu waxay moodayaan, curasho dayreede,
Cilmi Felegga way garan raggii, caalimka ahaaye,
Anigaa se moorada cakiran, kuu caddayn kara e’,
Cirsan-ka-yeedhkii maantana war buu, sheegay Caliyow e’,

Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa, cirirki soo dhaafye,
Carruuraha la dhacay awliyada, laga cadhaysiiyay,
Carshigaaba laga soo aqbalay, cabashadoodiiye,
Caawaa la kala soocayaa, caabud iyo gaal e’,
Casha aan fogeyn waxays beddeli, ciidan fara weyne,
Caaddaa rag koray buu nabsigu, hoos u soo celinne,”

Nidaamka bahaloobay wuxu ku soo af-jarmay dilkii bahalnimada ahaa ee Madaxweynihii Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed oo 15kii Oktoobar 1969kii nin askari ah oo ilaalinayay ku toogtay magaalada Laas-caanood. Lix maalmood ka dib, iyada oo ay qoyskii talada dalka maroorsaday iyo intii ku xeerreyd ku shirayaan Xaruntii Xisbigii SYL, ayay ciidammadii qalabkii siday ee Xoogga dalka oo uu hoggaaminayay Jeneraal Maxamed Siyaad Barre inqilaab milleteri taladii dalka kula wareegay.

Maansayahankii waddaniga ahaa ee Cabdillaahi Suldaan oo loo yaqaannay Timacadde, mar uu habeenkaa sifaynayay wuxu yidhi:

“Annaga oo habayaaqnayoo,
Meel fog heeryada saarrayoo,
Qeyrkeen hoos ka marriyo,
Hadda oon is-ogeynoo,
Hog dheer laynagu duugaa,
Heddu waa waqtigeedee,
Hoggay Leego (SYL) gelaysay,
Hugun weyni ka yeedhayoo,
Anaa qaadi hoggaankiyo,
Anaa xoolo huraayiyo,
Hayb saran ka dhashay,
Ninba hoygi ku faanayoo,
Hig tidhoy kala yaacdayoo,
Hormaba gees u dullaantayoo,
Heshiis layska dhex waayay,”

Maxamed Siyaad Barre, taladan dalka ee uu qoriga caaradiisa kula wareegay ma ay ahayn mid ku-soo-booddo ah oo habeen uu seexanayay ku dhalatay, bal se waxay ahayd fikrad uu ka baaraan-degay oo uu soo diyaarinayay tan iyo 1967kii sida ay noo sheegeen looga-qaateenkii abaabulkaa wax ka ogaa.

Si uu dalka u maamulo oo uu gacantiisa ugu jiro, wuxu markiiba sameeyay wax uu ugu yeedhay Golaha Sare ee Kacaanka. Garo’ oo inqilaabkii uu talada kula wareegay ayuu asturay oo u bixiyay ‘Kacaan’, bal se ummadda Soomaaliyeed meel ay joogtaba kadeed aan ilaa maanta ka hadhin ayuu u ahaa. Golaha Sare ee Kacaanka afka Ingiriisiga waxa lagu odhan jiray ‘Supreme Revolutionary Council’ oo loo soo gaabsan jiray SRC. Golaha Sare ee Kacaanka waxa loo soo gaabsan jiray GSK. Ereygan ‘Kacaanku’ beryodanbe ayuu baxay e’ maalmihii hore waxa la odhan jiray ‘Towradda’. Labada waxa caan-bacay oo ay dadku inta badan ku hadaaqi jireen amaba hal-hays u lahaayeen ‘SRC’-da. Taliskii milleteriga ahaa ee Maxamed Siyaad Barre si uu taladii dalka gacanta ugu dhigo isla markaana ay ugu suuro-gasho in uu ummadda sas iyo khalkhal ku abuuro, wuxu samaystay Hay’adihii cadaadiska iyo cabbudhinta ee uu ummadda ku san-dulleyn lahaa. Hay’adahaan cadaadiska waxa ugu horreysay oo dhidibbada loo taagay Hay’addii la eeday ee magaca Nabad Sugidda Soomaaliyeed (NSS) lagula kufay, oo markii danbena dadku iyaga oo liidaya ay ula baxeen Ninka Suubban Siyaad (NSS) maa daama Axmed Saleebaan Cabdalle oo hay’addaa madax ka ahaa uu qabay Suubban Maxamed Siyaad Barre.

Xeerkan, aan maanta idiin soo tarjumayo waa markii iigu horreysay ee aan indhahayga saaro. Aniga oo ka soo hawl-galay Xaruntii Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS) ee Muqdisho ayay haddana maanta kow ii tahay in aan Xeerkaa Soomaali oo dhan gumeystay markii iigu horreysay arko. Miyaanay Deelleeydii Cabdi Cali Weyd ee ‘Dacawaa cir ku onkoday’ ku jirin tuducan soo socdaa:

“Ninkii dabin libaax dhigay,
Daf u tidhi sakaaradu,
Markuu soo dul joogsaday,
Wuxu yidhi umaba daban,”

Ma aniga iyo cid baa ku seexatay 10 sannadood oo halgan hubeysan ahaa iyo 21 sannadood oo madax-bannaani la haystay ayaa la isku qabsan doonaa Xeer Sir-doon  Qaran iyo magacyadii jaan ee ummadda laga xoreeyay.

Sow tii Raage Ugaas lahaa:

“Anuun baa ‘abeed’ lehe rag sow, ima ilaalaysan,
Sow waxaan illoobaba nin xumi, ima ogeysiiyo,”

Aynu u soo daaddegno Hay’adda, Xeerkii lagu dhisay iyo ujeeddooyinkii uu Maxamed Siyaad Barre ka lahaa.

Hay’addii Nabad Sugidda Soomaaliyeed ee loo soo gaabsan jiray NSS, waxa lagu dhisay Xeerka lambarkiisu yahay 14 ee soo baxay 15kii Feeberweri, 1970kii. Sharciyayntii Xeerkan waxa lagu ballaysimay, annaga oo soo xiganayna Xeer Lm. 14 laftiisii oo PDF Ingiriisi ku qorani, wuxu ku bilaabmayaa:

Guddoomiyaha Golaha Sare ee kacaanku markii uu arkay Axdiga Koowaad ee Kacaanka isla markaana tix-geliyay baahida loo qabo Hay’ad Nabad-sugideed,

Wuxu oggolaaday isla markaana dhaqan-geliyay Xeerkan:

(La soco Qormada 7aad ………)

No comments: