Tuesday, August 6, 2013

DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe muhumed



DALKEENA NIMCAA FADHFADHIDA Nasteexo ku socota shacabka Somaliland iyo digniin ku socota shar wade baashe muhumed
Bisha barakaysan ee Ramadaanta waxa EEBE inoo sheegay in la xidho Iblayska oo ah kan ugu da’da wayn shadaadiinta oo la  da’ ah ama ka waynba Aabaheen Nabi Aadan (NNKHA), laakiin shadaadiinta yar yar lama xidhxidho, shadaadiintaasi yar yar ee aan la xidhxidhn ayuu ka mid yahay ninka magaciisa ku sheegay Baashe Muhumed ee umada muslinka ah ee reer Somaliland oo bishaasi gabogabada ah ee barakaysan xuska ILAAHAY u saro joogay gaar ahaan xalay oo 27kii Ramadaan ahayd, hurdo aan dhabanka dhulka dhigin unu soo jeeday xuska ILAAHAY ee tukanayay TARAAWIIXDA iyo TAHAJUDKA  ee gacmaha hoos haystay EEBAHOOD oo dambi dhaafka naxariista iyo in ay ka mid noqdaan kumanka naarta laga xoreeyo ka tuugayay ninka maalmahaasi barakaysan 27ka Ramadaan dhaleecayn been iyo qadaf ku sheegaya Madaxwaynaha Somaliland iyo wasiirada uga waxqabadka badan gaar ahaan Wasiirka Madaxtooyada iyo Maaliyadu ma aha ilmo xalaal basle waxa uu ka mid yahay shadaadiinta yar yar ee aan Ramadaanta la xidhxidhin.
Ninkaasi waxan si kooban ugu sheegi lahaa dalkayaga Somaliland Nimcaa FadhFadhida bishan Ramadaan bilowgeedii Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu xadhiga ka jaray Idaacadii Quraanka Kariimka ahayd ee abdi Somaliland laga furo oo 24 hours 7 days baahisa Qawlka EEBE Quraanka Kariimka ah caasimadii iyo umadii muslinka ahayd ee ku noolayd idaacadaasi way qaboojisay, Shaydaadiintii aad ka midka ahaydna way buufisay, kaalay arag gaadiidkii dadwaynah kaad fuushoba meheradii ganacsi ee aad hormartoba gurigii ag martaba Quraanbaa nooga baxaya ALXAMDULILAAH.
Ku darsoo kaalay arag abaalmara ugu qaalisanaa ee abid Somaliland la gudoonsiiyo da’yarta korka ka xafiday 2da WAXYI (Quraanka Kariimka ah & Xadiiska Rasuulkeenii Muxamed NNKHA. Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland ee aad dhaleecaynayso ayaana bixiyay Abaalmarinta Quraanka Kariimka ah ee ugu qaalisan ee dhul Soomaaliyeed degto laga bixiyo oo ah dhawr kun oo dollar iyo Baabuur yar oo cusub, waxanu ku qaabilay xufaadii guulaystay iyo culimadii tartanka Quraanka wayday Aqalka looga arimiyo Somaliland. Sidoo kale shirkada aad Aflagaadaynayso ee Dahabshiil ayaa ka mid ahayd maalgaliyayaasha Tartanada Quraanka ee dalka laga qabtay iyaga iyo Ganacsato kale oo badan ayaa adduunka ku baxay tartamadaasi bixinaysay.
Baashe Muhumed ninka sheeganayow maanta maalin ay ka wanaagsan tahay Somaliland ma jirto, maalin caalamku kaga kalsooni badan yahayna inama soo marin. Itoobiya waa saaxiibka Koowaad ee Somaliland leedahay, Ingiriiskuna waa ka 2aad, adigu labadan dal afhayeen uma tihid digreetadii ay kugu magacaabeena namaad tusin. Anigoo ka mid ah Difaacayaasha Xuquuqda Aadamiga Somaliland ee waliba ka madaxbanaan xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ayaa xogogaal u ah arimahan aad beenta qaawan ka sheegayso.
Waligeed may dhicin Digniin Ingiriis, Itoobiya iyo dal kaleeto u soo gudbiyo Madaxwayne Siilaanyo oo lagu durayo Wasiirka Tamarta badan ee Madaxtooyada iyo kan maaliyada toona. Xasad iyo Buqdi qabyaalad ku salaysan ayaa ku hayee, ma jiro wax xidhiidh ah oo ka dhexeeya Argagixisada aad adigu ka mid tahay iyo madaxda qaranka oo aan ka ahayn colaad aanu midba kan kale bixinaynin.
Shirkada Dahabshiil waa shirkada kali ah ee buuxisay dhamaan shuruudaha caalamiga ah ee lagu kantaroolo xawilaada lacagaha taasi oo ay ku kasbatay kalsoonida dhamaan dadka ku hadla afka soomaaliga iyo bulshada caalamka hay’adaha Qarmada Midoobay iyo kuwa caalamiga ahba. EEBE ayaa sharaftaasi iyo kalsoonidaa u suurtogaliyay.
Shacbiga Somalilandna ma joogaan maanta 1960kii beenta adigoo kale u sheegi jirteen ee shaydaanku dantooda qaran dhaafin jireen. Waa dad soo jeeda oo kala og Nacabkooda adigoo kale ah iyo Nasteexooda.
Waar Baashoow toobad keen, oo haddii aad tahay muwaadin Somaliland ah dalkaaga iyo dadkaaga dhinac ka soo raac oo nala wadaag nimcada if iyo aakhiro ee shacabka Somaliland haystaan. Madaxwaynaha iyo Xukuumadiisu guulaha ay hirgaliyeen ee Ilaahay aanu ku tusin adiga Baashow halkan kuma soo koobi karo, waxay jidad cusub noo dhistay, Idaacada dunida oo dhan laga dhagaysto ee Radio Hargeisa, Tan Quraanka Kariimka ah, dib u heshiisiinta beelaha walaahayaga bariga Somaliland, dhismaha garoomada casriga ah ee dalka, iyo siyaasada dibada oo goolal badan oo xidhiidh ah ay iska dabo dhalisay.
EEBOW guusha Somaliland noogu sii wad. WABILAAHI TAWFIIQ
Suleiman Ismail Bolaleh

No comments: