Saturday, December 21, 2013

MAXKMADA DASTUURIGA AH EE SOMALILAND OO HAKISAY FADHIYADA GOLAHA WAKIILADA


Hargeysa - Wararka laga helaayo saraakiisha maxkamada sare ee Somaliland ayaa sheegayaa in maxkamad gobolka Maroodijeex hakad galisay fadhiyadii golaha wakiilada oo uu maanta furmay kal fadhigoodii 23-aad

ilo wareedyo aad ugu dhaw dhaw gudoomiyaha maxkamada sare ee Somaliland Yuusuf Ismaacil  ayaa sheegaya inuu amar qoraala u diray shirgudoonka golaha wakiilada, gaar ahaana gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro.

si rasmiya looma oga amarka uu godoomiyaha maxkmadu u qoray gudoomiyaha golaha wakiilada Somaliland, iyadoo maanta laf ilaayey in labada gudoomiye ku xigeen ay dacwad ka dhana Cabdiraxmaan ciro u gudbiyaan maxkmada sare ee Somaliland.

amarkan maxkamada ayaa ku soo beegmaya xili ay saaka aroortii lagu kala calaf qaaday meel marinta qaar ka mida guddiyada golaha wakiilada ee khilaafka ka dhashay.

Source: Somalilandmedia.com

No comments: