Ergayga gaarka ah ee
Qaramada Midoobay u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Nicholas
Kay ayaa si cajiic ah uga hadlay arinka
Sheekh Xasan Daahir Aweys oo dowladda gacanta ugu jira.
Waxa uu sheegay in marka hore ay aad usoo dhaweynaayaan talaabada ay dowladda
Soomaaliya ka qaadatay inay xabsiga dhigto Sheekha si wax badan loo baaro.
Sheekha ayuu ku sheegay inuu ku jiro Liiska argagaxisada, waxaana uu ku
tilmaamay in dowladana ay sheegtay aqoonsi balaaran inay u hayso Qaramada
Midoobay Sharciyadeeda.
Dhanka kale guul usoo hoyatay dowladda ayuu ku sheegay in wadaadkaan uu is soo
dhiibo, laakiinse hadalkiisa ayaa u muuqda mid u muuqda in la doonaayo in lasii
gudbiyo Sheekh Xasan Daahir Aweys.
No comments:
Post a Comment