Friday, November 22, 2013

MACAMIISHA SHIRKADA TELESOM OO WERWERKII ABID UGU WAYNAA SOO WAJAYAHAY

 
BURCO - Bulshada Kunool Gobolada Dalka Somaliland Ayaa Waxay Farta Ku Fiiqayaan Barnaamija Zaad ee Shirkada Telesom Barnaamijkan oo Runtii aad Moodo In Dad Ku Imika Fahmeen Barnaamijkan Zaad Ayaan Markaan U Kuur Galay Cabtinkan Waxaan La eegay oo Larog Rogay Qodobkan Ay Bulshadu Kacabanayso oo Ah Qofka Zaadka Leh oo Runti Sifudud Loo ogaan karayo Magaciisa oo afar ah ) Magaciisa ilaa awawgii abihii) taas oo runtii aan wanaagsanayn in ilaa halkaa la ogado Qofka waayo bulshadani waa dad ay ka dhaxeeyaan arimo farabadan

Sanadkii 2010kii Ayaa Waxaa Magalada Garowe ka Dhacday Dil kaas oo u dhaxeeyay aano qabiil balse Barnaamijkan Zaad uu u Sahlay Dilka Ninkan Kadib Markii uu Ogaaday Ninkan Magaciisa oo Dhamaystiran Dilkiina uu Sidaa Kufulay

Hadaba Shirkada Telesom Ma ka Fakartay Arintan oo daraasad ma ku samaysay Magacan macamiisha ee loo adeegsanayo arimo farabadan xataa wakhti kasta amaankiisa ayay khatar ku tahay qofka la hayo magaciisa ilaa abihii awawgii xataa waxaa dhici karta in loo isticmaalo Siyaabo Khaldan oo Wax Loogu Furshado

Bulshada Ku Nool Somaliland Khaasatan Gobobolka Togdheer ayaa waxaad Moodaa in ay Arintan Dhibaato Kala Kulmeen Maxaa Yeelay Waxaa Isisotaraya Hadalhaynta Iyo Falanqaynta Qodabkan
Bulshada Reer Somaliland Waxay Kalo Runtii Taabteen oo aad yadana Uga Werwersanyihiin Lacagta Ugu Jirta Barnaamijka Zaad oo Runtii Ay Ku Tilmaameen Lacag Bilaa Damiina oo werwerkeedu joogta ku Yahay

Markaan La Kulmay Qaar Kamid Ah macamiisha Shirkada Telesom ayaa iiga Waramaya Xogdheerna Iga siiyay Barnaamijkan Zaad ninkan oo Ka Gaabsaday In uu Magaciisa iiSheego Ayaa Waxa uu Yidhi Lacagta Zaadka Kugu Jirta Maaha Lacag Wax Damiinna leh mana Jirto Wax Cadaynaya oo Lagusiinayo Marka aad Lacag Ku Shubato Barnaamijka Zaad Waxaan Odhankaraa Waa Lacag Bakhtiyaa Nasiiba Hadiiba Ay Khalkhal Ku Yimaado Systemka Shirkada
Balse Barnaamijakn Zaad Ayaa Runtiii Anigu aad Ugu Bogay Lacagtii Jeebka Laguqadanayay Ayaaan Jirin markaad Suuqa Wax Ka Iibsanayso Zaad Ayaad Ku IIbsanaysaa
Runtii Dadka Qaarna Aad Bay U amaanayaan Barnaamijkan Zaad Qaarna Way Ka Dayrinayaan Marka aad Waraysato

Hadaba Barnaamijkan Zaad Ayaa Waxa uu Dhibaato Ku Keenay Qodobkaa Hadii aannay Shirkada Telesom Wax Kabadalin Waxaa Dhici Doonta In Ay Kiissas Wawayn Usoo Jiido Magacyadaa Macamiisha Ay Meel Walba Ku Siidaysay uuna QodobkanI Noqdo Mid Ay Si Toosa u Isticmalaan Dadka Dannaha Gaarkaa Kaleh Magacayada Macmiisha.

Waxaanu isku dayaynaa Hadii Ilahay Kadhigo In aanu Arintan Badhitaan Fog Kusamayno oo Barnaamij Joogtaa Idiinka Soo Diyarino Qodobkan oo Ah In Si Fudud Loo Ogaado Qofkaad Doonto Magaciisa ilaa Abihii Awawgii

Abdalla Abu Haniifa
Xigasho :- Caynabanews

No comments: