Aqoonyahan reer Somaliland ah oo shaahado sharafta ugu qiimaha badan dalkaCanada la gudoonsiiyay.
Guddoomiyaha guddiga fulinta ee hay ’adda waxbarashada
iyo horumarinta reer miyiga ee marka magaceeda lasoo gaabiyo loo yaqaano SCERDO Jamaal Xaaji Cali ahna
aqoonyahan kasoo jeeda Dalka Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool, ayaa ku guuleystay Shahaadada
Sharafta loo yaqaano “Paul Yuzky Award 2013” oo sanadkiiba hal qof la
gudoonsiiyo wadankan Canada.
Shahaado sharaftan ayaa waxaa sanadkiiba mar bixiya
wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka ee dalka Kanada Hon.
Jason Kenney iyadoo lagu qiimeeyo qofka la siiyo howlaha shaqo ee uu
u qabto bulshada kala duwan ee dalkan Kanada ku nool.
Xaflada Jamaal Xaaji Cali lagu gudoonsiiyay shahaado sharaftan ayaa waxaa lagu
qabtay xarunta SCERDO ee magaalada Edmonton iyadoo ay kasoo qayb galeen
xildhibaano ka tirsan gobolka Alberta , Madaxda dowladda dhexe ee Dalka Kanada
iyo ta degmada Edmonton-ba.
Waxaa xaflada khudbad qiimo badan ka soo jeediyay
wasiirka Socdaalka iyo dhaqanka dalka Kanada Mr. Jason Kenney oo Jamaal Xaaji
Cali , hay’adda SCERDO iyo waliba shaqaalaha SCERDO ku ammaanay waxqabadka ay
muujiyeen tan iyo intii la aasaasey Hay’ada SCERDO iyadoo si gaar ah uu
Wasiirku Mr. Bashir ugu amaaney sida uu u caawiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee
dhibaatadu ka haysato dhinacyada waxbarashada, shaqada iyo hoggaamintaba.
Wasiirka ayaa sidoo kale xusay shahaado sharaftan inay la socoto lacag dhan
$20,000 oo dollar taas oo uu Mr. Bashir u doortay in lacagta la gudoonsiiyo
hay’ada SCERDO.
Mr. Bashir oo gudoomay shahaado sharaftan lasiiyay ayaa hadal kooban oo uu ka
jeediyay goobta u mahadceliyay marti sharaftii kasoo qaybgashay xaflada
sheegayna inuu aad iyo aad ugu faraxsanyahay inuu ku guuleystay shahaado
sharafta Paul Yuzky Award ee sanadkan 2013.
Dhinaca kale Jamaal Xaaji Cali ayaa ka mid ahaa 30 qof oo ku guulaystay
billadda dheemanka ah (Queen’s Diamond Jubilee Medal ) sanadkii hore ee 2012 biladaas oo ay
bixiso boqoradda Ingiriiska Queen Elezebeth II. ayaa sidoo kale Mr Bashir Xaaji
Cali (Jamaal) sanadkan noqdey shaqsigii ugu horeeyay ee asal aahan kasoo jeeda
Qaarada Afrika oo ku guuleysta shaahado sharaftan
No comments:
Post a Comment
Horn-Watch welcomes your comment