Friday, November 29, 2013

Wada-hadalada Somaliland iyo Somalia Oo Dib Loo Dhigay, Maxaa u Sabab ah



Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland
Dr. Maxamed Biixi Yoonis
Hargeysa - Wado hadaladii labada Wadan ee Somaliland iyo Somalia ayaa la sheegay in dib loo dhigay muddo bil ah. Wad0 hadalada labada dhinac oo lagu waday in ay qabsoomaan bisha fooda inagu soo haysa ee December 2013, ayaa waxa dib loogu riixay bilowga bisha January ee sanadka 2014. Sidaasna waxa shaaca ka qaaday in Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Dr. Maxamed Biixi Yoonis oo u waramayay BBC-da.

Wasiir Arimo Dibadeedka Somaliland Dr. Maxamed Biixi waxa uu intaasi ku daray in dib u dhigistan wado hadalada ay codsadeen dawlada Federaalka Somalia oo uu sheegay in uu dalkoodu meel khatar badan marayo.

"Wadada hadaladii labada wadan ee Somaliland iyo Somalia oo lagu waday in ay qabsoomaan bisha December, waxa dib loogu dhigay labada todobaad ee ugu horeeya bisha January, waxaana codsigaasi keentay dawlada Somalia oo aynu ognahay xaalada ay ku sugan yihiin" ayuu yidhi Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu intaasi ku daray in Dalka Turkigu ay Xafiis ka furan doonaan Somaliland isagoo arintaa ka hadlayana waxa uu wasiirku yiri "Dalka Turkigu waxa uu xafiis ka furan doonaa Somaliland, arintaasi oo ka mid ahayd waxyaabihii uu waftigii uu hogaaminayay Madaxwaynaha Somaliland ee dhawaan Turkiga tagay kala hadleen Ra'iisal Wasaaraha dalkaasi, si labada dal ay u xoojiyaan dhinacyada xidhiidhka diblamaasiyadeed, dhaqaale, ganacsi iyo taageeroba in Somaliland iyo Turkigu is waydaarsadaan xafiis dublamaasiyadeed" ayuu yidhi.

No comments: