Tuesday, July 9, 2013

War Degdeg ah: Madaxwayne Siilaanyo oo Kormeer Kadis ah Saaka ku Tagay Cusbitaalka Guud Hargeysa iyo Warfaafinta - Xafiiska Afhayeenka Madaxwaynaha Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SILAANYO ayaa saaka subanimadii hore waxa uu u baxay kormeer shaqo oo kedis ah oo uu ku tegay Cusbitaalka Guud ee Hargeisa iyo Wasaarada Warfaadinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane AXMED MAXAMED MAXAMUUD SILAANYO mudadii uu ku gudo jiray kormeerkan kadiska ah ayaa wuxuu ugu dhabogalay xaalada bukaanjiifka yaala Cusbitaalka Guud ee caaasimada Hargeysa, isagoo warbiximo qoto dheer ka dhegaystay hawlwadeenada, madaxda Cusbitaalka iyo bukaanjiifka. 
Sidoo kale Madaxwaynuhu wuxuu mid mid u soo kormeeray xafiisyada Wasaarada Warfaadinta Wacyigelinta iyo Dhaqanka isaga oo uu ku wehelinayeen kormeerkan kadiska ah Wasiirka Arimaha Gudaha, Wasaarada Warfaafinta, Agaasimaha Guud ee Wasaarada, Agaasimaha TV-ga Qaranka, Agaasimaha Idaacada, Agaasimaha Farsamada iyo Agaasimeyaasha kala Duwan ee Wasaarada
Mudadii uu kormeerkan ku jiray Madaxwaynuhu wuxuu ku booriyay derdergalinta adeegyada qaranka aya u hayaan masuuliyiintiii kala duwanaa ee uu kormeeray.











 

No comments: