Monday, September 2, 2013

Sarkaal Ka Tirsan Dawlada Federaalka Soomaaliya Oo Xalay Qarax Lagu Dilay Magaalada Muqdisho


Muqdisho - Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Qarax loo adeegsaday miino oo xalay lagu dilay sarkaal ka tirsanaa waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha xilli uu marayey degmada Shibis ee magaalada Muqdisho.

Sarkaalkaas ayaa lagu magacaabi jiray Qaasim Xasan Taakow, waxaana sidoo kale loo yaqaanay Afrax.

Qaraxa sarkaalkaas lagu dilay waxaa ka badbaaday nin kale oo gaariga la saarnaa, kaasoo la sheegay iney soo gaartay waxyeelo aad u kooban.

Qaasim Xasan Takow ayaa ka mid ah rag ka dhawaan laga sii daayey xabsi ay leedahay dowladda Soomaaliya, iyadoo markaas loo heystay lacag badan oo laga lunsaday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Qaasim Xasan Taakoow, waxa uu kamid ahaa dhalinyarada kasoo qalin jabisay Iskuulka Alfajri, waxaana sanadkii 2006-da uu kamid noqday dhalinyardii ku biirtay Maxkamadaha islaamiga ee uu hogaaminayay Shiikh Shariif.

Markii Ciidamada Ethiopia soo galeen magaalada Muqdisho Qaasim waxa uu kamid ahaa dhalinyaradii Muqaawamada ee dagaalka la gashay Ciidamada Ethiopia, waxaana intaas kadib uu kamid noqday doowladii uu hogaaminayay Shiikh Shariif.

Allaha u naxariistee Qaasim Taakoow, waxa uu sidoo kale kasoo shaqeeyay Garoonka diyaaradaha Muqdisho qaybta Magareeshinka kahor intuusan ku biirin Laanta Socdaalka iyo jinsiyadaha.

Source.carroog.com

No comments: