Friday, July 12, 2013

Qarax Ismiidaamin ah oo maanta ka dhacay wadada xiriirisa Isgoyska KM4 iyo Garoonka Diyaaradaha Muqdisho + Tirada dadka ku waxyeeloobay oo sii kordheysa

Wariyaha BBC-da Muqdisho oo ku dhaawacmay Qarax goor dhaweyd ka dhacay
Qarax Ismiidaamin ah ayaa goordhaweyd ka dhacay wadada xiriirisa Isgoyska KM4 iyo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho,Qaraxa ayaa waxaa fuliyey qof naftii hure ah kaasoo kaxaynayey Gaari walxaha qarxa laga suu buuxiyey.

Qofka Isqarxiyey ayaa qaraxa la beegsaday gaadiid Kolonyo ah oo ay wateen ciidamada nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM  oo goobta marayey,warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxa wararka horudhaca ah ee kasoo baxaya qaraxaas ayaa sheegaya in qaraxa uu ku dhintay qofkii qaraxa geystay ee watay gaariga Miinaysan waxaana sidoo kale ay dhaawacyo kasoo gaareen dad ku ganacsanayey wadada hareeraheeda ,walow ay suurta gal tahay in khasaaraha qaraxu uu sii kordho.

Ciidankii AMISOM ee weerarka lala eegtay ayaa ka badbaaday qaraxaas  waxaana la tilmaamay inuusan wax khasaaro ah kasoo gaarin weerarka lagu qaaday,guryo laamiga hareerihiisa ku yaal iyo gaadiid goobta marayey ayey waxyeelo qaraxa kasoo gaartay,ciidamada dowladda ayaa goobta soo gaaray gaadiidka gurmadka ayaa goobta ka qaadaya dadkii ku waxyeeloobay qaraxa.

Faah Faahin:Tirada dadka ku waxyeeloobay Qaraxa Muqdisho ka dhacay oo sii kordheysa


Khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin ah oo galabta ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa kor usii kacaya,qaraxa oo ka dhacay wada isku xirta Garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho iyo Isgoyska KM4 ayaa waxaa  lala eegtay Gaadiid ay wateen ciidanka nabad ilaalinta AMISOM.

Qaraxa ayaa waxaa geystay ruux watay gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa kaasoo si lama filaan ah u dhexgalay Kolonyo gaadiidka AMISOM ah oo wadada marayey kadibne is qarxiyey,inta la xaqiijiyey 5 ruux ayaa ku dhintay qaraxa oo uu kamid yahay Naftii hurihii weerarka fuliyey halka ay 10 kalane ku dhaawacmeen.

Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen dad shacab ah oo ku ganacsanayey wadada hareeraheeda iyo kuwa saarnaa gaadiid wadada marayey xiliga uu qaraxu dhacayey, C/raxmaan Aadan oo ah madaxda gaadiidka gurmadka deg degga ah ee Aambalaaska ayaa warbaahinta u sheegay iney goobta uu qaraxu ka dhacay ay  ka qaadeen 8 ruux oo dhaawacyo qaba kuwaas oo 2 kamid ah ay haween ahaayeen, goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa yaalla burburka gaadiid fara badan oo qaraxu baaba’shay iyo hilbo dad oo  googo’ay.

Dadka Qaraxa ku dhaawacmay ayaa waxaa kamid ah wariyaha Idaacadda BBC-da Laanteeda Afka Soomaaliga uga soo warama magaalada Muqdisho Maxamed Ibraahim Macalimow oo la sheegay inuu  dhaawac kasoo gaaray qaybo jirkiisa kamid ah, Wariyaha ayaa xiliga qaraxu dhacayey goobta marayey waxaana qaraxa ku basbeelay gaari uu watay oo gabi ahaanba gubtay, waxaana xiligan dhaawiciisa lagu dabiibayaa Cisbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.

Saraakiil fara badan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo goobta soo gaaray ayaa wada tirakoobka dadka ku waxyeeloobay goobta,waxaana lagu wadaa iney daqiiqadaha soo socda warbaahinta uga warbixiyaan qaraxa khasaaraha badan dhaliyey ee galabta ka dhacay Muqdisho.

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment