Sunday, August 18, 2013

Shirweynihii 5aad ee Akaadamiga Nabadda & Horumarinta Somaliland Oo Hargeysa Ku Qabsoomay & Hogaan Cusub Oo Lagu Doortay

"Waxaan ku talin lahaa inuu machadku ka balaadho u-jeedadiisa cilmi-baadhis iyo nabad ka shaqeyn oo uu noqdo machad saameyn baddan ku leh siyaasada,oo uu la xidho...."Dr.Sacad Cali Shirree

Hargeysa - Shirweynihii 5aad ee Akaadamiga nabadda iyo horumarinta Somaliland (Academy for peace and Development) ayaa maanta lagu doortey Broad Of Directs cusub oo ka kooban 11-xubnood, kadib markii uu Broad-kii hore xilkoodii oo laba sanadood ahaa uu ka dhamaaday.

Shirweynahan oo hal-maalinle ahaa, ayaa waxa lagu qabtey Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa,waxaana lagaga hadlay waxyaabihii u qabsoomay Akaadamiga nabadda iyo horumarinta,Waxaana Munaasibadii furitaanka iyo xidhitaanka ahayd ee Shirweynaha Shanaad ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka oo isku lammaanaa, waxa ka qeybgalay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr.Sacad Cali Shire, saraakiil ka socday hay?adaha caalamiga ah iyo kuwa waddaniga ah ee wada shaqeynta la leh Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, Madaxda iyo Masuuliyiinta kala duwan ee Hay?adda Akaademiga Nabadda iyo Horumarka iyo weliba marti-sharaf kale oo lagu marti-qaaday shirka.

Ugu horeyn, Garyaqaan Maxamed Faarax Xirsi oo shirkaasi ka hadlay ayaa waxa uu soo dhaweeyey dhamaan-ba marti sharaftii ka soo qeybgashay shirweynaha shanaad ee lagu doortey 11-xubnood oo ah broad-ka ,isla markaana waxa uu ka hadlay Akaadamigu kaalinta ay ku leedahay Somaliland, waxqabadkii u qabsoomay ee ay horumarka ka gaadhay, carqabadihii ka horyimid


"Akaadamiga nabadda iyo horumarinta Somaliland waxay kaalin weyn ugu jirtaa Somaliland,taas oo wax muuqda oo bulshada u dan qabatey".Ayuu yidhi Maxamed Faarax.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre oo isna halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi "Waxaan ku talin lahaa inuu noqdo (Akaadamiga Nabadda iyo horumarinta Somaliland) machad heer gobol ah oo ay himiladiisu noqoto, waxa kale oo aan ku talin lahaa inaanu machadku ku eekaan cilmi-baadhis iyo Documenters, balse uu intaas oo ka sal-balaadhnaado".

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi"Waxaan ku talin lahaa inuu machadku ka balaadho u-jeedadiisa cilmi-baadhis iyo nabad ka shaqeyn oo uu noqdo machad saameyn baddan ku leh siyaasada, oo uu la xidho dhigiisa caalamka, siminaaro joogto ah,borogaraam telefiishanka inuu lahaado, inuu hogaamiyo aragtida dadka ileyn waa maskaxdiiye, waxaad mooda inay maskaxdii meesha ka baxday oo waxa buuxiyey dad kale oo mararka qaarkood iyaga oo niyadii la yimid, hadana aanu habku ahayn habkii saxsanaa.Markaa waxaad mooda inuu kaalintii aqoon-yahanku ka maqan-yahay qarankeena, oo hadaad joornaalka aad soo qaado, wax ka soo baxay jaamacad ama machad ama ka soo baxay aqoonyahan wuu yar-yahay, warka bogagka buuxiyey waxa uu u baddan-yahay reer iyo Salaadiintii

Dr. Sacad Cali Shirre waxa uu sheegay inuu jeclaan lahaa inay Akaadamigu noqoto hormuudka sidii loo soo celin lahaa doorka aqoonyahanka."Way fiicnaan lahayd inay Akaadamigu ay soo saarto joornaal Caalami ah,Akaadamigu waxay laba Xafiis ku leedahay Hargeysa iyo Burco waa talaabo wanaagsan waa inay intaas ka balaadhiyaan".Ayuu yidhi Sacad Cali Shirre.

Guddoomiyihii Hoggaanka xilka wareejiyey ee Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Dr. Aadan Abakor oo isna madasha hadal ka jeediyey, ayaa ku amaanay inay yihiin dad waayo-aragnimo iyo khibrad u leh xilka loo doortay, isaga oo ka xog-warramay muddadii ay xilka hayeen waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa weli dhiman in laga midho-dhaliyo qabashadooda.

Sidoo kale, waxa munaasibadda lagu doortay Hoggaanka cusub (BoD) ee u yeeshay Akaademiga Nabadda iyo Horumarka ka hadlay Ku-simaha Agaasimaha Guud, isal markaana ah Madaxa Maamulka iyo Lacagta Md. Xasan Cumar Halas iyo Agaasimaha Barnaamijyada, waxay ka warrameen hawlahooda waxqabad ee u qabsoomay iyo marxaladaha ay rajeynayaan inay u qorsheysan sidii ay u fulin lahaayeen. "Hay?adu waxay leedahay laba Xafiis oo waa-weyn oo xafiiska guud Hargeysa ayuu ku yaala, ka kalena waxa uu ku yaala Burco oo leh shaqaale gaara, qorshahana waxa ku jirta in dhamaan gobolada laga sameeyo.Inta ugu baddan hawlaha aanu qabanaa waxaanu la qabanaa hay?ada dhaqaalaha bixisa ee Interpeace, qorshaha akaadamigu waxa uu ku shaqeynayaa is-bedelkaa ku imanaya bulshada iyo deegaankaba".

"Qorshahayagu waxa uu yahay in lagu daro akaadamiga qeyb cusub dadka siyaasada lagu tababaro, barnaamijkaana waxa nala wadda Inter-peace, markaa waa inay ka soo baxaan dad siyaasada wax ku tari kara".Ayuu yidhi Halas.

Guddoomiyaha cusub ee Hoggaanka (BoD) Akaademiga Nabadda iyo Horumarka, ahna Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo ugu horreyn ka hadlay xilka loo igmaday, ayaa Illaahay ka beryey inuu ku asturo mas?uuilyadda la saaray, isaga oo Xubnaha cusubna ugu ku booriyey inay wada shaqeyn fiican yeeshaan."Waxaa halkaas ka muuqata inuu Akaadamigu lagama maarmaan u yahay ama laf-dhabar u yahay horumarka iyo nabaddeynta dalkeena, intii aan joognay hawlo baddan oo la qabtey ayaan u soo joognay,qoraalo baddan oo la sameeyey ayaan aragnay oo dhaxal-gal noqday,intaasba rag ayaa soo wadday oo halkan ay maanta mareyso soo gaadhsiiyey.Waan hambalyeynaya cid alla ciddii gacan ka geysatey waxyaabihii soo qabsoomay"

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu yidhi"Waxaan leeyahay Broad-ka tagaya ILAAHAY sidii uu idinku asturey,annagana hawsha ha noogu asturo, waxaan isku dayi doona inaan la jaan-qaadno marxalada cusub ee akaadamigu galayo intii itaal-kayaga ah. Intii na soo xushay way ku mahadsan yihiin oo tix-gelin ayaan u aragnaa inta gacan-taaga noogu codeysayna iyaguna way mahadsan yihiin,

Ugu dembeyn, Akaademiga Nabadda iyo Horumarka Somaliland oo 15 September 2013 u dabbaal-deggaya sannad-guuradoodii shan iyo toban ee ka soo wareegay aasaaskoodii, ayaa loogu mahad-naqay Shirweynaha aasaasayaashii Akaademiga Nabadda iyo Horumarka oo ay ka mid ahaayeen Matt Braden, Cabdiraxmaan Cismaan Raage iyo Prof. Axmed Yuusuf (AHN).

Liiska 11-ka magac ee Broad Of Directs-ka cusub waxay kala yihiin sidan:

1. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax
2. Dr. Caasha Aw Maxamed Nuur
3. Haaruun Axmed Qulunbe
4. Dr. Maxamed Xuseen Mu?adin
5. Suldaan Axmed Daahir
6. Dr. Maxamuud Garaad Maxamed
7. Siciid Maxamed Axmed
8. Mark Breary
9. Maxamed Baar-jeex
10. Nafiis Yuusuf Maxamed
11. Janathan Star

No comments: