Wednesday, August 21, 2013

WAR DEGDEG AH: DABLEY HUBEYSAN OO MUQDISHO KU DHAAWACAY HAWEENEY SWEDAN AH, KUNA DILAY 2 KA MID AH ILAALADEEDA – DAAWO SAWIRADA WEERARKAN

 
Kooxo hubeysan ayaa degmada Hodan ee magaalada Muqdisho ku dilay Wiil Turjumaan ahaa iyo Askari ka tirsan ciidamada dowlada Soomaaliya, iyagoona dhaawac u geystay Haweney u dhalay dalka Sweden.
Weerarka ayaa ka dhacay agagaarka Jaamacada Soomaaliya gaar ahaan qeybta ay ka degen tahay aggaarka isgoyska MK4 ee magaalada Muqdisho, waxaana haweeneyda u dhalatay Sweden la sheegay inay halkaas ka bxsay Cashar ku saabsan dowlada wanaaga.

Falkan weerarka ah ayaa dhacay xilli haweeneydaas ay kasoo bexeysay ilinka hore ee jaamacada Soomaaliya, waxaana ilaa iminka la xaqiijiyay geerida wiilka Turjumanka ahaa iyo Askri ka tirsan ciidamada dowlada, halka haweeneyda Sweden -ka kasoo jeeda uu dhaawac soo gaaray.

Mid ka mid ah Ardayda dhigata  Jaamacada Soomaaliya ayaa sheegay in falka markii uu dhacay kadib ay goobta soo gaareen ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya,iyadoo goobta ay xireen baaritaanana ay sameeyeen.

Kooxihii dilka Geystay ayaa durba meesha ka baxsaday,waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilka loo geestay turjumaanka iyo askari iyo sidoo kale dhaawaca haweenaydaasi.

Daawo Sawirrada Weerarkan







No comments: