Tuesday, December 31, 2013

Internetkii Somcable Fiber Optic oo hawada galay, isagoo lagu xidhay Guleid Hotel oo ay ka furmayso Carwadii 6aad ee ganacsiga Somaliland




Hargeisa - Waxa mudo la sugaba waxa bushaaro noqotay in xalay la tijaabiyey oo Somcable Fiber Optic internetkii  uu ka hawlgalay magalaada Hargeysa isagoo lagu xidhay  Hotel Gulaid ee magaalada Hargeysa.   Hawlwadeeno ka socda Saxaafada ayaa ka mid ahaa dadkii koobnaa oo si hordhac ah loogu martiqaaday.

Waxa mudo la sugaba waxa bushaaro noqotay in xalay la tijaabiyey oo Somcable Fiber Optic internetkii  uu ka hawlgalay magalaada Hargeysa isagoo lagu xidhay  Hotel Gulaid ee magaalada Hargeysa.   SDWO ayaa ka mid ahaa dadkii koobnaa oo si hordhac ah loogu martiqaaday inay tijaabiyaan isticmaalka internet kan cusub ee xawaaraha dheer.
\
Waxa wax lagu farxo ahayd inaan aragno somcable fiber optic gii oo shaqaynaya  isla markaasna aan ku tijaabino inaan soo download garayno filmo soconaya laba saacadood oo uu ku soo dowload gareeyay mudo 3-4 daqiiqo ah.   Xawaaraha Internetka Somcable ayaa ah mid la quwadaha kuwa wadama hore maray ee reer galbeedku isticmaalaan.


Gelida uu hawada galay internetka Somcable ayaa ku soo hagaagaysa xili si weyn loogu diyaar garoobayo carwadii ganacsiga ee lixaad oo ka furmidoonta hotel guled maalinta sanadka cusub ee 1da January 2014.

Mullkiilaha Gulaid hotel Cali Cumar Xasan Guled oo nagu soo dhoweeyay hall ka weyn ee lagu qabandoono carwada ganacsiga lixaad ayaa guud ahaanba nagu soo dhex wareejiyey qaybaha kala duwan ee loo diyaariyey inay ku qabsoonto carwada gancsigu oo si weyn loo qurxiyey loona habeeyay.  Munaasibadan awgeed ayaa waxa loo dhisay hall weyn oo qaadaya ilaa dhawr kun oo qof

No comments: