Friday, September 27, 2013

TAALADA SAYID MAXAMED CABDALE XASAN EE LAGA QOTOMIYAY MAGAALADA JIGJIGA MA WAXAY DAARAN TAHAY XORAYNTA SOOMAALIDA ITOOBIYA



JIGJIGA, EHIOPIA - Waxaa maanta laga qotomiyay wadada wadnaha ee marta badhtamaha magaalo madaxda Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ee Jigjiga Taaladii Hogaamiyihii Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdulle Xasan EEBE naxariistiisa Jano haka waraabiyo'e. 
Hogaanka sare ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sanadihii ugu dambeeyay ku taamayay in taalada Halgamaaga reer Somaliland ee Sayid Maxamed Cabdale Xasan in laga taagi doono magaalada Jigjiga, dadka u dhuun daloola siyaasada deegaanada ay Soomaalidu degto ee Itoobiya ayaa farta ku fiiqayay in hindisaha madaxwayanah Kililka Shanaad ee Itoobiya ee ku aadan Taalada Sayid Maxamed Cabdale Xasan uu halis galin karo amaanka dalka Itoobiya gaar ahaan Ismaamulka Soomaalida. Indheergaratada fikirkan aaminsan ayaa dooda ku salaynaya mabaadii'dii uu aaminsanaa Sayid Maxamed Cabdale Xasan oo ku salaysnaa xoraynta guud ahaan dhulka Soomaalida ee uu Gumaysiga reer Yurub iyo labo dal oo Afrikaan ah (Itoobiya iyo Kenya) ay qaybsadeen. 

Dhinbiisha Halgankii Daraawiishta ee uu hogaaminayay Mujaahid Sayid Maxamed Cabdale Xasan ayaa qarnigii tagey dagaaalo gumaysi diid ah oo taariikhda adduunka galay la galay gumaysigii Boqortooyada Ingiriiska, dagaaladaasi oo taariikhdu warinayso in ay noqdeen iska caabintii ugu adkayd ee Boqortooyada Ingiriisku kala kulanto dagaalyahano xornimo u dirir ah oo Afrikaanka ayaa waxay sababeen in Dagaalyahanada Sayid Maxamed Cabdale Xasan noqdaan xornimo u dirirkii ugu horeeyay ee Gumaystayaashii reer Yurub ku weeraraan Diyaaradaha Dagaalka. 

Halganka Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdale Xasan uu hogaaminayay kuma ekayn oo kali ah in uu gumaysigii Ingiriiska ka xoreeyo ciida Somaliland balse dagaalo qaraar waxa uu la galay ciidamadii xabashida isagoo ujeedadiisu ay ahayd in uu ka xoreeyo Itoobiya dhulka Soomaalidu leedahay ee Itoobiya Gumaysato isagoo gabayadiiisa ina Cabdale Xasan ku sheegi jiray in uu ka xoraynayo Gumaysiga Itoobiya ilaa Iimay oo wax yar u jirta Addis Ababa. 

Tallaabadan uu qaaday Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiay Cabdi Maxamuud Cumar ayaa u muuqata in ay ku salaysan tahay falsafad qorshaha mudada fog ee ku ababinta da'yarta reer Itoobiya gaar ahaan kuwa ku dhaqan dhulka Soomaalida Itoobiya taariikhda uu aaminsanaa ama ku dagaalamayeen Daraawiishtii Sayid Maxamed Cabdale Xasan. Sidoo kale waxa aanu maran ka taagnayn in Taalada Sayid Maxamed Cabdale Xasan ee laga taagay magaalada Jigjiga ay saamayn ku yeelanayso dadaalada kooxaha xagjirka ah ee ka jira mandaqada Geeska Afrika ay ku doonayaan in ay da'yarta ku nool mandaqada ku faafiyaan fikirka xagjirnimadaha ah. 
TALEEX XARUNTII SAYID MAXAMED CABDALE XASAN SOOL, SOMALILAND

Taaladii Sayid Maxamed Cabdale Xasan, Muqdisho, Somalia
Dhalasho ahaan Sayid Maxamed Cabdile Xasan waxa uu ka soo jeeday qabiilka uu ka soo jeedo Madaxwaynaha Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, balse waxa la soo wariyay in uu ku dhashay dalka Somaliland oo ay hooyadii dhalasho ahaan ka soo jeeday, sidaasi darteed, Sayid Maxamed Cabdale Xasan muu ahayn muwaadin u dhashay Itoobiya, balse wuxuu ahaa muwaadin Somalilander ah.   
\

No comments: