![]() |
Madaxwaynaha JSL Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) Oo Gacan Qaadaya Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir. |
HARGEYSA- Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) waxa uu maanta Duhurnimadii kormeer shaqo ku soo maray Garoonka Diyaaradaha ee Egal international Airport Hargeisa oo hada dhismihii Runway-gu uu gebegabo yahay dhawaana la furi-doono insha allaah.
Kermeerkan madaxweynaha oo ahaa mid kedis ah saxaafaduna aanay ogayn ayaa waxa uu madaxweynuhu ku soo kormeeray dhamaan qaybaha kala duwan ee Airport ka isoo kalena waxa uu madaxweynuhu soo maray wadooyinka Caasimada, xaafadaha kala duwan ee magaalada Hargeisa, isaga oo u kuur gelaya baahiyaha iyo horumarka ka socda caasimada taasi oo madaxweyne Axmed Silaanyo ay bulshadu ku amaanto marwalba.



No comments:
Post a Comment