Tuesday, June 25, 2013

Xasan Ciise oo Saluugay Sedka Saaxiibadii uu Siiyayay Madaxweyne Siilaanyo

War Saxaafadeed uu Saxaafada u qaybiyay goor dhawayd Gudoomiyihii Ururkii Xaqsoor ee ku hadhay tartankii doorashadii Golayaasha Deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay Sanadkii Tagay Xasan Ciise ayaa u dhignaa sida tan:
 
WARSAXAAFADEED

Wadahadaladii u dhexeeyey Xaqsoor iyo xukumada waxaa ka baxay  dhinacii xukumada.

Ka dib marKii uu gudigii laba geesoodka ahaa ee wadahadalada ku jiray uu isla soo qaaday qodobo guud ayaa  ururka xaqsoor ku dhawaaaqay inay diyaar u yihiin wareegii labaad ee loogu geli lahaa tafaasiisha qodobada guud, hadii laga helo dhinaca xukuumada.  Iyada aanay xukuumadu kasoo jawaaabin soo jeedintaas ayay imika magacowday Wasiir iyo Wasiiru dawle ka tirsanaa hogaanka xaqsoor iyaga oon magacaabistooda waxba ka waydiin hogaankii ururka.
 
Shicibka Somaliland waxaan u sheegaynaa in ururka xaqsoor daacadnimo ku galay wadahadaladaas.  Waxaan ogolaanay inaanu la hadalo xukumada ka dib markii ay iyagu ku taliyeen inaanu wadahadalo yeelano.   Waxaanu sidaas u yeelnay anaka oo dadka iyo dalka la jecel isafgarad iyo horumar iyo anaka oo ka cararaynay in naloo sawiro urur gar-maqaate ah.  Waxa se noo muuqatay inaanay xukumadu daacad ka ahayn wadahadalada.   Imika xukumadu talaaabadan, magacaabida waxay ku cadaysay  inay ka maarantay heshiis dhamaystiran ooy la gasho ururka xaqsoor.

Waxaanu halkan ku cadaynaynaa  mar kale, inaan Xaqsoor cidi uga lexejeclo badnayn Somaliland oonu sidii hore iyo si kasii wanaaagsan ugu sii shaqayndoono midnimada, sharafta, cadaalada iyo xaqsoorka iyo horumarka dadka iyo dalka qaaliga ah ee Somaliland.

Xasan Ciise Jaamac
Gudoomiyaha  ururka Xaqsoor

No comments:

Post a Comment

Horn-Watch welcomes your comment