Friday, July 5, 2013

Madaxweyne Mursi: Waxa lagu riday… – W/Q. Axmed-Deeq

Qoraa: Axmed-Deeq
Soomaalidu inta badan Qabiil bay isku hayaan ee Diin iskuma hayaan, haddii aad aragto qof Diin ku doodaya markay xil joogto, badanaa waxay ka tahay uun awr ku kacsi, Masaariduna siyaasad iyo fikir bay isku hayaan ee Diin iskuma hayaan, Haddii aad aragto koox amma qof ku doodaya midda danbe badanaa waxay ka tahay uun Dan qofeed amma kooxeed.

Haddaba, labadii cisho ee u danbeeyay waxaan arkayay dhallinyar badan oo wanaagsan oo la qiiraysan Nidaamkii Ikhwaanka ee xukunka Masar laga tuuray.  Dhallinyartaas in badan oo ka mid ahi waxay aaminsan yihiin asxaabtoodana u gudbiyaan, Haweenkana kaga ilmaysiiyaan in Mursi xilka looga tuuray sababahan.

Wuxuu la dagaalami jiray fasaadka, wuxuu diidi jiray inuu dhigiisa khamriga la cabbo, wuxuu ahaa Madaxwaynaha kaliya ee salaadda Jamaca ku tukada, wuxuu diidi jiray baashaalka hablaha ee hoteelada ka socda, Khudbadaha wuxuu ku fur furan jiray aayado qur’aan ah iyo mahad-naq Eebbe, wuuna ku soo xidhi jiray, wuxuu ahaa Madax waynaha kaliya ee Salaadda habeenkii tukada, Eebihiisana la faqa, wuxuu ku baaqi jiray hirgalinta shariicadda Islaamka iyo khilaafa Islaamiya. Wuxuu xafidsanaa Qur’aanka Kariimka.  Waxaanay si quusi ku jirto ugu soo gaba gabeeyaan; Islaamkaba inay dabadii u dhammaatay !!!.

Haddaba maxaa ka run ah doodan?  Mase rumaysan karaa qof caqli leh oo in uun la socda waxa waaqica ka jira?? Qofkase madax noqonaya bulshadu ma waxay uga fadhidaa inuu salaadda Jamaca ku tukado mise……..?

Haddaba, ugu horayn waxaan u arkaa qalad in Madaxwayne la doortay xilka laga qaado isaga oo aan dhamaysan xilligiisii. Laakiin, taasi ma dhicin, inaanay dhicinna mar walba shar laguma sheegi karo, waayo wax badan baa iska caddaa sida aan gadaal ku xusi doono. Ka horse aynu isla garanno  inaannu Islaam fashilmin ee koox fashilantay. Cilmaaniyad guulaysan ee Shacab nolol, ceesh iyo cadaalad rabbaa guulaystay. Ciidan kalidii waxba ridin ee midawyo is biirsaday wax rideen, midka Garsoorka, Warbaahinta, Qorayaasha, Fanaaniinta, Ganacsatada, Diimaha (As-har iyo Kiniisadda) iyo Ururada mucaaradka iyo dhallinyaro fir fircoon oo iyagu kacdoonkaba fure u ahaa iyo bulsho malaayiin ah oo aan indhaha laga qarsan karin.

Bulshadan isku soo baxday waxay isugu jireen saddex qolo. Mid Ikhwaanka neceb, Mid Maslaxadda waddanka eegaysay iyo mid noloshu ku adkayd oo aan wax isbadal ahi u soo muuqan. Haddaba, inaga oo aan qiiroon Mursi iyo kooxdiisa waxa lagu riday: Nabad gelyada oo aannay soo celin, dhaqaalaha oo dhulka galay, Sicir bararka oo cirka isku shareeray, shaqo la’aanta oo badatay  iyo  Iska indha-tirka waaqica, Fuluul(Hadhaa) ku sheegga qof kasta oo ka aragti duwan, isku aragga inay dadka ka wanaagsan yihiin iyo ku go'aan qaadashada riyooyinka (Culimo aan eray lagu celin ayaa shacabka ku afuufay riyooyin Nabigu Mursi ku taageerayo inay arkeen iyo bushaarooyin ku saabsan inuu sideed sanno xilka haynayo) . Waxyaabahaa  iyo kuwo kale oo fikir ahiba waxay  Bulshada Masar badideeda u suurta galiyeen inay midoobaan, isla markaana ku kacaan Ikhwaanka, ridaanna isaga oo ciidanku gacan weyn ka gaysanaya. Dadka qaar baa ku doodaya xilli kooban buu hayay, waxase la ogyahay Mursina sheegay in Mu'asasaadka Dawladda oo idili  gacanta ugu jireen rag ka soo horjeeda, markaa xataa haddii uu joogi lahaa, waxba ma wadi kareen, isbadal la taaban karana ma samayn kareen. Ugu danbayn waa maxay hawsha shacabku ay uga fadhiyaan madaxdooda? Waydiintan waxaan kaga jawaabayaa weedhan run ku qotonka leh ee uu yiri: Siciid A. ismaaciil.

“Hawsha shacabku Madaxda u igmaday ma'aha inay u diyaariyaan Janno aakhiro amma inay ka bad-baadiyaan cadaab aakhiro, balse hawsha loo igmaday waa inay u diyaariyaan janno ifka ka jirta, kana badbaadiyaan cadaabta adduunyada(Gaajada, Cudurka, Jahliga... iyo wax walba oo caqabad ku noqonaya in la helo nolol u qalanta in Aadami ku noolaado"

Ugu danbayn waan u hanbalyaynayaa shacabka Masar ee kacdoonka nabad-gelyo ku guulaystay, waxaanan is waydiinayaa Kooxda Ikhwaanka iyo taageerayaasheedu ma ka faaiidaysan doonaan qaladaadkii ka dhacay oo ma sixi doonaan? Mise Islaamiyiintu maba qaldamaan ee waxay ku kici doonaan cunfi iyo dagaal? Dhallintase Soomaaliyeed ma ku dayan doonaan dhigooda Masar ee adduunka ka yaabiyay? Bal adba!

Axmed Ismaaciil Maxamuud (Axmed-Deeq)
Email: awliyo177@hotmail.com

No comments: