Saturday, September 14, 2013

Madaarka Caalamiga ah ee Hargeysa oo laga hirgeliyay Ilayska Tamarta Hawada

Korontadani waxay u suurtogelinaysaa in Diyaaraduhu Habeenimada soo degi karaan

Madaarka Hargeysa oo dibu-dhis balaadhan lagu sameeyay ayaa laga hirgaliyay 

Mashruuc Korontada looga dhalinayo Hawada (Wind Power), kaasoo Habeen iyo maalinba shaqayn doona, waxaana Madaarka lagu rakibay Laambado waaweyn oo habeenkii Ifaya.
 
Mashruucan waxa maal-gelisay Hay’adda Maraykanka ah ee USAID, waxaana fulisay Hay’adda DAI, waxaanu ka kooban yahay shan Marawaxadood oo waaweyn, kuwaas oo Koronto ka badan madaarka dhalinaysa.

Mashruucan oo loogu talogalay in furitaankiisa la raaciyo maalintii madaarka la furay ayaa dib loogu dhigay wakhtiga ay bilaabmayaan duulimaadyada Xajku, waxaana lagu wadaa toddobaadka soo socda in Madaxweyne Siilaanyo si rasmi ah xadhiga uga jaro. 
Waxa iska kaashaday Fulinta Mashruucan wasaaradda macdanta iyo Tamarta Somaliland, Wasaaradda Duulista iyo Hay’adaha maal-geliyay, kuwaas oo Qanadaraas ku siiyay Khubaro qurba joog ah.

Laydhkan ayaa lagu wadaa haddii uu ka bato madaarka Hargeysa in lagu baahiyo xaafaddaha ka ag dhaw madaarka isla markaana uu ka helo dhaqaalihii marka hore isaga kaga bixi jiray Korontada oo bishii gaadhayay ilaa shan kun oo Dollar.

No comments: