Friday, November 22, 2013

Ganacsade Oomaar oo Wajahaya Qaanuunka iyo Sharciga Dalka Jabuuti iyo Salaadiin reer Somaliland ah oo Jabuuti u Tagay Ka Ergaynta xadhiga Ganacsade Oomaar !!!





Djibouti - Ganacsadaha caanka ah ee reer Jabuuti Jaamac Oomaar Seed, oo ah mulkiillaha shirkadda Oomaar Trading Company oo ka tirsan shirkaddaha ugu waaweyn dhinaca ganacsiga Dalka Jamhuuriyada Djibouti ayaa lagu wadaa wiigan gudihiisa in la horkeena Maxkamadda ku taala caasimada Jabuuti, kadib markii maalmihii la soo dhaafay uu ku xidhnaa mid ka mid ah saldhigyada Booliska magaalada Jabuuti, Ganacsade Oomaar ayaa ciidanka Jaandaaranku ka soo qabteen bilowgii bishan November gurigiisa oo ku yaala magaalada Jabuuti ayagoo ku eedeeyay in uu Koontarabaad farobadan in uu si joogto ah uu galiyo dalkaasi Jabuuti, isla markaana uu cashuuro farobadan sifo sharci daro ah uu ugala dhuuman jiray Qaranka Jabuuti.

Caasimadda Hargeysa waxa shalay ka dhoofaya 12 suldaan oo ka kooban dhammaan beelaha Somaliland, kuna sii jeeda magaalada Djibouti, kuwaasoo safarkoodu salka ku hayo inay waan waan ula tagaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle,sidii xorriyaddiisa loogu soo celin lahaa Ganacsade Jaamac Oomaar Seed.

Sallaadiintan oo ay ka mid yihiin Suldaanka Guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, Suldaan Maxamed Maxamuud Xandule (Indhacase), Suldaan Axmed Nuur Cabdilaahi Sammaale, Suldaan Barre Sheekh Aadan, Suldaan Maxamuud Axmed-sheekh, Suldaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, iyo sallaadiin kale, ayaa warar u dhuun daloola safarkoodu noo xaqiijiyeen  inay u baqoolayaan magaalada Djibouti, si ay wada hadal ugala yeesheen xadhiga Ganacsadaha ka hor inta aan maxkammadda la geyn.

Hay'adaha Sharci Fulinta Dalka Jabouti ayaa Albaabada u laabay Dhamaan Ganacsiyadii Shirkada Oomaar International Compnay Ee Wadanka Djbouti kadib xadhiga Ganacsade oomar.

Dhinaca kale waxa jira warar sheegaya in xadhiga Ganacsade Oomaar iyo xayiraada la saaray dhaqdhaqaaqiisa Ganacsi ay la xiriiraan ka dib markii Ganacsade Oomaar iyo Shirkadiisa Ganacsi ee Omar International Companay si qarsoodi ah ula lahayd xidhiidho ganacsi oo sanado badan socday Ganacsadaha dibad wareega ah ee lagu magacaabo Boore Oo Ganacsigiisa hore looga Mamnuucay Wadanka Djabouti .

No comments: