Sunday, August 4, 2013

Somalia: Dagaal Culus Oo Mar Kale Ka Dhex Qarxay Al Shabaab Dhexdooda




Marka, Somalia - Ugu yaraan 10-qof ayaa ku dhintay dagaal xoogag ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray deegaan lagu magacaabo Goobaale oo ka tirsan Gobolka Shabeelada Hoose ee Koonfurta Somalia.

Dagaalkan ayaa u dhexeeyay xoogag taabacsan Axmed Cabdi Godane oo ah Hogaamiyaha A-shabaab iyo Sh. Mukhtaar Roobow Abu-Mansur oo fikirka ay ku kala tageen dhawaan, kana mid ah saraakiil kasoo horjeestay Godane.

Goobjoogayaal ku sugan deegaanka uu dagaalku ka dhacay ayaa in dagaalku uu billowday shalay gallinkii dambe uuna socday illaa xalay saqdii dhexe, iyadoo xoogagii taageersanaa Sh. Abu-Mansur ay ka adkaadeen Al-shabaab.

“Dagaalku wuxuu bilowday shalay wuxuuna socday ilaa xalay, deegaanka waxaa gacanta ku haya Abuu-Mansuur dadkii ku noolaa oo dhana waxay ka carareen dagaalka” ayuu yiri Goobjooge magaciisa qariyay oo duleedka degmada ku sugan.

Sidoo kale Goobjooguhu wuxuu sheegay inuu arkay maydadka qaar ka  mid ah dagaalyahanadii lagu dilay dagaalkaas oo ay ku jiraan laba qof oo Ajnabi, kuwaasoo ka mid ahaa kuwii dagaalka hogaaminayay.

Hogaamiyaha Al-shabaab ayaa maalin ka hor sheegay inay jiraan cadow ku howlan inay kala dhantaalaan safka Mujaahidiinta, ayna ka digtoonaadaan kuwaas, balse ma sheegin magacyada kuwa uu uga dan lahaa
hadalkan.

Sh. Abu-Mansur oo ka mid ahaa xubno isku dayay inay ka go’aan Ururka Al-shabaab oo ay ka mid ahaayeen laba sarkaal oo lagu dilay Baraawe iyo Sh. Xasan Daahir Aweys oo DF u xiran ayaa tan xiligaas ku sugnaa deegaano ka tirsan Koonfurta Somalia.

Inkastoo Sh. Abu-Mansur uusan ka hadlin khilaafka hadana isaga xoogag taabacsan ayaa dhawaanahan ku sugnaa Gobolka Bakool, lamana sheegin sababta keentay inuu Godane kula dagaalamo Gobolka Shabeelada Hoose.

Al-shabaab ayaa dhowr jeer dagaalo dhexmareen, kuwaasoo ay ku dhinteen xubno badan oo kooxdan ka tirsan, iyadoo khilaafyadan ay sababi karaan in Al-shabaab uu ku yimaado burbur.

GAROWE ONLINE

No comments: