Saturday, December 21, 2013

Kenya oo biloowday xarun internet oo lagu soo gudbiyo xogaha dambiyada


Nariobi - Kenyanka ayaa hadda si toos ah xukuumadda ugu soo sheegi kara dhaqdhaqaaqyada ay ka shakiyaan iyagoo u adeegsanaya bog cusub oo Khamiistii (19-kii December) ay biloowday Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Xiriirka Dawladda Qaranka.

Muwaadiniinta ayaa fiidiyow ka duubi kara ama sawirro ka qaadi kara khataraha ammaanka dabadeedna galinaya bogga cusub, oo la yiraahdo Usalama Watch (usalamawatch.go.ke), waxayna "madaxdu qaadi doonaan tallaabo", sida laga soo xigtay wasaaradda.

"UsalamaWatch ayaa isticmaali doonta nidaamyo kala duwan sida warbaahinta bulshada, macluumaad iyo baadhitaanno si ay goor walba u hagaajiso nabadgelyada Kenyanka," ayey wasaaraddu ku sheegtay Twitter. "UsalamaWatch waa hannaan kabaya nidaamyada imika jira ee lagu soo wargaliyo xaaladaha degdegta ah sida 112 iyo 999."

Xoghayaha Golaha Wasiirada ee Arrimaha Gudaha iyo Xirrirka Xukuumadda Qaranka Joseph Ole Lenku ayaa sheegay in bilowga bogga uu qeyb ka yahay 100-ka maalmood ee Hawlgalka Natiijada Degdegta ah ee Ammaanka, siday ay sheegtay Capital FM-ta Kenya.


"Waxaan rabnaa inaan qabanno Hawlgalka Natiijada Degdegta ah ee ay wasaaraddu la sameeysay saamileeyda kale si aan u hubino in wax laga qabto arrimaha ammaanka ee soo kordha," ayuu yidhi Lenku, isagoo raaciyey in ciidamada bilaysku ay damacsan yihiin inay teknolojiyada warfaafinta si dheeraad ah ugu isticmaalaan sugidda ammaanka.

No comments: