Wednesday, August 21, 2013

GAASHAANLE SARE ABDI ADEN MAGAN OO UU ADEER U AHAA MAXAMED SIYAAD BARE OO MAXKAMADI KU XUKUNTAY US$15 MILYAN OO MAGDHAW XADGUD XUQUUQ AADAMIGA AH OO UU GAYSTAY AWGEED

 
Garsooraha Maxkamada Federaalka Maraykanka oo magaalada Columbus ayaa ku xukumay 15 milyan oo dollar oo magdhow ah in uu bixiyo Gaashaanle Sare Abdi Aden Magan oo uu adeer u ahaa Madaxwaynihii Digtatorka ahaa ee Somalia Maxamed Siyaad Bare

Go'aanka maxkamadan ayaa waxa si wayn u soo dhaweeyay guud ahaan difaacayaasha iyo ururada xuquuqda aadamiga ee dunida oo dhan, kuwaasi oo ku tilmaamay xukun taariikhi ah.

Qareenka Dhibanaha dacwadan Abukar Hassan Ahmed oo lagu magacaabo Christina G. Hioureas, ayaa daqiiqado kadib markii maxkamadu ku dhawaaqday go'aankan saxaafada u sheegtay "go'aankan maxkamadu waxa uu daboolka ka qaaday in dalka Maraykanku aanu noqonaynin dal gabaad u noqda dadka gaysta xadgudubyada xuquuqda aadamiga"

Iyadoo hadalkeeda sii wadata Christina G. Hioureas, waxay intaasi raacisay " go'aankani waxa uu fariin adag u dirayaa kuwa gaystay gabood falada xuquuqda aadamiga in sharcigu qabandoono."

Garsoore lagu magacaabo George C. Smith oo ka tirsan maxkamada degmo Maraykanka ah ayaa sanadkii tagay ku helay sarkaal sare oo ka tirsanaan jiray ciidamadii Nabadsugida Somalia oo lagu magacaabo Abdi Aden Magan, kaasi oo markii dambe degay Columbus, in uu jidhdil u gaystay Abukar Hassan Ahmed dabayaaqadii sanadihii sideetamaadkii (1980s). Abdi Aden Magan ayaa xukuumadii Mirataniga Somalia ee uu hogaamin jiray Kali Taliye General Maxamed Siyaad Barre ka ahaa Taliyaha Hogaanka Baadhista Ciidanka Nabadsugida Somalia, iyadoo uu Siyaad Bare u ahaa adeer.

Dhibane Abukar Hassan Ahmed oo macalin ka ahaa Kuliyada Sharciga ee Jaamacadii Somalia kuna dhashay caasimada Somalia ayaa sheegay in Colonel Abdi Aden Magan in uu ku xidhay Muqdisho sanadkii 1988 kadib markii uu ku arkay isagoo sita warbixin ay soo saartay Hay'ada Amnesty International oo ka hadlaysay tacadiyada baahsan ee xukuumada Somalia ay ka wado Gobolada Waqooyiga Somalia, Colonel Magan ayaa ku xidhay qol yar oo ciriiri ah isagoo labada gacmoodna katiinad kaga xidhay halkaasi oo uu ku xiraa mudo seddex bilood ah, dhibane Abukar waxa uu sheegay in uu seexan jiray sibidhka dushiisa, kuna kaaji jiray daasada caanahu ka madheen, isla markaasina uu ay cunto u siin jireen maalintii oo dhan labo xabo oo rooti ah .

Colonel Magan ayaa ugu hanjabay in uu qudha ka jari doono waxanu ku amray saraakiisha xabsigu in ay garaacaan Profosser Abukar waxana ay ku ciijin jireen xadhig, iyagoo kalbad kaga qaban jiray xiniinyahiisa waxana ay afkiisa ku qulaamin jireen biyo, ciid iyo dhagaxaan yar yar oo ay isku qaseen askarta xabsiga ku haysay iyadoo si khasab ah loo cabsiin jiray.




Warkan oo faahfaahsan si aad u akhrido guji hoos:
http://hornwatch4rights.blogspot.com/2013/08/good-news-for-all-somali-speaking.html

No comments: