Wednesday, July 17, 2013

Wasiirka Waxbarashada Somaliland Oo Daboolka Ka Qaaday Inay Jaamacadii Ugu Horaysay Albaabada U Xidheen


Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada
iyo Tacliinta sarre
Marwo Samsam Cabdi Aadan
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan, ayaa markii ugu horeysay sheegtay inay jiraan Jaamacado aan buuxin karayn qiimayntii lagu sameeyey, isla markaana loo baahan yahay in albaabada loo laabo Jaamacada ka soo bixi kari wayda heerka laga doonayo Jaamacad.

Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta sarre Marwo Samsam Cabdi Aadan oo galabta ka hadlaysay Barnaamijka waxbarashada ee Idaacada laanta afka soomaaliga ee BBC-da, waxaanay tilmaantay jaamacado tiro badan oo Somaliland ka hawl-galla, kuwaasoo ay sheegtay inay Dhalinyarada kala dagaalamaan jahliga.

Waxa kale, oo ay Wasiirku sheegay inay jiraan Guddi ku hawlan qiimaynta jaamadaha dalka, iyadoo ka dhawaajisay inay jaamacadii ugu horaysay ee buuxin wayday shuruudaha ay xidheen, taasoo ay ku sheegtay Jaamacadda Fairland oo ku jirtay Jaamacadaha ugu dhaqdhaqaaqa badan.

Wasiirku waxa ay shaaca ka qaday in Jaamacadan oo ay wax ka barteen dhalinyaro badan ay buuxin weyday waxyaabihii looga baahnaa, isla markaana ay noqotay in la xidho, taas oo aan layska xidhayn  ee ay tahay in la jeheeyo,ardaydii wax ka baranaysaay,kuwaas oo aanu mudo ku hawlanayn in loo helo jaamacad ay ku sii wataan waxbarashadooda, si ay u niyad jabin ,taasina meel wanaagsan ayay maraysaa, ayay tidhi marwo Samsam.

No comments: