Wednesday, November 27, 2013

Ciidamadii Indho sheel & G12 oo la soo caydhsaday iyo Wasiiro Khaatumo oo dhaawac ah ,Indho-sheel oo la waayey!!!


Wararkii ugu danbeeyey ee Dagaalkii dhexmarayey Madaxweynayaasha Khaatumo  oo ay is ka horkeeneen Kooxda G12 ayaa lagu kala adkaagay Tuulada God-Qaboobe iyadoo la Baacsaday ciidamadii Khaatumo ee Saaxdheer iyo Karin Dabayl laga keenay, waxaana ka dib markii uu dagaaalku halsaac socday Ciidamada Khaatumo ee Axamed Garaash kala wareegeen dhamaan Aagagii ay ka dagaalamayeen isagoo ka itaal roonaaday Madaxweyne Indhe  sheel Ciidamadiisii.
Warar lagu kalsoonyahay aya xaqiijiyey inuusan indho sheel la socon oo markiiba dib u soo cararay isagoo labo gaadhi wato oo la aaday Hawdka Boocame u dhow
Khasaaraha Khaatumada  garabka Indhasheel Warar hor dhac ah ayaa sheegay in laga qabsaday hal-gaadhi oo tikniko ah  inta ay iyagu sheegteen  waa ciidamada indho sheel-e, waxaa kaloo ay sheegteen Maxaabiis iyo Dhaawacba inuu jiro  laga qabsaday sida uu cadeeyey mid ka mid ah Saraakiisha Ciidanka warkan sheegay.
Waxaa kaloo la cadeeyey inuusan la socon Col/Indho sheel  oo joogo meel la yidhaahdo Buulal oo Karin-garfood u dhow,oo uusan gabigiisuba dagaal galin. warar ayaa sheegaya inuu Cararay markii Xabadu dhacday ,warar kalena waxay sheegayaan inuu ku hadhay Gaadhi ka xumaa. Tani waa fadeexadii ugu waynayd ee ku dhacda Madaxweyne indho sheel  isagoo ahaa ninkii soo ururiyey dhalinyaro  khaatumo ah uguna sheegay Khaatumo kale cadowgiisa.
Lama garanayo sababta uu wiilasha bohosha ugu qoday uguna riday waxaase shabakada allboocame loo xaqiijiyey inuusan isagu la socon, ciidamada uu watay Wasiirkii Amniga maxamed Ducaale iyo wasiirka dhaawacmay ee ina Garabyare  oo labadooduba mudooyinkan ku sugayey Ciidamada Boocame ugana gacan haadinayey.
Masuul sare oo ka mid ah waxgaradka Boocame ayaa sheegay inay Gaadhi u direen Wasiirka oo la sheegay inuu dhaawac yahay.
Madaxweyne Biindhe ayaa labada dhinacba ka codsaday inay dagaalka joojiyaan, ciidamada khaatumona aanay iska horkeenin, wadahadalna ku dhammeeyaan arrimaha ay isku hayaan kuwaas oo u baahan is faham, ee aan xoog iyo khasab waxba inoogu hagaagayn wax ay innaga dumiyaan mooyee.
Oday ka mid ah ragga aan Boocame ka waraysta ayaa allboocame u sheegay “beeshani horay ayaan uga dignay waxaani inanaay dhicin, waana nalagu aflagaadeeyey ,oo lagu xumaansaday,wixii aan ka hortaagnayn dhulbahante maanta ayay muuqataa ayuu yidhi” Oday ka mid ah waxgaradka Boocame oo ka tiiraanyaysan in dhalinyaradii beeshu iyo Ciidamadii khaatumo ee halka cadow wada lahaa maanta iyagii fooda la isu galiyey ,wuxuuna Odaygu eedeeyey Kooxda G12 ee Kor ka soo abaabushay, wuxuu kaloo sheegay in dhibkooda, baahidooda iyo dhaawacoodana aan ogaanayno  ayna ugu tagayaan Bohol saramaan iyo meesha ay isku urursadeen, wuxuu kaloo yidhi waxaan kaloo ku rajo waynahay inaanay dagaal danbe dhicin haddii alla idmo.
Wuxuu kaloo ugu baaqay Dadka ka soo jeeda Gobolada SSC inay arintan iyo dhibkan halkan ka dhacay u istaagaan kana hadlaan sidii loo dhamayn lahaa tollimo iyo wanaagna looga shaqayn lahaa, dagaalkuna intaasi ku ekaado oo aan la buun buunin dhinaca nabadana laga eego iyo tolnimada. Dagaalna wax ka faa’iido ah aanay jirin ayuu yidhi Masuul sare oo ka mid ah waxgaradka Boocame.
Wali khasaaraha dhabta ah ee dagaalka lama hubo iyadoo uu Axmed garash sheeganayo maxaabiis iyo tiknikaba inuu gacanta ku hayo, dagaalkiina qaboobay ayna ku faxsharmeen Kooxdii G12 iyo Indho Sheel oo dabada ka waday in dhulbahante is dilo, kala adkaado iskuna baabaan oo khaatumo halkaas lagu aaso, Indhasheelna weli lama hayo jaan iyo cidhib meeluu dhigay.
wararkii oo faahfaahsan iyo warbixin intaasi ka sii waafisan kala soco www.allboocame.com.

No comments: